(ERGO) – Walaac xoogan ayay dhakhaatiirta caafimaadka qabaan inuu markale bulshadu kusoo laba kacleeyay safmarka karoona feyrus magaalada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo. Xadka magaaladan ay la wadaagto dalka Kenya ayaa dib u furmay taas oo isku socodka dadka sidii caadiga ahaa kusoo celisay waxaana jiro dad badan oo astaamaha xanuunka isku arkay wallow dadkaa aysan tagin goobaha lagu baaro xanuunka si ay iskaga hubiyaan badqabkooda caafimaad.
Madaxa Caafimaadka Beled-xaawo Dr Axmed Cadoow Maadeey oo lahadlay Raadiyaha Ergo ayaa sheegay in xanuunku uu bishii Novemeber magaalada kusoo laba kacleeyay, dadka calaamadaha xanuunka iska shakiyana ay is dhigtaan oo aysan gaarin goobaha ay wasaarada caafimaadka ugu talagashay in lagu hubiyo Cudurka.
‘‘Second wave-kaan aduunkii oo dhan aad u qaribayo ayaa anagana saameyn culus nagu leh, wuxuuna nooga imaaday saan fileyno xagga Kenya oo aad iyo aad saameyn wajiga labaad aad moodid inuu wajigii koowaad ugu xooganyahay. Cabsi weyn baan ka qabnaa adeegii saxda ahaa ee loobaahnaa ma haysano haddii uu marka xannuunku magaalada uu aad ugu fido wax hadda aan oogu sii diyaar garownay ama aan usii haysano malahan’’.
Masuuliyiinta degmada ayaa sheegay in oday 70 jir ah oo isbitaal gaar loo leeyahay xanuun la jiifay laga helay koroonaha. Odayga oo sidoo kale la il darnaa dhiig kar ayaa waxaa lagula taliyay in uu goobta karantiilka tago, balse reerkiisa ayaa doorbiday in ay guriga geeyaan, labo isbuuc kadibna waa uu geeriyooday.
Labadii todobaad ee ugu danbeysay ee November ugu yaraan 16 qof oo baaritaan lagu sameeyay ayaa laga helay, shan bukaan oo mid kamid ahna way u geeriyoodeen kuwaa oo badi howl-wadeenada caafimaadka ay guryahooda kasoo qaadeen markii lagu soo wargaliyay in xaaladoodu aysan wanaagsaneen sida uu Ergo u sheegay Madaxa Caafimaadka Beled-xaawo.
Magaalada waxaa ka jira habacsanaan bulshada dhaxdeeda ah tiiyoo u dheertahay in dadku ay wali ku kulmayaan goobaha mashquulka sida suuqyada iyo maqaaxiyaha waxay dadku iska iloobeen qaadashada af-xirka, joojinta salaanta iyo qodobka kala fogaanshaha. Badi dadku waxay sheegtaan xanuun kaas oo astaamaha karoonaha leh sida hargab, qandho iyo urtii oo ka guurtay, waxaana jira bukaano aan la hubin inay xanuunka qabeen oo calaamadihiisa u geeriyooday.
Maxamed Aadan Cali waa 31 jir waalidiintiisu bishii aynu kasoo gudubnay ay u geeryoodeen astaamaha feyruska oo muddo labbo todobaad kabadan ay la xanuunsanayeen. Maxamed hooyadii waxay xanuunka u geeryootay 14 kii November halka aabihiis isla 25-kii bishaas geeriyooday, waxayna joogeen tuulada Dalsan-daawo oo dhanka bari 7-km kaga beegan magaalada.
Maxamed ayaa Raadiyaha Ergo u sheegay in uu aaminsanyahay inay waalidkii u geeryoodeen karoona feyrus madaama muddo ay la jiifeen xanuun astaamihiisa leh.
‘‘Iyagoo qufacayo ayaa la arkay, waxaa loo qabtay hargab, naqaskaa kolkii hore laggu dhajiyay dhiikar iyo sonkorna wey qabeen… Isbitaal iyo waxkasto ayaan lamaray kolkii danbe gurigaan kusoo celiyay oo quraan saaray kolkii danbana wey dhinteen’’.
Waalidiinta Maxamed ayaa usoo shaqo taggi jiray magaalada Beled-xaawo. Aabihii ayaa dhismaha guryaha ka shaqeyn jiray halka hooyadii caano ay kasoo maasho 12 neef oo Ari ah oo ay dhaqanaysay ay magaalada subixii usoo iibgeyn jirtay.
Maxamed Aadan ayaa Ergo u sheegay in astaamihii ay u geeriyoodeen waalidiintiis oo kale ay waqti xaadirkan la jiifaan tuulada dad kale oo da’a ah oo cisbitaaladana cabsi ah in xaaladu ugu darto kaqabo.
‘‘Isbitaaladey ka baqayaan oo wey ka cararayaan waxay leeyihiin cirbad qofkale lagu dhuftay ayaa nagula durri, marabno meeshaan dadku wuu kabatay hargab qufac iyo balaayaan kasoo qaadeynaa, marabno’’.
Wacyi-galinta iyo dadaalada lagu xakameynayo xanuunka oo magaaladan xaduudka dhacda si xoog leh ugu socday bilowgii karoonaha markii wasaarada caafimaadku xaqiijisay kiiskii ugu horeeyay ayaa u muuqata mid gaabis ku yimid. Xiligaas dhalinyaro iskood isku abaabulay ayaa wacyi-galinta bulshada gaarsiinayey, dadkana badanaa markii ay calaamadihii feyruska qaarkii isku arkaan xaafadahay isku karantiilayeen.
Iyadoo khatarahaas caafimaad ee ku tacaluqa Covid-19 ay ka jirto Beled-xaawo dhinaca kale howl-wadeenada wasaarada caafimaadka Jubaland ee ku sugan magaalada waxay sheegayaan inay jirto culeys ka haysto qalabka lagula tacaali lahaa bukaanada uu xanuunku soo ridanayo.
Dr Axmed Cadoow, madaxa caafimaadka magaalada ayaa xusay in qalab safmarka loogu talagalay oo wasaarada caafimaadka ee dalka ay keentay magaalada bishii June ee sanadkan uu gabaabis yahay.
‘‘Degmada ma u diyaarsan tahay xanuunkii inay wajahdo? Maya, uma diyaarsanin. Qeybta karantiilka agabkii loo baahnaa oo ku wanaagsanaa in dadka xanuunada qabbo lagula tacaalo ma yaalaan. Qalabka PPS-ka loo yaqaano ma yaalaan degmada. Ayaantii first wave-kii uu jiray waxyar ayaa nasoo gaaray, waxaas yarkana waan isticmaalnay…. Xanuunku sidiisaba ka hortag ayuu leeyahay ee ma laha ka dabatag iyo daaweyn… waxaa ugu fiican oo lagu sameyn karaa in umadii laga wacyi-galiyo, wacyi-galintii bay aad baaba’a uga tahay degmada’’.
Waxay waqti xaadirkan saraakiisha caafimaadku haystaan si ay kula dagaalamaan karoona feyrus hal sheybaar iyo sadex oxgen oo yaalo xarunta karantiilka ee Beled-xaawo, iyadoo intaa ay u dheertahay magaalada wacyi-galintii bulsho oo aanan heerkii loo baahnaa ku socon.