Naafada oo ku dhib qabta waddooyinka Muqdisho xilliyada roobka

0
Dalmar oo ka mid ah dadka ay saameeyaan biyo

(ERGO) – Dalmar Caddoow Macalin waa wiil dhalinyaro ah oo araga la’ kaas oo ku shaqeysta xirfad macallinimo, ahna arday wax ka barta Jaamacadda Jobkey ee magaalada Muqdisho. Waxa uu caqabado maalinle ah kala kulmaa u kala gooshidda gurigiisa, shaqadiisa iyo jaamacadda oo degmooyin kala duwan ku yaala.

Waxuu Radio Ergo u sheegay in saddex waddo oo marta xaafaddiisa ay biyo fariistaan xiliyada roobka. Waxuu ku qasbanaadaa maridda waddo afaraad oo aad u mashquul badan gawaarida xaafadda soo gala oo wada isticmaalaya awgeed, taasoo uu kala kulmo marideeda rafaad kalifa in uu ka dib dhaco xiisadda uu ardayda siin lahaa iyo kuwa jaamacadda ee ay tahay in uu xaadiro, iyadoo mararka qaar ay soo gaaraan dhaawacyo inta uu waddada goynayo.

“Halkaas waddo markaan marayo, waa in aan ugu yaraana 20 daqiiqo taagnaadaa…. Waxaan xasuustaa maalin aniga oo u soo diyaar garoobey shaqadeyda markaan soo socday in god weyn oo biyo leh aan ku dhex dhacay, dharkii aan oo xirtay daayee anigii ayaa dhawac isoo gaaray oo lugta ayaa ii laabmatay.”

Labadii bil ee ugu dambeysay ayuu Dalmar sheegay in aanu shaqayn inta badan taas oo saamayn ku yeelatay dakhliga soo gala maaddaama iskuulka uu dhigo loo xisaabiyo xiisadaha uu bixiyo lacagtooda. Waxa uuna xusay in lacagahii soo gali jirtay uu isbeddel ku yimid, waxa ayna keentay inuu wada bixin waayo ijaarka guriga uu daganyahay oo ah 60 doollar. Bilowga Nofeember dhawr maalmood oo ka mid ah ma aanu shaqo tagin sababo la xiriira roobab joogto ahaa oo ka da’ayay degmada Dharkenley ee uu degan yahay.

Dalmar waxa uu u shaqo tagaa degmada Kaxda oo uu ku yeelo iskuulka uu wax ka dhigo halka jaamacaadda uu wax ka barto ay ku taalo degmada Hodan, sida uu inoo sheegay in ka badan toban kiilo mitir ayuu safraa maalmaha qaar, haddii uu roob da’o waxaa isbeddel ku imaan karaa sida uu ku ogaa meelaha uu marayo oo aan biyo fadhin markii hore.

“Meeshii boosteejada ahaan jirtay maahee meel ka duwan ayaan ka raacaa marka uu roob da’o, waa dhibaato waa inaa cabbaar aan taagnaadaa ama qof i caawiyaa. Naafada gaar ahaan aad ayey ugu dhib qabaan ha ahaato kuwa jiisaska ah, ha ahaato kuwa dhagoolyaasha ah iyago wax u jeedaan xitaa dhibaato ayey ku qabaan, dadkii aragga la’aa kaba daran”.

Mararka qaar waxay dantu ku qasabtaa inuu Bajaaj qaato, laakiin inta badan qarash uma uu hayo.

“Bajaajtii aniga ma awoodi maalin kasta inaa shan doolar ama afar doolar inaa ka bixiyo meel dhaw aniga oo u baahan laakiin waxaa qasbaya inaa ka bixyo wadadaas ay biyaha fadhiyaan awgeed”

Hagaajinta jidadka ka sokow, waxaa isbaddal u baahan fikirka laga heysto dadka naafada. Dalmar waxuu qabaa in dadka badidii aysan ku baraarugsaneyn dhibaatooyinka ay dadka naafada la kulmaan ama aysan u fidin caawimaadda ay u baahanyihiin.

Dalmar ayaa sheegay in xiliyada roobka uu ku tiirsan yahay dadka waddada maraya si jidadka ay biyaha fadhiyaan ama godadka uga gudbiyaan, balse aysan dadku ku baraarugsanayn caawinta dadka baahiyaha gaarka ah qabo xiliyada ay jidadku biyaha fariistaan taas badalkeedna ay ku maadeystaan mararka qaar, sida ku dhacday maalin maalmaha ka mid ah.

“Waddadii aad ayey u go’an tahay, dhanma kama mari kartid. Waxaan maciin biday biyihii in aan dhex maro, biyaha intaan dhex maraayay qof walbo oo meesha maraayo waa igu qoslaayey, intay ii gargaari lahaayeen qosol ayey meeshii la fadhiisteen. Markaas ayaan dhahay war maxaad iigu qosleysaan? in la isku gargaaro miyaanay mudneyn? Markaasaa lay dhahay anagoo wax u jeedno aaba wadadaan mari waynaye maxaa adi ku soo marsiiyay?”

Cabdisalaan Mukhtar Maxamuud oo ku naafoobay xabad wiifto ah ku dhacday 25 sano ka hor ayaa haatan ku shaqeysta wadista Bajaajta, si weynna u fahamsan dhibaatada ka jirta waddooyinka Muqdisho.

Cabdisalaan oo guddoomiya urur Dayax la yiraahdo oo ay ka diiwaangeshan yihiin in ka badan afar boqol oo qof oo qaba baahiyo gaar ah oo ku nool degmada Dherkenley, ayaa sheegay in xiliyadan oo kale ay la soo xariiraan dad badan oo baahiyaha gaarka ah qaba kuwaas oo aanan heli karin quutulyowmkooda maaddaama aanay awoodin in ay soo baxaan. Waxa uu sheegay in marar badan ay soo gaarto gurmad dalbasho kaga timaadda dadka naafada ah oo ay guryahoodu biyaha roobka saameeyeen.

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here