Ayax barakiciyay qaar ka mid ah reer miyiga ku dhaqan degmada Guriceel

0
Photo Credit / Sven Torfinn/ FAO

(ERGO) – Reer miyiga ku nool tuulooyinka Dabbarre, Biyogaduud, Biyocadde, Dhagaxyaale, Labiley, Afrax Muuse, Goonlagoonle iyo Galqoryaale oo dhamman koonfur ka xiga Degmada Guriceel ayaa qaarkood degaannadooda uga barakacay koronkorta ayaxa taaso sida ay sheegen ka dhameysay daaqii xoolaha ee xilli robaadka ay heleen.

Xasan Xaashi Beyle oo ah xoolo-dhaqato-beeraley kuna nolaa degaanka Afrax Muuse oo Guriceel koonfur kaga beegan 60km ayaa todobaad ka hor beertiisa iyo labo aqal oo ku ag dhisan kaga guuray koronkor ku degtay halka uu deganaa. Waxaa beerta ugu abuurnaa digir, masago, qarre iyo bocor-gaduud, dhammaanna waxaa baabi’iyay koronkorta ayaxa. 20kii bishan ayuu xoolahiisa oo ka kooban 150 neef oo ari ah iyo 7 geel ula guuray meel ku dhaw tuulada Doyaale oo halka uu kaso guuray 25km u jirta.

“Beer ayaa ii tabcaneyd, balse wax aan ka hayo malaha, waa ooddii oo weydaran iyo ciiddii oo gaduudan. Ciddu waa reero badan wadanka ayey baraago ku leedahay oo ay degaan ku tahay oo ay guryo ugu dhisnayeen hal reer oo gurigiisii jooga ma jiro hadda, geed qorax ah ayaan carruur aan gaari kuso qaaday, koronkortaas ayaan kaso barakacnay” ayuu yiri Xasan,

Xasan Xaashi Beyle oo labo qoys leh ayaa carruur 7 ah soo saaray gaari uu ugu kireeyay $20, halka xaasaska iyo 4 carruurta ka mid ah ay xoolaha lasoo lugeeyeen, waxayna ku qadatay socodkaas muddo 4 saac ah.

Xasan wuxuu idaacadda Ergo u sheegay in barkad uu ku lahaa halka uu kasoo guuray oo ay ku jireen biyo xareed ah ay koronkortu gashay biyihiina ay isbadaleen midab ahaan iyo dhadhan ahaan. Taas ayaa ku qasabtay in halka reerka uu hada la yimid uu ugu shubo biyo bacda roobka oo sida barkada loo farsameyay wuxuuna booyad qaada afartan fuusto ku iibsaday lacag dhan $32. Wuxuu koronkor ka cararka u safriyay labo neef oo daabax ah oo laga siiyay $110.

Saney Cismaan Cabdulle oo qoyskiisu ka kooban yahay sagaal qof ayaa sidoo kale iskaga guuray tuulada Dabarre 19kii bishaan kadib markii halka xooluhu u daaqi jireen iyo halka aqalka ugu dhisnaa ay koronkor ku degtay. Wuxuu daaqsin u raadiyay 120 neef oo ari ah iyo 12 geel ah oo uu dhaqdo wuxuuna u guuray degaanka Nagaadiweyn halkaas oo uu mar hore soo sahansaday.

Dadka degaanka ayuu sheegay in intii karaankooda ah ay la tacaaleen dhibaatada koronkorta, balse ay maareen kari waayeen.

“Waxaan isku daynay ka degaan ahaan in aan iska kaashanno oo aan bahashaas ka taqalusno. Waan qeylo dhaansannay, waxaan dirsanay bahashan wax lagu buufiyo ee 16ka litir qaadda, tan tubada dheer leh oo biyaha tuurta ayaan Xamar ka dirsannay. Koox koox ayaan iskugu leexanay, waan buufinay suntan aan isticmaleyneyna waa Jordan, kadib bahasha waa naga tan badiday markan afar iyo labatan saac taagneyn oo ay soo badanee lee ayaan dan cad u deynay” ayuu yiri Saney.

Saney wuxuu idaacadda Ergo u sheega in tuulada Dabarre iskuul ku yaala ay u dhigan jireen 5 carruurtiisa ka mid ah oo labo ay gabdho yihiin, waxayna ku kala jireen fasalka kowaad iyo fasalka labaad, waxayna hadda wajahayaan waxbarasho la’aan.

Carruurta Saney oo kaliya maahan ee waxaa iyaguna waxbarashada ka haray ilaa 500 oo carruur ah markii qoysaskooda xoolo dhaqatada ah ay uga guureen halkii ay daganeyeen koronkorta ayaxa. Carruur kale ayaa safar dheer oo dhan 15km u soo aada waxbarashada madama qoysaskoodu ka fogadeen iskuulada.

Degaanka Dabarre oo ay ku nolayeen 250 qoys ayaa waxaa iskaga barakacay koronkor tuulada qabsatay awgeed 110 qoys waxaana weli ku harsan oo iyaguna halka ay u guuri laheyeen raadinaya 140 qoys oo kale.

Saney Cismaan Cabdulle ayaa Raadiyaha Ergo u sheegay in dhulka ay cagta marisay koronkortu aysan xooluhu ka heleyn wax daaq wuxuuna intaas ku daray in halka ay hadda u guuren ay ka cabsi qabaan in ay kaga daba tagto madama dhul lagu qiyaasay 100km ay si siman koronkortan u waxyeeleysay.

“Meesha ay martay waxaad is leedahay ma dab ayaa ku baxsaday, geeduhu si ayey u guban yihiin in ay noolyihiina waad dareemeysaa laakiin waxaad ku qiyaasi karta meel gubato martay, [ayaxu] waa kala duwan yahay, mid hadda ayaa baalka u dilaacay, midna hal todobad camal ayuu joga oo waa uu yaryar yahay” ayuu yiri Saney

Gudoomiyaha degaanka Dhagaxyaale oo Guriceel dhinaca Koonfur 45km Axmed Cabdi Warsame  ayaa idaacadda Ergo u sheegay in tuulada looga barakacay koronkorta ayaxu dhalo taaso degaanka oo dhan qabsatay wuxuu sheegay in 800 qoys oo tuulada ku nooleyd ay hada ka jogaan 200 qoys kuwaaso iyaguna qorshaha ugu jirto in ay guuraan haddii xaalku sidan sii ahaado.

“Walaalow bahashaas degaankan aad iyo aad ayey u dhibaateysay welina waa ay ku dhex jirtaa, waxaana isleenahay wax danbe ugama tagi doonto. Dadku waxay iska ahayeen qof barkad cabta iyo qof baak cabta, qof walbana biyihii ay isku haleyn jirtay bahashaas ayaa gashay waana ay qurmeen. Baaqa aan dirayaa wuxuu yahay dadkaas in loo soo gurmado hadey dowlad tahay, hadii maamul hoose ay tahay, hadii ganacsato ay tahay iyo hadii ay shirkado tahay,” ayuu yiri Axmed.

Wasiirka Beeraha Dhirta iyo Daaqa Galmudug, Axmed Nuur Xaaji Cismaan, ayaa mar uu kormeer ku sameyneyay bishii Oktoobar baaxadda Ayaxa Galmudug soo gaaray wuxuu sheegay in ayaxa gaaray degaanka Dhagaxyaale uu yahay kii ugu badna ee Galmudug lagu arkay.

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here