Waxbarashada dadka waaweyn oo Somaliland laga hirgeliyay

0
Saafi Mohamed oo ku jirta fasalka ay ka dhigato dugsiga hoose dhexe Alif doon ee magaalda Hargeisa/ Ilyas/ Ergo

(ERGO) – Rajada kaliya ee ay qabto Saafi Maxamed Jaamac inay ku bedesho shaqada masaaxada ee ay ka hayso Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa ah inay dhameysato waxbarasho lix bilood u soconaysa oo loo furay bishii September ee sanadkan.

Hooyadan oo ah 45 jir markii u horeysay wax baranaysa ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay inay rabto in shahaadada ay qaadato bisha January si looga bedelo shaqada nadaafada oo muddo lix iyo toban sano ah ay qabanayso, halkaas oo bishii ay ka qaadato 40 doolar oo kaliya.

“Caqabad waxay igu noqotay markaan shaqo tagay anigoon waxba garanayn qeyrkayna uu shaqeynayo oo computero shubayo aniguna aan dhulkii fiiqayo. Walaahi waxaan doonay inaan in badan is daba qabto laakiin imikaan fursad helay.”

Saafi oo il dhaqaale u ah qoys ka kooban iyada iyo saddex qof oo laba kamida ay eedo u tahay ayaa sheegtay in wakhtigii ay nasan jirtay marka ay dhameyso shaqada guriga, mida nadaafada iyo wixii kale ee ay howlo leedahay maalinkii ay uga faa’ideysanayso inay bedesho nolosheeda oo wax barato.

Waxaa ay Raadiyo Ergo u sheegtay in isbedel weyn ay dareentay labadii bilood ee ay wax dhiganaysay.

“Walaahi imika xiitaa magacayga ayaan qoranayaa, warqadbaan kuu qori karaaba, imikana meel kasta oo aan tago waxaan akhrisanayaa board ku yaala, moobilkayga ayaan akhrinayaa, waraaqihiibaan akhriyayaa, jaraaid ayaa akhrisanayaa… caruurtii ayaan eegayaa waxay soo dhiganayaan.”

Saafi waxaa ay sheegtay in markii ay yareyd aanay ogeyn muhiimada waxbarashada qoyskeeduna ahaa reer baadiye xoolo dhaqato ah oo ay uga baaqatay inay dugsi wax ka barato.

Sucaad Maxamed Cabdi Agaasimaha waxbarashada dadban ee Wasaarada ayaa waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in qiimeyn ay sameeyeen bilihii June iyo July ah ku ogaadeen in dhibaato ay ka haysato hooyooyinka akhriska iyo qoraalka.

Waxaa kale oo ay ogaadeen in caruurta waxbarashada dhigta aanay cid ka eegin casharada marka ay joogaan taasina ay sabab u tahay aqoon darida haysata hooyada oo ah mida guriga ku nool.

Tan iyo markii la bilaabay mashruuca fidinta waxbarashada ayay sheegtay Sucaad in is bedel dhinaca akhriska iyo qoraalka ay sameeyeen saddex kun iyo todobada boqol oo arday oo la diwaangaliyay ka faa’ideysanayaan dugsiyada.

“Fidinta adeega waxbarashada waxaa weeyaan inay waxbarashadu guri kasta oo Somalilander ah gasho… in qofkasta oo muwaadin ah rag iyo dumar, waayeel iyo caruur qofkastaba uu wax barto, kulamaa waalidkii wax barto oo waalid aqoonyahanii ilmihii soo saarayo oo uu macalinkii la hayo.”

Saddex boqol iyo laba iyo sagaashan dugsi oo ay dowladu leedahay ayaa galinka dambe hadda dib loo furay in wax lagu barto. Dugsiyadu waxaa ay ku yaalaan magaalooyinka, tuulooyinka iyo deegaanada miyiga ah. Labaataankii dugsi ee u horeeyay oo tijaabo lagu ogaanayo waxaa laga furay magaalada Hargeysa.

Galinka dambe waxaa loogu bilaabay waxbarashada haweenka inay wakhti heli karaan oo ay tahay marka ay ka nastaan shaqooyinka ay suuqa iyo guriga ka hayaan. Sucaad ayaa xustay in haweenka hadda kusoo biiraya waxbarashada ay tahay dugsiyada oo aan laheyn qeyb dadka waayeelka ah wax loogu dhigo haddana ay tahay markii u horeysay oo dad badan oo jecel inay wax bartaan fursad u heleen.

Waxbarashada dadka oo bilaash ayay maamulka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland rajeynayaan in ay kor u qaado dadka akhriska iyo qoraalka yaqaana ee ku nool deegaanada Somaliland.

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here