Roobab dabeylo wata oo dib u barakiciyay Boqollaal qoys oo ku nool dagmada Luuq

0
File Photo/ Ergo

(ERGO) – Ibraahim Barrow Samow iyo qoyskiisa oo 12 qof ah, waxa ay tan iyo horraantii bishii Oktoobar bannaan jiif u yihiin qorraxda iyo qabowga dhaxanta wata, markii roobab mahiigaan ah oo dabeylo watay ay dumiyeen aqalladoodii oo ka samaysnaa ulo, maryo iyo kartoomo la isku dhajiyay.

Qoyskan oo muddo 4 sano ah daganaa xerada Jasiira oo ku taalla dagmada Luuq ee Gobolka Gado waxa ay saddexdii toddobaad ee ugu danbeeyay ahaayeen hoy la’aan. Daad u galay guryaha iyo cooshadihii aqalladoodu ka samaysnaayeen oo dabeyluhu kala tageen ayaa ku qasbay Ibraahim iyo intabadan dadkii xerada la daganaa in ay ka cararaan guryahoodii.

“Buush yar baa igu dumay iyadoo habeen la joogo. ilmihiiyaa baan gacanta Qabsaday waa baxay duq kale oo dariskeyga ahaa oo derso u dhisnayd yaan meesha ugu galay. Hadde meel dad la iskugu geeyay oo baadna jirin oo iska duur ah dhibkeeda waa taqaan.”

Qoyska ay ku dageen Ibraahim iyo carruurtiisa uma helin qol ama meel ay qabawga ka galaan, waxayse halkaas ka heleen balbalo yar oo dhinacyada ka furan oo aqalka reerka ka mid ah. Boqollaal qoys oo kale oo guryo jilicsan ku noolaa ayaa lamid ah kuwaas oo bannaan yaal ah.

Dadka barakacay ee roobku sii barakiciyay waxay u badan yihiin dad xoolohoodii ku waayay abaaraha oo ay ku adkayd helidda quutul-daruuriga iyo maaraynta baahiyaha asaasiga ah ee nolosha, iyagoo qaarkood siyaabo kala duwan u heli jiray nolol maalmeedkooda qaarna waxa ay ahaayeen gargaar sugayaal.

Ibaraahim malaha xirfad uu ku shaqaysto. Nolosha carruurtiisa waxa ay ku tiirsan tahay hooyada qoyska oo maalmaha qaar soo hesha shaqo dhar-dhaqis waxaana lacagta ay ka helaan ay ku iibsadan raashin aan badnayn oo dabka ay saartaan hal ama labo waqti.

“Maalmahaan sidey u baxdo iyada oo waxba soo helin bey soo noqonee, maalin 30,000 shilin bey soo helli, maalin afartan kun. Maalinta ugu badan lixdan kun ayay soo heli.”

Deegaanka Ufurow ee gobolka Bay oo uu Ibraahim ku dhaqanayay 60 neef oo ari ah iyo labo sac ayuu ka soo barakacay, markii abaartii saddex sano ka hor ay dhaafisay xoolihiisa.

Kuulay Cali Maxamed iyo sagaal carruur ah oo ay dhashay ayaa kamid ah dadka xilligaas Luuq ku soo qaxay, haddana ay roobabku bannaanka dhigeen.

Saddex sano ka hor ayay ka soo barakaceen miyiga dagmada Waajid ee gobolka Bakool. halkaas oo beer ay ku lahayd, waxaana sanooyin is xigxiga oo roob la waayay ay u soo barakacday dagmada Luuq ee gobolka Gado.

Waxa ay ka dayrisay xaaladda ay haatan ku suganyihiin maaddama aysan haysan xitaa gogol ay ku jiiftaan, habeenkii waxa ay ku hoydaan meel ay xaarxaarteen oo dhinaca ku haysa geed si ay dugaal uga helaan sida ay sheegtay.

“Walaalow guri la’aan wax ka daran malahan gaajadaba xitaa, kollay ilaahey badbaado wuu nasiinkaraaye iyadoo gaajo noo dheertahay hadda guri la’aan baa aad noo haysa. Ciyaalka meel aan galino xataa hadey caawa tahay ma haynno oo kubeero aan saarno ma haysanno.”

Madaxa arrimaha bulshada maamulka dagmada Luuq Cabdicasiis Sugow Salaad ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dadka soo barakacay ee roobabku saameeyeen ay u badnaayeen kuwii ku noolaa xerada Jasiira oo saddex bil ka hor laga raray gudaha dagmada ciriiriga oo ku badatay Luuq darteed.

Waxa uu tilmaamay in dadka barakacay ay si guud roobabku saameeyeen, balse kuwaani ay kaga duwanaayeen aqalladooda oo jilicsanaa iyo halka ay daganaayeen oo bannaan ahayd. Cabdicasiis ayaa intaas ku daray in ay soo qiimeeyeen xaaladda ay ku sugan yihiin qoysaskan.

“Dadkan roobabku saameeyay waa 500 oo qoys, iyadoo qaar kamid ah ay fadhiyaan bannaanka…roobabkana waa wax [wali sii] da’aya. Dadka baahi ayay u qabaan hoy ay kagalaan dhaxanta, cidkasta oo naga saacidikarta hoygooda iyo nolosha waan ka codsanlahayn”.

Waxa uu sheegay in maamulka awooddiisa oo kooban aysan ku filnayn caawinta qoysaska hoyga iyo cunnada u baahan, balse ay ku wargaliyeen dadka deegaanka in ay caawiyaan qoysaskan inta ay ka helaan guryo iyagu ay leeyihiin.

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here