Muqdishu: Sidee roobku u saameeyey qoysaska barakacay ee degmada Hodan

0
Keydka Sawirrada/Ergo

Ku dhawaad boqol oo barakac ah, ayaa muddo labada toddobaad ah ku hoyanaya banaanka kadib marki daad ka dhashay roob ka da’ay magaalada Muqdishu uu biyo galiyey, qaarna dumiyey guryahadooda oo ka samaysan coolashada iyo jingado. Qoysaskan ayaa kala deganaa xeryaha barakaca ee Siigaale iyo Al-furqaan ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Xaawo Maxamed Abuukar oo muddo shan sano ah ku noolayd xerada Al-furqaan, ayaa ayada iyo lix carruur ah, waxaa hoy u ah darbiga guri dabaqa ah oo xerada ku agyaalla oo ay bac ku xiratay. Waxaa taas u dheer inaysan shaqo tagin muddadaas maadaama aysan ahayn meel ay carruurta uga tagto.

“wuxuu saameyn igu yeeshay ilmihii lagama tagi karo, guri ay galaana meesha kuma heyno magaaladana wax lagama raadsan karo oo ilmihii waa dandareysan yihiin, wax loo hayana malahan, war ayaa noo dhow ilmaha waa isaga dhex dhici karaan”

Waxay nolasha carruurta ku maarayn jirtay shaqooyin yar yar oo ay ka soo qabato magaalada sida dhar-dhaqista oo ay ka soo heli jirtay lacag dhan 3-5 doollar oo ugu filaynayd nolal maalmeedka. Xaawo ayaa shan sano ka hor ka soo barakacday gobolka Shabeellaha dhexe kadib marki webiga uu ku fatahay deegaanki ay ku noolayd.

“Afar madaal (koombo) oo galleey ah ayaa wiil iikeenay wax aan ku shiito ma heysto, jalamad uu muslim isiisay ayaan canbuulo ugu kariyay, alaabtii dhan biyaha iga qaaday subixii rooti angagan ayaa nala siiyaa kaasa ilaa habeenkii lagu gaaraa haddii la wayaana carrurta waa la seexiyaa ayagoo oynaya, waxaa na siiyaa guriga darbigisa aan seexano ninka iska leh”.

Muumino Xasan Xaaji iyada iyo toddoba carruur ah oo ay dhashay waxay ku seexdaan hal joodari oo la siiyay markii agabki biyuhu ka qaadeen.

Dhisme ka agdhow halkii ay ka soo barakacday dhinaciisa ayaa hoy u ah, maalinkii carruurteeda meel hoos leh ayey u raadisaa balse habeenkii darbigaas ayey dhaxanta ka galaan. Xilli seqdhexe ah oo la hurdo ayay biyaha u galeen gudaha gurigi ay deganaayeen, ma aysan fududayn in la isku gurmado oo qof kasta asaga ayaa tiisa la tacaalayay.

“Annaga meel godan ayaan daganahay marka uu roobku imaanayay waa hurudnay ilmihii markaan soo bixinay, mid baa biyo iga cabtay, ilaaha baa nabad baadiyay, nin deris nala ahaa ayaa noo soo grmayday oo carruurta iga saaray biyaha, joodariyaashii iyo sijaadihiina biyaha ayaa qaaday oo warta ku daray”.

Waxay sheegtay in marki biyaha guriga ay soo galeen gabar sanad iyo bar jirta ay ku hafatay basle laga badbaadiyey. Ma heli karto raashin ku filan oo ay siisato carruuteeda, kaliya hadda waxay ku noolyihiin wixii ay ka helaan dadka kale oo caawimaad aan joogta ah ahay siiya.

Faadumo Cabdulqadir Macow, waa haweenay kale oo degan xerada Siigaale oo uu saameeyay roobka ayaa ka walaacsan maaraynta noolasha lix carruur ah oo abbahood ay kala tageen sida ay radio Ergo u sheegtay.

Sedex iyo toban habeen ayay ku hoyanayaan bac ay ku xiratay gurri darbigiis si ay gabaad ugu noqoto carruurta xilliga habeenki oo dhaxan ah iyo roobka oo wali ka da’aya magaalada Muqdishu.

“Habeenki ma seexdo oo carruurta ayaan waardiyeeyaa, waxaan sidoo kale ka cabsadaa nimanka habeenkii wareegaya, waxaan kaloo ka cabsadaa in nala kufsado sidaa darteed waan iska soo jeedaa”

Ka hor xaaladdan waxay biilka carruurta ka maarayn jirtay shaqada dabista timaha ee gabdhaha yaryar oo qofkiiba ay ka qaadi jirtay hal illaa laba doolar. Radio Ero ayay u sheegtay Fadumo in gurigii ay daganeyd ku weyday roobka dartii mana awoodo in markale ay dib u dhisato.

Xeryaha Siigaale iyo Al-furqaan ayaa ku yaalla meel u dhow Warta Siigaale oo ah meel loogu talo galay biyaha roobka ee magaalada inay galaan, taasi oo ah sababta keentay in guryaha iyo biyo galaan maadaama ay ku yaallaan dhul godan. Sababta ugu muhiimsan ee ay halkan u degan yihiin qoysaskan ayaa ah inaysan awoodin kirada lagu dago guryaha magaalada.

Horjoogaha labadan xero Cabdi Xuseen Xaashi, ayaa sheegay in 30 guri ay dumeen inta kalana ay biyo fadhiyaan. Cabdi wuxuu ka mid yahay qoysaska barakaca ah, laba qol oo meel taag ah uga dhisan ayuu sheegay in qol ka mid ah ay biyo galeen.

“Welwelka ugu badan ee jira ayaa ah in roobku wali uu ka da’ayo magaalada, oo aysan rajo jirin oo mar kasta oo uu roob do’o ay biyo horleh galayaan guryaha”.

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here