Laascaanood: Sicir barar saamayn ku yeeshay nolasha danyarta

0
Keydka sawirrada Ergo

Qiimaha lagu kala iibsada maciishadda asaasiga ah ee magaalada Laascaanood oo qaali noqotay, kadib marki uu sare u kacay sarifka lacagta doollarka ah, ayaa saamayn ku yeelatay nolasha qoysaska danyarta ah.

Dadka ay sida gaar ah u saamaysay ayaa ah xoogsatada sida maalinla ah u helo noolal maalmeedka iyo kuwa haysta ganacsiyada yaryar sida haweenka iibiya caanaha, khudaarta iyo hilibka.

Sare u kaca sarifka ayaa sababtay in ganacsatada waawayn diidaan qaadasha shilin Soomaaliga taasi oo cabaqabad kale ku ah dadka danyarta ah ee ku adeegta lacagta cad ee aan adeegsanin habka mobile-ka.

Maxamuud Aadan Cali wuxuu ka xamaasha dejinta iyo rarista alaabooyinka kala duwan ee gawaarida xamuulku qaaddaan. Wuxuu shaqadan oo maalinti uu ka soo helo lacag dhan 100-150 kun oo shilin Soomaali ah ay ku filnayd qoyskiisa oo ka kooban 8 qof.

“Waxaan ku iibsan jirnay raashin, adeeg iyo kirada guriga laakiin maanta waxba way ii goyn wayday, kiradii guriga ayaa laygu leeyahay raashinkii in nalagaga iibiyo xitaa waxaa diiday dukaamadii, dhibaato wayn oo dhanka nolosha ah ayay nagu yeelatay arrintani runtii”

Kirada guriga uu deganyahay ayuu sheegay inay tahay 70 doollar. Muddo bil ah oo xaalku sidan yahay ayuu sheegay in raashinka iyo koosaarta uu dayn ahaan uga qaato dukaan uu horay uga adeegan jiray. Wuxuu sidoo kale lacagta uu soo shaqeeyo ku dabari jiray waxbarashada laba carruur ah oo u dhalay, oo bishi laga qaado 16 doollar.

Sarifka halka doollar oo bil ka hor ahaa 30-33 kun oo shilin Soomaali ah, ayaa hadda maraya 45 kun oo shilin Soomaali ah, taasi oo ah sababta keentay in wax walba qiimahooda uu kor u koco.

Faadumo Cabdiraxmaan Cali oo hilib ku iibiya suuqa magaalada Laascaanood ayaa sheegtay in muddo bil ah aysan qaban wax shaqo ah kadib marki laga diiday lacagta shilin Soomaaliga ah. Shaqadan ayay ka biili jirtay afar carruur ah oo ay kala tageen aabbahood sida ay sheegtay. Waxay maalinti ka heli jirtay lacag u dhexeysay 5-10 doollar.

“Lacagtii shilin Soomaaliga ahayd waa laygu diiday in wax laygaga iibiyo aniguna doollar wax kuma iibiyo, dadkiina waxay wataan oo ay wax ku iibsadaan waa lacag Soomaali, nolosha carruurtaydu waxay ku tiirsanayd oo aan ku maarayn jiray waxay ahayd shaqadan, hadda dayn ayaan muddadaasi ku maaraynayay”.

Hadda waxaa lagu leeyahay lacag dhan laba boqol iyo koronto doollar ah, welwelka ugu wayn ee ay qabto ayaa ah in laga saaro guriga ay degan tahay oo kiro ah.

Qiimaha lagu iibsado raashinkana ay iibsadaan dadka danyarta ah ee la kiilo miiso ayaa kor u kacay. kiilada bariis-ka ah ayaa hadda qiimaheedu yahay 35 kun oo shilin Soomaali ah halka marki hore ayay ahayd 18 kun.

Cabdikariim Maxamuud Ismaaciil, oo ka tirsan sariflayaasha magaalada ayaa sheegay in lacagta doollarka ah oo yaraatay iyo shilinka Soomaaliga oo badan ay sababtay sicir bararka. Waxaa sidoo kale ka dhashay in ganacstada oo doonaya inay helaan doollar diiday shilinka.

“Dhibaatada jirka waxaa kow ka ah ganacsatada qaadka oo halka dollar haddii ay 60 kun oo shilin Soomaali ah ku helayaan qaadanaya sababtoo ah markii hore laascaanood qaadan ma imaan jrin haddase qaad badan ayaa yimaadda oo ka soo gala dhanka Itoobiya markii la joojiyay qaadkii Kenya. Sidoo kale waxaa jira in lacago shilin Soomaali ah dhanka garoowe ka soo gelayaan, ganacsatada iyo sariflayaasha qayb ayay ka yihiin dhibaatada jirta”.

 

 

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here