Lughaya: Xoolo-dhaqato iyo beeralay uu ayax saameeyay oo helay caawimaad dhaqaale

0
Keydka sawirrada Ergo

(ERGO) – Maxamuud Ismaaciil Jaaamac iyo Kun iyo afartan iyo sagaal qoys oo beeraley iyo xoolo-dhaqato ah oo ku nool deegaanno hoostaga degmada Lughaya ayaa ka faa’iidaysanaya caawimaad lacageed oo ay shantii billood ee u dambeysay siinayso hay’ad maxalli ah.

Ninkan oo muddo soddon sano ah kow iyo toban caruur ah oo uu dhalay nolosha uga soo saari jiray dalagyo uu beerto ayaan sagaalkii bilood ee u dambeeyay wax tabac ah ku beerin dhul afar hektor oo ugu yaalla tuulada Tuurka oo 70 km u jirta magaalada Lughaya ee waqooyiga Somaliland.

Waxaa ugu dambaysay bishii labaad ee sanadkan oo ayax ku habsaday deegaankiisa uu ka baab’iyay basbaas, yaanyo, salaad, bartiikh iyo barbarooni ugu yaalay beertiisa oo uu sugayay inuu goosto bishii April ee sanadkan.

Dalagyada ka khasaaray saddex mar ayaa dhaxalsiiyay Maxamuud iyo caruurtiisa in ay afartii bilood ee u dambeysay ay ku nool yihiin lacag dhan $75 oo ururkaTaakulo uu ugu talagalay dadkan ayaxu  saameeyay muddada sanadka ku dhow. Waxay ku gataan bishii saddex haaf oo iskugu jira bur, bariis, sonkor iyo saliid. Maxamuud ayaa Sharaxaya dhibaatada qoyskiisu kala kulmay Ayaxa ku habsaday beertiisa.

“Saameyn weyn ayay ku yeelatay (Ayaxa) xagii waxbarashada iyo xagwalba, annagu beeralay ayaanu ahayn, xoolo ma lihin, xoolahayagu waa beertaa iyo geedkaa midhaha ah ee noosoo go’a, ee beeraha nooga baxaya weeyaan, waxaanu ardayda iyo ubadka kale ku masaariifaynaa waa waxaas wixiina cagta ayuu mariyay,maanaan arag waxan oon oo kale si alle ayaan u noolnahay, dadkii safarku usoo socday ee beertii u baxaysay wixii markii laga cunay, waala garanayaa oo tuulo fadhi ayaa la noqday, sidaasi ayay taasi u dhacday oo nooga cunay banaankaasi ayaa laga fadhiistay.”

Saddex nin oo shaqaale ka ahaa beerta Maxamuud ayaa sidoo kale uu fasaxay markii uu joojiyay tabaca beertiisa. Raadiyo Ergo ayuu u sheegay in uu waayay lacag uu iskaga bixiyo.

Godad uu shan iyo toban maalmood oo bishii ah ka qodo hareeraha beertiisa ayaa lagu siiyaa lacagta. Godadka waxaa lagaga ilaaliyaa in beerta ay soo gasho koronkorta ayaxa si aanay u cunin geed weynta ku taalla beerta.

Sagaal bilood oo hadda ayaxu ku sugan yahay deegaankiisa waxaa uu Maxamuud ka welwelsan yahay nolosha dambe ee qoyskiisa oo ku tiirsanaa tabaca dalagyada haddii saameyntiisu sii daba dheeraato.

“Waxweynbaa ka dhiman, farqi weynbaa u dhaxeeya maanta, waxsoosaarka dhaqaale ayaa ka yimaada, dhaqaalihii imanayay maanta wuu ka baxay meeshii, umadbaa ku nooleyd kaa magaaladu wuu la manaafacaadsanayay, gaadhiga noo imanayay oo waanu u geynaynay,Hargeysa marka wakhtiga ay beerahani go’aan waan u geynayn, Hargeysa ayaa khudrada halkan ka qaadata oo ku nool, wax alle iyo wixii oo dhan wuu istaagay, markaa dhaqaalihii ku magaalo jooga soo galayay amma aniga isoo galayay wuu wada istaagay.

Cabdicasiis Cabdiraxmaan Bakaalm madaxa haqabtirka cunnada ee ururka Taakulo ayaa sheegay in dadka laga caawinayo nolol maalmeedka qoyska iyo waxbarashada maaddaama aysan jirin midhihii dalagyada iyo xoolaha oo waayay baadkii ay cuni lahaayeen taasi oo keentay in deegaanka laga kaxeeyo.

Cabdicasiis ayaa xusay in toban tuulo oo hoos yimaada degmada Lughaya ay siinayaan muddo lix bilood ah lacag $75 ah oo ay ku gataan raashin si aanay noloshoodu u noqon mid barakac. Waxaa uu tilmaamay in taageerada ay siinayaan ka badbaadisay aadista xeryaha barakaca, in xoolaha u hadhay aanay u wada iibin raashin ay quutaan iyo sidoo kale in duunyadii ay lahaayeen ka baxdo oo ay caydh noqdaan.

Waxaa uu intaa ku daray in qoysaska ay ku xulanayeen tirada carruurta ay haystaan oo badan, waalidka oo duq ah iyo qoysaska ay hooyadu u shaqeyso ee aan aabbuhu joogin. Waakan isaga oo ka waramaya waxaa ay u billaabeen qorshahan.

“Laba qaybood bay dadku ka koobanyihiin, qaybta xoolo dhaqatada ah, ayaxu wuxuu ku degay baadkii xooluhu cunayeen hadday noqoto dhirtii iyo hadday noqoto daaqiiba, labadaba waa uu xaalufiyay kadib waxaa dhacday in dadku xoolihii ay ku tiirsanaayeen markii ay meesha ka baxeen ay soo istaageen meel cidlo ah ay usoo qaxaan dhanka magaalooyinka amma ay macaluul iyo gaajo la fadhiyaan deegaanadooda, lacagtani waxay ahayd bal horta in noloshooda la badbaadiyo, xogaa ay ku noolaadaan inta ay wax is bedelayaan lasii siiyo. Sidoo kale iyagana wuxuu kaga degay dalagii sanadka haba yaraatee wax soo baxay ma jiro beeraha. Iyaguna waxay isku dabari jireen midhaha beerahooda, dhamaantood waxaa baabiiyay oo ku dagay ayaxa, iyaguna sidaasi si la mid ah xaalad adag ayay ku jireen oo dadka noloshooda ku saabsan.”

Cabdicasiis Bakaal ayaa sheegay in dadka beeralayda ah ee taageeradan ka faa’iidaysanaya oo dhan 28 qoys ay sameeyaan godad yaryar oo ay ka qodayeen beeraha dushooda si ay ugu xakameeyaan koronkorta ayaxa ee Siqaysa. Gargaarkan ayuu xusay in hadda ay ku nool yihiin ilaa bishii June ee sanadkan.

Axmed Yuusuf Bulaale oo ah xoolo-dhaqde ku nool tuullada Kalowle waxaa uu rRadiyo Ergo u sheegay in xoolihiisu markii ay waayeen baad ay cunaan ay bishii Juune u hayaameen dhinaca Magaalada Boorama oo saameynta ayaxu ku yareyd. Ninkan oo xoolo-dhaqashada ku dabbari jiray nolosha lix carruur ah oo uu dhalay ayaa sheegay in markii xooluhu ka hayaameen uu waayay neef uu u iibiyo carruurta si uu raashin ugu gato.

Muddo bil ah markii ay waayeen raashinka ay quutaan oo ay dadka tuullada la noolaayeen ayuu sheegay in loo bilaabay lacag $75 oo ay siistaan cuno bishii ah.

Axmed oo ay noqonayso markii u horreysay oo masiibo aan abaar ahayn uu uga hayaamo deegaankaasi ayaa sheegay in lacagta labo bilood oo kaliya in la siiyo ay u hartay markaasi kaddibna aanay wax manfac ka sugeyn tiro adhi ah oo uu leeyahay.

“Markaa raashin lama gaadhsiin karo oo kolkay abaari kugu dhacdo xoolihii iyo dadkii raashin ma wada gaadhsiin kartid, kolay xaga ilaahay ayaan ka rajeynaynaa inuu ilaahay raxmadiisa noo keeno, haddii la waayana hadba siddii lagu noolaan karo wixii ilaahay ka reebo abaartaasi ayay noqonaysaa.”

Mashruucan waxaa lacagta laga bixinayaa Sanduuqa Horumarinta Soomaaliya oo muddo saddex sano ah deegaanada ka waday gargaar bini’aadanimo.

 

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here