Reer miyiga degmada Cadaado oo loo fududeeyay waxbarashada dadka waaweyn

0
Sawir/qoska ka mid ah dadka xoolaha la siiyay/Cabdiraxmaan Xaaji/Ergo

(ERGO) – Reer guuraaga iyo dadka ku nool inkabadan 15 tuulo oo Cadaado hoostaga ayaa la barayaa dhigaalka far-soomaaliga iyo xisaabta waxaana ololahan oo ay wadaan koox dhallinyaro ah oo u badan macalimiin ay uga golleeyihiin in dadka ka durugsan magaalooyinka laga saaro jahliga.

Olalaha ayaa sidoo kale ka caawinayso reer miyiga in ay la jaanqaadaan isticmaalka taleefoonnada lacagaha la iskaga diro oo Galgaduud aad looga isticmaalo kadib markii saddex sano ka hor ay meesha ka baxday isticmaalka lacagta shilin Soomaaliga ah.

Dadkan ayaa duruusta ku qaata maalmaha Khamiista iyo Jimcaha ee macalimiintu u tagaan geeddo cayiman oo tuulo kasta leedahay, halkaas oo ay ku balameen sida Radio Ergo uu u sheegay guddoomiyaha waxbarashada Cadaado Xussen Cali Sahal oo kamid ah kooxda ku foogan barnaamijkan oo si isxilqaan ah ay u fulinayaan.

Barnaamijka oo ay billaabeen dhamaadkii bishii September ayuu xusay in agabka wax lagu baro dadka sida buugaagta, qalimaanta iyo sabuuradaha iyagu ku taageeraan.

“Waxaan ku guulaysannay in dad aad u waawayn oo qaarkood 60-kii kor u dhaafeen in hadda aqriskii iyo qoristii ka faa’iidaysteen. Dadka dhallinyarada ah oo wali age-koodu yaryahay casharrada qayb bey qaataan, waxaana si wayn uga faa’iidaysanaya dadka aan taleefanada isticmaali karin”.

Siddeed koox ayay iskuqaybiyaan macalimiintaan oo ku dhawaad 40 qof ah si ay u kala gaaraan tuulooyinka iyo miyiga ay dadka waxkubaraan waxaana kooxdiiba ay ka kooban tahay shan qof, kuwaas oo laba galin ee maalmahaas kala gaara deegaannadaas. Xusseen ayaa tilmaamay in ka hor ololahan ay dadka u sameeyeen wacyigalin la xariirta muhiimadda waxbarashada taasi oo socotay muddo labo bil ah.

Dadka waxbarashadan bilaashka ah ka faa’iideysanaya waxaa kamid ah Nuur Xassan Geedi oo ku nool deegaanka Qansaxleey oo Cadaado jira 45 km. Isaga iyo qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa labada maalin ee macalimiintu u yimaadan casharrada ku qaata geed dhinacyada laga waabay hoostiis. Nuur oo maqaayad shaaxa iyo cunnada uu ku iibiyo ku leh deegaankiisa waxaa lacago badan ay kaga qasaaraan faham-xumada ka haysatay qoris la’aanta.

Labo sano ku dhawaad oo ay u furantahay meheradiisa waxaa caqabad ka haysatay xisaabta iyo kaydsiga magacyada macaamiisha daymaha ka qaata.

“Walaal awal hore qaabkii aan u xisaabtamijiray xisaabtana aan u xisaabin jiray waxa ay ahayd in aan dad eheladayda ka mid ah ama aan ku kalsoonahay aan iraahdo xisaabahan ii qor … wax iskuul ah oo aan waxbarasho u soo maray oo markan ka horreysana amase deegaankan laga hirgaliyay ma jirin”.

Cabdullaahi Maxamed Cali oo lixdan jir ah iyo saddex kamid ah carruurtiisa ayaa qayb ka ah dadka ka faa’iideysanaya waxbarashada bilaashka ah ee loogu keenay degaankooda. Miyiga deegaanka Xinjilabi ayuu ku dhaqdaa 120 neef oo ari ah; waxa uu dagan yahay barrin daaq fiican leh oo xoolo-dhaqatadu ku badanyihiin waana taas sababta macalimiinta ay u beegsadeen degaankaas.

Labo wiil iyo gabar ka yar da’da 15 jirka ayaa labarta dhigaalka far-Soomaaliga iyo xisaabta. Waxa uu tilmaamay in dhiirigalin ay u tahay carruurtiisa waxbarashadan kooban.

“In aan waxbarto waxaa igu kaliftay lacagta tuuristeeda, waxna waan ka fahmay, carruurtana in aan ku dhiira galiyo ayaan ku tala galay anigaa usoo yeeroo waxaan iri anigu damiin baan noqdaye idinku waxbarta, haddii alla idmana waan lawadayaa”

Khamiista iyo Jimacaha oo casharada ay qaataan carruurtu ayuu tilmaamay in ay fasax ka yihiin dugsiyada qur’aanka sidaasna waxbarashada maadiga ah ay uga faa’iidaystaan. Wuxuu sheegay in haddii ay waxbarashada ku fiicnaadaan uu u diri doono magaalooyinka si ay heersare uga gaaraan.

Macalimiinta oo labo habeen ku hoyda deegaanada dadka ay wax kubaraan ayaa qarashka kubaxa cunnadooda waxaa bixiya dadka tuulooyinka sida uu sheegay Xussen Cali Sahal oo horkacaya kooxdaan macalimiinta ah. Wuxuu hoosta ka xariiqay in qarashka gaadiidka ay safarrada ku galaan ay jeebkooda ka bixiyaan macalimiinta oo badankood shaqeeya.

 

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here