Saameynta cudurka Koofid-19 weli way ka jirtaa dalka. Kiisas cusub oo cudurka ah ayaa joogto loo xaqiijiyaa, iyadoo ay jiraan dad la soo tebiyo inay cudurka u dhinteen. Hase yeeshee, dadku uma dhego-nuglaadaan talooyinka ay khubarrada caafimaadku soo jeediyaan ee lagu xakameyn karo faafista cudurka.
Xaaladdii u dambeysay ee cudurka Koofid-19 ee dalka waxaan ka wareysannay Maxamed Cali Xasan oo ah khabiir caafimaad oo la shaqeeya hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.
Halkan hoose ka dhegeyso wareysiga oo Maxamed oo jooga Muqdisho ay online-ka kula yeelatay Leyla Cabdi oo ka mid ah howl-wadeennada Raadiyo Ergo.
Mahadsanid qabiir, waa Talo caafimaad oo qaadasho iyo raacid mudan, si looga badbaado cudurkan halista ah, ee corona virus oo weli si dadban saamayn ugu yeelanaya bulshada Soomaaliyeed, si filasho waa ahna ugu faafaya Dalkenna, raacitaanka talooyinka qabiirka caafimaadka ee Dr.Maxamed Cali Xasan(cholera), waa habka keliya oo uu ku yaraan karo cudurkan halista ah.
Waxaan Talo kusoo jeedinayaa in la kordhiyo wacyi gelintani, waayo waa arrin baraarujinaysa bulshada Soomaaliyeed. Mahadsanidiin
Waa arrin runtii haddii sida uu khabiirku u sheegay loo QAATO Lana raaco talobixinta, hakin karta xawli u fididda cudurkan coronaha, ka yarayn kartana sida uu hadda kiisaskiisa tartiib tartiib ugu fididaya
Waxaan Talo kusoo jeedinayaa in wacyigelintani lasii kordhiyo, taasoo qayb weyn ka qaadan karta hakinta cudurkan dilaaga ah.
Wabillaahi toowfiiq