Galguduud: Dhalinyaro iyo Ganacsato waxbarasho asaasi ah u sameeyay carruurta toddobo tuulo

0
Mid ka mid ah Iskuullada cusub ee waxbarashada siinaya reer miyiga /Cabdirisaaq Haajirow/Ergo

(ERGO) – Axmed Cabdi Warsame oo xoola-dhaqde ah wuxuu afar ka mid ah carruurtiisa ka qoray iskuul bilaash ah oo laba bilood ka hor laga hirgeliyay tuulada Dhagaxyaale oo 45km u jirta magaalada Guriceel ee gobolka Galguduud.

Carruurta Axmed oo iskuulka dhiganaya todobadkii lixaad ayaa labo ka mid ahi ku jiraan fasalka kowaad halka labada kalena ay qaataan casharro ka hooseeya fasalka koowaad ee dugsiga hoose.

“Waxaan is iri gadaal ayaad marteen waxbarasho la`aan awgeed dadku duunyada wuxuu uga badalan yahay waa caqliga, marka sidaas ayay igu dhalatay in aan ilmaha iskuulkan geysto”  ayuu yiri.

Iskuulkan bilaashka ah ee Dhagaxyaale oo ay carruurtu u dhigtaan Axmed, wuxuu ka mid yahay iskuullo Jiingad iyo dhis ah oo midkiiba yahay laba ilaa afar qol, kuna kala yaal tuulooyinka Biyo-gaduud, Dabarre, Afrax Muuse, Ceel baraf, Ceel qorax  iyo Afcagaag  oo dhammantood hoostaga degmada Guriceel, kuwaas oo dhalinyaro iyo ganacsato ay lixdii bilood ee u dambeeyay ka wada hirgeliyeen deegaannadaas, si ay waxbarasho u helaan carruurta dadka reer miyga ah iyo kuwa tuulooyinkaas oo aan awal iskuulo haysan.

Cabdulaahi Macalin Xasan oo ah gudoomiyaha guddi ay leeyihiin ganacsatada hirgalisay waxbarashadan bilaashka ah ayaa Raadiyo Ergo u sheegay qiimeyn ay wadeen muddo sannad ah kadib in ay bilaabeen in horraantii sannadkan dadka reer guraaga ah ay ula tagaan barnaamij ay ugu magac dareen “Keenso aan kugu Darnee” oo ah qaab ay bulshada iyo kooxdani si wada jir ah iskaga kaashanayeen furista goobahan waxbarashadda.

“waxyaabaha la iska rabo marka afar meelood loo qaybiyo laba iyagaa qaadanayay laba meeloodna annaga ayaa qaadanaynay, tusaale waxaa loo baahan yahay dhulkii iskuulka laga dhisayay, waxaa loo baahan yahay ardaydii waxbaranaysay oo dharkodii wata, waxaa loo baahan yahay dhismihii meesha wax lagu baran lahaa, waxaa loo baahan yahay macallimiintii dhigi lahayd iyo xuquuqdodii marka labada ugu fudud ayay dooranayeen anagana kuwa ay soo reebaan ayaan qadanaynay” ayuu yiri

Diyaarinta iskuulada oo toddobadii bilood ee u dambeeyay ay si wadajir ah u dhiseen dadka tuulooyinka, dhalinyarada iyo ganacsatada hawsha wada waxaa barbar socday barnaamij waxbarasho dadban ah oo mudadaas lagu sii diyaarinayay ardayda iskuullada dhiganaya, si sannad-dugsiyeedka oo bilawda bisha Sibtembar ay u helaan ardaydii geli lahayd iskuuladaas oo bixinaya waxbarasho asaasi ah oo toos ah, waxaana ilaa iyo hadda ka faa`iideystay in ka badan 500 carruur ah.

“Dadka degaanku xoolo ayay iska aruurinayeen oo ku dhisanayeen meeshii ay wax ku baran lahayeen markaas kadib ayaan keeneynay agabkii ay wax ku baran lahayeen iyo dadkii bari lahaa” ayuu hadalkiisa ku daray Cabdullahi.

Faadumo Cismaan oo ku nool tuulada Biyo-guduud oo 33km u jirta Guriceel, waxay  Raadiyo Ergo u sheegtay in saddex ka mid ah carruurteeda shanta ahi ay iskuuladan ka heleen waxbarasho bilaash ah, markii ugu horaysay ee ay iskuul tagaan.

“Waxaad mooda anigoo ooman in biyo qabow la i siiyay, markii hore meel ii dhaw oo iskuul leh ma jirin meeshana kama guuri karin oo awood uma hayn ilmuhuna waxbarasho iima heysan” ayay tiri.

Ka hor inta aysan guda-galin howshan ayay dhalinyarada iyo ganacsatadu aruuriyeen lacag dhan $8,000  oo ay u kala qeybiyeen mushaarka macalimiinta oo keydsan iyo fulinta howlaha kale sida meelaha qaar oo ay dadka aan iibsan karin dharka iskuulka iyo bugaagta u iibinayeen ardayda, waxaana mashruucaan ka howl-gasha 14 macallin oo mushaarkoodu u dhexeeyo $150 ilaa $200 midkiiba.

Axmed Cabdi Warsame wuxuu dhaqdaa boqol iyo siddeetan ari ah iyo todobo neef oo Geel ah wuxuu markii uu carruurtisa afarta ah iskuulka Dhagaxyaale geynayay uga soo ii biyay Guriceel dharka iskuulka, buggaag iyo qalimaan uu ku kharash gareeyay $64 oo ah lacag uu ka helay orgi uu carruurta u iibiyay.

Ka go’naanshaha ay reer miyiga deegaannadani u yeesheen in ay carruurtu wax u bartaan darteed, Axmed ayaa xaqiijiyay in waalidiinta reer miyiga ah ay ku soo fakadeen hawlihii xoola-raacidda iyo shaqooyinkii yar yaraa ee qoyska taas oo carruurtu ay awal gacan ka geysan jireen ka hor inta aysan ku biirin iskuulladan.

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here