Suuq casri ah oo laga dhisay Guriceel oo kor u qaaday ganacsiga ariga

0
Sawirrada keydka Ergo

(ERGO) – Suuqan cusub ayaa lagu kala iibsanayaa ariga toddobaadkii labaad magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Suuqii hore oo ciriiri noqday ayaa keentay in dadka deegaanku ay iibsadaan dhulka suuqan oo dhismihiisu socday muddo afar bil ah, waxaana higeliyay guddigga qaxootiga Norwey ee NRC.

Cali Maxamuud Axmed oo ah 45 jir suuqa xoolaha ee Guriceel u soo ganacsi tagayay muddo 20 sano ah wuxuu suuqa cusub toddobaadkan keensaday afar neef oo ari ah kuwaas oo dhamman laga iibsaday. Wuxuu ka yimid deegaanka Biyo-gaduud oo Guriceel koonfur uga beegan 30km. 

Cali ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in suuqan cusub uu ka helay biyo, suuli iyo maqaayado cunno oo uusan horay uga heli jirin suuqii hore oo ahaa geedo hoostod. Wuxuu ka warramay faa’iidada ay ku qabaan suuqan. 

“Waxaan ka helay xanaanada xoolaha, waxaan ka helnay xoolaha kii nala gato meel lagu xareeyo, kii nalaga gadan waayo meel aan ku xareysanno oo aan ka raranno ariga noo gadmi waaya. Bal ayaa loo dhigaa, xerada ayuu igu jiraa, berri ayaan haddana suuqa ka gadanayaa intaas oo aanan kaas ka heli jirin ayaan kan ka helnay,” ayuu yiri Cali Maxamuud. 

Cali tilmaamay in marka uu sidan oo kale magaalada Guriceel xoolo ugu soo safriyo uu raadsan jiray guryo dad ehel ah ay leeyihiin si uu ugu nasto balse hadda wuxuu suuqan cusub ka helaa meelo uu ku nasto, sida masjidka ku dhexyaala iyo hoolal kale oo har leh. 

Cali iyo xoolo dhaqatada kale waxaa laga qaadaa lacag dhan $1 halka oo u kala qeybsan dilaalka iyo lacagta canshuurta halka suuqii hore laga qaadi jiray $0.75 oo aysan ku qabi jirin wax faa’iido ah.  

Maamulka suuqan wuxuu hoostagaa wasaaradda xannanada xoolaha ee Galmudug, waxayna xoolo dhaqatada iyo ganacsatadda ka taageeraan daaweynta iyo daryeelka xoolaha inta ay suuqan cusub joogaan iyo marka la rarayo si loo dhoofiyo. 

Agaasimaha wasaradda xananada xoolaha ee Guriceel Guuleed Cabdi Maxamed ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in suuqan cusub ay faa’iido ku qabaan dhammaan dhinacyada ariga kala iibsada iyo qaar kale oo ganacsiyo cusub ka furtay gudaha suuqa. 

“Dhismayaashiisa haddaan ku dul-maro waxaa ka mid ah ilaa saddex hool, mid waxaa loogu talogalay xoolaha la iibiyo in lagu xareeyo waana kala qeyb qeyb mid walbana waxay leedahay xoolo xaddidan oo lagu xareyo tiro ahaan iyo nuuc ahaanba. Tusaale ahaan xoolaha dhoofka ah sida jarka dibax meel ayaa lagu xareynayaa,” ayuu yiri Guuleed. 

Waxaa suuqan shaqo abuur ka helay oo maqaayada raashinka laga cuno ku leh 12 haween ah oo ay ka mid tahay Shukri Xirsi oo markii suuqan la furay maamulka suuqu uu siiyay dhul dhisan oo saddex mitir ah. 

 Shukri oo 25 jir ah waxay curad u tahay qoys ka kooban 9 qof. Qoyskooda oo aan cidna horay ugu shaqeyn jirin waxay ku tiirsanaayeen kaalmo ay dad ehel ah siyaan.  

“Aniga ganacsi hore ma anqan laheyn nasiib wanaag suuqan markii uu furmay aniga fursad ii soo boodday ayay noqotay. Shah, bur iyo wixii la mid ah ayaan iibiyaa iyagana waa ii gadmaan oo suuqa waxaan ku heystaa macamiil, wax badan ayaa iska key badalay markii hore waxan ahay qof xaafad iska jooga oo aan shaqeysan haddana wax kale hadaanan helin kaarkeyga iyo nolol maalmedka waan ka helaa,” ayey tiri shukri. 

Waxaa qoyskooda waxbarasho u aada toddobo walaalaheed ah, waxaana lacagta ka soo gasha meheraddan ay ku biirisaa nolol maalmeedka qoyskeeda. 

Shukri ayaa xustay in haweenka halkan u soo raadsaday dhul ay ku shaqeystaan ay aad u badnayeen billowgii balse halka ay hadda ku ganacsato ay ku heshay si qori tuur ah markii ay haweenka kale kala sinnaatay shuruudaha ah in ay yihiin dad aan heysan wax shaqo ah oo sabool ah. 

Suuqan cusub wuxuu leeyahay saldhig si ku meel gaar ah dadka danbiga gala lagu hayo iyo farmashi lagu iibiyo daawada xoolaha taas oo ay markii hore ay dadku u raadsan jireen suuqyada Guriceel. 

Cabdikariin Sheekh Xuseen Diirshe wuxuu ka mid yahay ganacsatadda xoolaha iibsada ee sii dhoofiya. Wuxuu sheegay in habka uu suuqan cusub u dhisan yahay ay ka caawisay in uu hoos u dhacay dhaqaalihii uga bixi jiray dhallinyarada raaciga loo yaqaan ee u ilaalisa marka uu suuqa ariga ka iibsado, waxaana markii hore maalin walba uga bixi jirtay lacag dhan $50 halka hadda ay uga baxdo $15 oo uu siiyo labo raaci. 

Cabdikariin wuxuu maalintii suuqa ka iibsadaa in ka badan 50 neef oo iskugu jira jar iyo daabax kuwaaso qaar uu dhoofiyo halka kuwo kalena uu u iib geeyo Galkacayo, Garowe iyo Boosaaso. 

“Neefka markaad gadato meel ayaad geyneysaa hoos leh albaabna leh neefka kugu hoyanayaa ama neefka tabaleysan oo 100km ilaa 150km ka yimid meel wax lagu siiyo balka, cowska iyo daxadka lagu siiyo ayay leedahay meel baqaaro oo wixii xooluhu ku cuni waayaan aad dhigato oo aad ku xafidato ayay leedahay xoolaha inta meshaas ku xareysato ayaad uga hoyaadi kartaa.” 

Cabdi Maxamed Aadan oo ah xubin ka ah gudiga dillaalinta suuqan cusub ayaa sheegay in markii hore xafiiska ay ku shaqeeyaan uu ahay geed hoostiis bugaagta ay xogta suuqan ku keydiyaanna ay gacanta ku sidi jireen haddase suuqan cusub ay ku leeyihiin xafiis iyo meelo ay ku nastaan marka ay shaqada ka baxaan. 

“Keliya danta ugu weyn ee laga helay xagga dillaalinta marka laga hadlo maalin aysan xoolo ku dhumin suuqihii hore ma jirin hadda kan ma laga yaqaan shalay oo ugu dambeysay nin ayaa ari loo dejiyay arigii bar ayuu illoobay saaka ayaa xerada loogu yimid isagoo balka iska daaqaya. Annaga marka hadda subax anaan lacag aruurin jirin ma jirto, suuqan sidaan u nimid lacag ma anaan aruurin xoolana naguma lumin.” 

Labo dhaqatiir xannaanada xoolaha oo hoostaga wasaaradda Xananada xoolaha ayaa subax walba ariga suuqan cusub la keeno kormeera oo daaweya neefka ay arkaan isaga oo xanuunsan sida uu sheegay agaasimaha wasaradda xannaanada xoolaha Galmudug xafiiskeada Guriceel Guuleed Cabdi Axmed. 

“Qeyb waxaa xoolaha la soo safriyay iyadoon cudurku ka muuqan saaka gaariga la soo saaray laakiin markii suuqii la keenay la ogaaday in neefkan uu jirran yahay, qeybtaas oo kale si bilaash ah ayaan u daaweynaa meel karaantiil ah oo xiran ayaan geynaa, labo maalin ilaa saddex maalin haddaba inta neefkaas caafimaadkiisa la hubinayo oo uu helayo warqad sii deyn ah halkaas ayuu ku jirayaa, daaweyntiisuna waa bilaash, ninka neefka wata waa loo sheegayaa neefkan markuu caafimaado ayaad gadan kartaa ama ceshan kartaa ayaa la leeyahay.” 

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here