Sool: Xoolo-dhaqato silig ku oodaya xeryaha xoolaha si ay dhirta u bedbaadiyaan

0

(ERGO) – Dad xoolo-dhaqato ah ayaa dadaallo ay uga hor tagayaan jarista dhirta ka wada deegaanno ku yaalla gobolka Sool. Xerada xoolaha oo markii hore ay ku wareejin jireen dhir ay soo jaraan ayay hadda ku beddeleen silig si ay u badbaadiyaan noocyo dhirta ah oo ka sii nabaad-guureysa deegaanka.

Dadkan oo ku nool deegaannada Ximidka, Bancadde iyo Buurcaanood ee gobolka Sool ayaa neef ari ah oo u dhigma qiimo ahaan $70 ilaa $80 siisanaya siligga ay ku ootaan xerada xoolaha

Khadar Saalax Maxamuud oo ka mid ah xoolo-dhaqatada deegaanka Ximidka oo qiyaas ahaan 90 km dhanka waqooyi ka xiga Laascaanood ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in go’aankan uu yahay mid waxtar u leh dadka, noolaha kale iyo deegaanka. Wuxuu xusay in dhibaato weyn ay soo gaartay dhir har u lahayd dadka xoolahana ay daaqi lahaayeen, kaddib markii la jaray si xoolaha xero looga dhigo.

“Feker ahaan markaannu aragnay in dhibaato badani dhulkii ka socoto oo la xaalufinayo. Geed yar iyo mid wayn dhaqaalahayaga ayaanu u hurnay in nalagaga daydo si deegaankii loo badbaadiyo.  Waxaanu wadnay in dhawayd gebyag ama silig in xoolaha xero looga dhigo si uu deegaanka u badbaado. Marka reer xero samaysanayo ilaa 100 geed ayuu jarayaa,” ayuu yiri.

Wuxuu intaasi ku daray in isticmaalka siligga xoolaha xerada looga dhigayo uu faa’iido u keenay deegaanka, sidoo kalena uu u wanaagsan yahay xoolaha dhanka xafidaadda, uuna ka ilaalinayo dugaagga sida waraabaha oo gobolka aad ugu badan. Wax badan ayuu sidoo kale fududeeyay siligga sida uu noo sharraxayo Khadar.

“Wax badan ayuu difaacay deegaankii, dhaqaalihii iyo dhibkii ay reerku markay guurayaan qabeen. Way duubayaan horay ka qaadanayaan. Deegaankii ilaalintiisii qayb ayuu ka qaatay oo reerka siligga leh wax geed ah jari maayaan. Dhirtu qodax ayay lahayd xoolahu dhibaato ayay ku qabeen way mudi jirtay waana ku ragaadi jireen reerka leh silig neef ka ragaadi maayo.”

Khadar Saalax oo ah aabbaha lix carruur ah oo dhaqda 180 neef oo ari ah, wuxuu afar bil ka hor siligga $80 uga soo iibsaday. Deegaannada laga wado dedaalladan ayuu xusay inay yihiin afartan kiiloo mitir oo isku wareeg ah iyada xoolo-dhaqatada siliiga iibsaday ilaa hadda ay dhan yihiin 120 qoys.

Xasan Yuusuf Diiriye oo ah aabbaha 13 carruur ah, kana mid ah xoolo-dhaqatada ah deegaanka Buurcaanood oo 85 km waqooyi uga beegan Laascaanood ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in uu ka mid yahay dadkii ugu horreeyay ee isu taagay joojinta dhirta laga dhiganayo xerada. Wuxuu qeyb wayn ka qaatay inuu xoolo-dhaqatada kale ku wacyigeliyo inay iibsadaan siligga oo ay iska dhaafaan dhirta ay jarayaan.

Xasan ayaa aaminsan in dhirta ay xoolaha iyo dadku u baahan yihiin. Xooluhu waxay ku nool yihiin wixii ay daaqa dhirta dadkuna xoolaha ayay noloshoodu ku tiirsan tahay. Wuxuuu ka warrramaya faa’iidada xooluhu ka heleen siliggan.

“Siliggan xoolihii xitaa waxay ka heleen dugsi oo bac ayaa lagu soo xidhayaa. Waraabihii xoolaha u soo dhici jiray uma soo dhici karo oo markaa labo faa’iido ayaa laga helay durbaba, dhir badan ayaa soo noqonayso,” ayuu yiri Xasan.

Xasan ayaa intaa ku daray inay jirto dhir dabar-go’ ku dhow oo ay ka mid yihiin dhirta qodaxda leh sida qudhaca, quwaaxa iyo gobka. Muddo sanad ku dhowaad ah ayuu sheegay inay wadeen joojinta jarista dhirta iyadoo durbaba ay dareemeen in dhir badan ay soo noqonayso.

Jaamac Axmed Ducaale oo ah bare Cilmiga Beeraha iyo Deegaanka ka dhiga jaamacada Nugaal oo ku taal Laascaanood ayaa ka warramaya waxay ka dhigan tahay tallaabada noocaan ah ee ay reer miyiga ku badbaadinayaan deegaanka.

“Dhirtu xuquuqda dadka iyo xooluhu leeyihiin mid la mid ah ayay leedahay. Sil-siladda nolosheennu waxay ka imaanaysaa dhirta. Noloshu waa dhirta. Xoolaha ayaa ku nool xoolaha dadka ayaa ku sii nool. Dhirtu dhulka ayay biyaha u qabataa. Meeshaan dhir lahayn biyo ma qabsato dabalaha ayay celisaa. Tallaabadan ay qaadeen dadka xoolo-dhaqatada ah deegaanka waa mid aad iyo aad ugu muhiim ah, waxayna mudan yihiin in lagu bogaadiyo faa’iidooyin badan ayayna deeganka u leedahay sida deegaankii oo wixii dhir hadhay badbaadayso.

Wuxuu intaas ku daray in dhibaatooyin badan ka dhashaan xaalufinta dhirta sida roobka oo yaraada iyo xoolaha oo waaya waxay daaqaan.

Dadaallada ay wadaan dadka reer miyiga ah ee deegaanka lagu badbaadinayo waxaa u sii dheer wacyigelin ay isa sii gaarsiinayaa si gebi ahaanba ay meesha uga baxdo isticmaalka dhirta xeradda laga dhigayo.

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here