Qoysas barakac ah oo musqulo yari ku haysato xeryo ku yaalla Dayniile

0
Kaydka sawirrada Ergo

(ERGO) – Toddobo boqol iyo sagaashan iyo saddex qoys oo ku nool xeryaha barakaca ee Barwaaqo, Horyaal iyo Awdal oo ku yaalla degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa halkaas ku wajahaya musqulo yari.  

Binti Nuur Xaaji oo ah hooyada lix carruur waxaa iyada iyo 229 qoys ay deggan yihiin xerada Barwaaqo oo ay sheegtay in xaaladda ugu daran ee ku haysata ay tahay musqulo la’aan iyo biyo yari. 

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in carruurta ay banaanka xerada ay ku saxarodaan, halka dadka waawayn ay hal musqul ay iska sugtaan. 

“Waxaaba dhibaato meesha ka jirta ay tahay biyo ma heysano oo ilamaha musqul la geeyo malahan, musqusha iyo kaamka iskuma soo dhowo, habeenkii haddii ilmaha saxaro qabato iyo maalinkiiba god ayaa inta loo faago lagu aasaa, haddii anaga ay noqato musqul aan galno feel ayay noqanee musqushii adoo u baahan ayay feel iyo silic iyo dan darro salaaidi Ilaahay mar way kaa tageysaa, mar waa iska dukaneysaa.” 

Binti Nuur oo ah hooyada lix carruur ah waxay deggan tahay xerada Barwaaqo oo ay soo gaartay billowgii bishiii Agoosto markii tuulada Aaytiri oo ka tirsan degmada Afgooye ay uga soo barakacday fatahaad webiga Shabeelle uu ka gaystay bartihmihii bishii Julay. 

Safar qaatay saddex maalin oo lug ah ayay u soo gashay inay hesho nolosha asaasiga ah maaddaama deegaanka ay ku nooleyd ay biyaha ugu galeen hoygoodii. 

Binti Nuur Xaaji ayaa tilmaamtay in dhibaato badan ay ku heyso xerada oo markii ay is-gaar-gaarto saxarada carruurta oo roobkana uu ku dul da’o aysan u dul qaadan Karin urta ka imaaneysa oo xitaa ay ka baqayaan in caafimaad xumo ay ka dhalato. 

Waxaa ay xustay inay u baahan yihiin in sida ugu dhaqasiyaha badan loogu dhiso musqulo ay galaan maaddaama dadka kaamka ku wada nool yihiin ay aad ubadan yihiin oo aysan ku filneen hal musuql oo waliba aan ugu dhex oolin xerada ay deggan yihiin ee Barwaaqo. 

“Musqusha intaa helaa ayaa silic ah, haddii ay u badato maalintii labo mar ayaa ka helee, inta kale inaad god qodatid waaye oo meel dheer duurarka tagtid aad ku soo saxarootid, sidii baadiyihii waaye waxba isma dhaanno. Waxaa noogu daran musqulaha waaye, carruurta tuunji ma heystaan meel ay ku saxaroodaan ma leh.” 

Xerada Barakaca ee Horyaal waxaa ku nool 48 qoys kuwaasi oo u badan waayeel, carruur iyo hooyooyinkooda, mana jirto wax musqul ah oo xeradaasi oo ku yaalla. 

Qoyskan ayaa ah kuwa kasoo barakacay Degmada Afgooye ee Gobolka shabellaha hoose kadib markii guryaha ay ugu galeen daadkii ka dhashay roobabka iyo fataahadda webiga Shabelle uu halkaasi ka gaystay. 

Salaado Maxamed Hiraabe waa hooyo 60 sano jir ah, waxay gacanta ku haysa 15 carruur ah oo qaar kamid ah ay dhaleen carruuteeda, waxay xerada soo gaartay bishii Julay markii fatahaaddu ka soo barakicisay xaafadda Xaawo taako ee degmada Afgooye oo ay ku nooleyd. 

Waxay Raadiyo Ergo uga warantay dhibaatada musqul la’aanta ah ee ka jirta xerada Horyaal ee ay ku nooshahay. 

“Musqul maba heysano juqdaan ayaan aadna ayaan ceeb iyo waxaan la arkin meelahan madax daboolana marka kaadineyno sidaas jirto, caruurtana waa kuwan dhulka wada daadsan yihiin saxaradooda iyo wasaqdooda saas jirta marka waxaan hay’adaha ka codsaneyna inay na soo gaaran dhabarka nalaga qabto saas jecelnahay, musqulo ayaan codsaneyna waxaan cunaa codsaneyna hoy ayaan codsaneeyna guryo ma heysano.”  

Isaaq Aadan Maxmed waxaa uu kasoo barakacay degaanka Basro ee Gobolka Shabellaha dhexe halkaasi oo isaga iyo caruurtiisa oo siddeed ah iyo hooyadood ay kasoo carareen dagaallo iyo Fataahadda webiga Shabeelle oo saameyn ku yeeshay. 

Hadda waxa ay ku nool yihiin Xerada Awdal oo ay deggan yihiin 240 kuwaas oo wada isticmaali jiray labo musqulood balse ay ka buuxsameen waxayna dadka waawayn iyo carruurta aadan bannaanka xerada.  

Isaaq ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in walaac badan ay ka qabaan in cudurro ay ka dillaacaan xerada maaddama nadaafad xumo ka dhalatay musqulo la’aanta ay ka jirto. 

“Musqulo maba heysanno, bannaanka ayaan iskaga saxaroonnaa, carruurtana sidoo kale baanaanka tuunji maleh, musqul maleh banaanka iskaga saxaroonnaa, marka waxaanba ka cabsi qabanka cudurka shuban biyoodka inuu kadilaaco marka waxaan rabnaa hay’adaha samafalka inay si deg deg inoo daryeelaan ayaan u baahan nahay.” 

Dhaqtar Cabdullaahi Cismaan Naaji oo ah dhaqtarka cudurrada guud iyo carruurta oo ka howgala xarunta caafimaadka Gacal ayaa sheegay inay muhiim tahay in musqulo nadiiif ah ay helaan dadka barakacay taasi oo yareyn karta qataraha caafimaad ee ka dhalan karta nadaafad xumada. 

Waxaa uu sheegay in xeryaha ay dadka badan yihiin isla markaana aty laga maarmaan tahay in laga taxadaro cudurrada faafa ee ka dhalan kara saxarada oo ay sabab u tahay musqulo la’aanta oo dadka barakacay ku qasabta inay dhulka ku saxaroodan. 

 Dhaqtarka ayaa Raadiyo Ergo uga warramay cudurrada ka dhalan kara xeryaha haddii aan loo helin musqulo nadiif ah oo ay dadkaasi ay isticmaalaan. 

“Cudurrada ugu badan ee ka dhalan kara waxaa ugu muhiimsan kuwa ku dhaca caloosha iyo xubnaha uur ku jirta la dhaho, mindhicirrada oo kale sida cudurrada shuban biyoodka inay dilaacan gooryaamada qaarkood caloosha ku dhaca, ilmaha nafaqada ku ridi kara ama dhiig la’aan ku sababi kara cunigii in cuntada ka xirmato waxyaabaha noocaas keeni karta dadka qaarkood oo matag iyo shuban ku soo boodi kara, saxaradii iyo wasaqdii in cunadii ay soo gaarto ama Biyihii.” 

Qosaskan barakaca ah ee baciin soo biday xeryaha Dayniile waxaa musqul la’aanta u dheer inay baahiyaha nolosha sida biyaha iyo cunnada oo helistoodu ku adag tahay. 

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here