Hargeysa: Negaad iyo qareenno diiday Xeerka kufsiga iyo Sinada

0
Kaydka sawirrada/Ergo

Ururka haweenka Negaad iyo qareennada ku sugan Soomaaliland ayaa sheegay inay diidan yihiin xeerka kufsiga iyo Sinada oo golaha wakiillada Soomaaliland ay ansixiyeen 25-ki bishi agoosto ee 2020, kadib isbadal lagu sameeyey. Waxay ku doodayaan in xeerkan uusan caawinayn dhibanayaasha.

Xeerkan ayaa 2018-ki, waxaa meel mariyey golaha wakiillada iyo golaha guurtiida, waxaana saxiixay madaxwayne Muuse Biixi Cabdi balse, waxaa xilligaas ka soo horjeestay culimada oo sheegay in uusan waafaqsanayn shareecada islaamka, taasi ayaa keentay in mar kale dib loogu celiyo golaha wakiilladda.

Hibaaq Ibraahim Gamuute oo ah qareen ka shaqeeya maxkamadaha Soomaaliland, barana ka ah kulliyadda sharciga ee jaamacadda Hargeysa ayaa sheegtay in xeerkan lagu sameeyey isbadal sida ogaanshaha kufsiga ee marka gabadha tacadi la kulanto. Waxay xustay in xeerki hore uu aad uga hadlayay kufsiga laakiin culimada oo dood ka keenay ayay tilamaantay in lagu daray sinada oo ay ka dhigeen qayb ka mid ah kufsiga.

“Culimada waxay dheheen haddii kufsi laga hadlo waa in sindana laga hadlaa, marka xeerkani waxyaabaha ugu badan ee uu ka hadlayaa waa sinada, kufsigiina waxaa uu ka dhigay qeyb ka mida sinada, magaciisa waxaa loogu yeeray sinada, xadgudubyada iyo kufsiga”.

Hibaaq oo ka hadashay ciqaabta xeerkan uu dhigayo ayaa sheegtay in xeerka ay ku jirto in qofka xanuunsanaya iyo kan aan qaan-gaarin uu waligiis u guurin karo, halka xeerki hore uu diidanaa guurka khasabka ah.

“Kufsiga ciqaabtiisa waxaa lagu qaadayaa shareecada islaamka waxay ka qabto sinada, waxaa laga dhigay inuu yahay sino khasab ah, haddii u dil sooragali waayo marka la waafajiyo shareecada islaamka waxaa lagu xukumayaa shan sano ilaa shan iyo taban sano, Kufsi wadareedka oo qof xanuunka HIV lagu qaadsiiyo waxaa uu xeerku dhigayaa in shareecada islaamka oo dil ah lagu qisaasayo, reerahana ay ka heshiin karaan oo mag la kala qaadan karo, haddii kale xarig 15 sano ah lagu xukumayo halka uu markii hore uu ka ahaa soddon sano, arrintani waxay dhib ku tahay helidda nidaamkii cadaaladda oo garsoorihii ayay fursad siinaysaa”.

Cadeymaha lagu ogaanayo qofka la kufsaday waxaa uu xeerku sheegayaa in lagu go’aan qaadanayo baarista booliiska, cadeymaha dhakhtarka iyo markhaatiyaal arkayay markii falku dhacayay. Arrintani waxaa ay Hibaaq ku tilmaamtay mid aan ku habboonayn in xeerka lagu daro.

Nafisa Yuusuf Maxamed, oo ah agaasimaha fulinta ee dallada Nagaad oo ay ku midoobeen haweenka Soomaaliland ayaa sheegtay inay ka soo horjeedaan xeerka kufsiga iyo sinada ee ay ansixiyeen golaha wakiilada.

Waxay sheegtay in aanay ka warqabin halka lagu diyaariyay islamarkaana lagaga badalay qodobbo badan oo ay ku ogaayeen xeerkii hore oo ay gacan ka geysteen diyaarintiisa. Waxaa ay xustay in tacadiyada carrruurta iyo haweenka lagu hayo aanu xal u heli Karin xeerka hadda la ansixiyay oo ay sii soconayaa, maaddaama laga saaray qodobbo badan oo ciqaab ahaa, ilaa haddana aanay kala cadeyn ciqaabta rasmiga ah ee ay mudanayaan dadka geysta tacadiyada ka dhanka ah jinsiga.

“Xeerkan waxaanu soo wadnay illaa 2013, wakhti badan ayaannu galinay, looyarro badan ayaa ka soo shaqeeyay, xeerkii ugu horeeyay ee madaxweynuhu saxiixay labada golaha ansixiyeen waxaa uu ahaa xeer dhamaystiran, xuquuqda bini’aadamka ee carruurta iyo haweenkana difaacaya, laakiin xeerkan iminka aad iyo aad buu uga duwan yahay, haddaanu nahay haweenka xeerkaasi hore ka soo shaqeeyay kuma kalsooni walina waxaanu u taaganahay oo xagayaga xeerka ah kii madaxweynuhu saxiixay”.

Madaxweynaha iyo golayaasha baarlamaanka ayay sheegtay Nafisa inay kala hadlayaan sidii aanu xeerkani uga dhaqangalin maxkamadaha maaddaama aannu difaacayn haweenka iyo carruurta.

Garyaqaan Mubaarak Cabdi oo ka mida qareennada u dooda dadka kufsiga loo geysto ayaa sheegay in ay adagtahay u doodidda dadka tacadiyada la kulma. Waxaa uu tilmaamay in doorasho la siiyay garsooraha oo sida uu doono u xukumi kara eedeysanaha haddii uu dambigu ku caddaado halka markii hore ka caddayd ciqaabta uu marayo qofka lagu soo eedeeyay tacadiga ka dhanka ah jinsiga.

“Qofka markaad dacweynayso waxaad garanaysaa waxaa lagu xukumayo laakiin hadda waxaa og garsooraha oo kaliya, taasi waxay luminaysaa qofkii cadaaladda u soo doonayay maxkamadda oo uu shaki ka galayo qofka in loo xukumayo iyo in kale, qofkii haddii aanu haysan damaanad uu ku yimaado garsoorkii nusqaantii jirtay ayay kordhinaysaa”.

 

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here