Hiiraan: Fatahaad khasaarisay beeralay deggan 13 tuulo oo u dhow Jalalaqsi.

0
Keydka sawirrada Ergo

(ERGO)- Fatahaad webiga Shabeelle uu 15-kii bishan Agoosto ka geeystay toolooyinka hoos yimaada degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa baabi’isay dalagyo ku abuurnaa dhul beereed ku yaalla 13 tuulo, sida uu Raadiyo Ergo u sheegey Cismaan Nuur Raaxoolle oo ah guddoomiyaha deegaanka Balgoys oo qiyaastii 5 km u jirta degmada.

Maxamed Cabddullaahi Waayeel oo ah aabbaha sagaal carruur ah oo noloshiisu ku tiirsaneeyd beer afar hiktar ah ayaa sheegay in markii saddexaad ay beertiisa biyaha fatahaaduhu galeen 13 bilood gudahood.

Wuxuu uu sheegay in 20 cisho oo kaliya ay u dhimanaayeen xilliga goosashada dalagyada, waxaana uu ka warramay dalagyada u beernaa iyo sida ay biyaha usoo galeen.

”Beerta waxaa ku yaallay galleey, digir, yaanyo, bocor, iyo bataati. Wax aan ku oolin malaha beerteyda, kulli biyaha waan uga soo dhex baxay`. Bal ayaan ka daba wareeganaayay, shidaalna waa haray bal aan is iri ilmaha amaa caano uga heshaa labo beri ayaan so baxsaday, qaarkii kalena biyaha ayay ku jiraan ileen beer dhan labo ruux maalkeeda ma soo bixin karaane.”

Nolosha qoyska ayuu sheegay in uu ku mareeyo tan iyo markii ay beertaa biyaha ka galaan raashin uu deyn ahaan ugu soo qaato dukaan ganacsi oo ku yaalla degmada Jalaaqsi, si uu u siiyo markii beeraha u soo go’aan iyo dhaqaalo kale oo uu weydiisto eheladiisa markii xaaladdu ku adkaato.

Maxamed ayaa sheegay in fatahaadda webiga Shabeelle ay sanad walba dhibaato ku hayso beertiisa uu u dhow webiga iyadoo aysan jirin cid soo kabasho u sameysa.

Wuxuu tilmaamay in lagu leeyahay qarashkii uu ku tabcay beerta ama ka galay oo dhan $1,450 kaas oo uu rajeynayay inuu iska bixiyo marka dalagyadu u soo go’aan.

”Abuurkeeda waa leeygu leeyahay tanag abuur ah ninkii aan kasoo qaaday 36+7 lacagteedii ninkii waa iga rabyaa, makiintee shidaalka walaaltinimo ayuu igu qaaday, qarashkii meesha kasoo baxo ayaan ka siinaa ayaan dhahay, ilmaheygana waxa ay u baahan yihiin biil iyo baati, beertii wax qabadkeedii faro laguma haayo oo saas ayay u go’day.”

Cismaan Nuur Raaxoolle oo ah Gudoomiyaha Deegaanka Balgooys oo oo hormuud u ahaa guddi beeraley ah ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dhammaan beeraleeyda ku nool deegaanadan ay dadaal xooggan ku bixiyeen sidii beeraha biyaha looga bedbaadin lahaa laakiin ay dhici weysay.

Cismaan ayaa sheegay in kulamo ay qaateen dad beeraeeyda ah, billowga bishan lagu ballamay in la xakameeyo biyaha beeraaha. iyagoo adeegsanayo gadiid, jawaano iyo caro la saarayo meelaha uu wabiga ka jilecsan yahay balse saameynta biyaha ay u geysteen dalagyada aysan waxba ka beddelin.

”Dadaal waalla sameeyay, magaalada ayaa jawaanno deyn ah laga soo qaaday, haweenka caro ayay shubanayeen, nimankane wey shaqeynayeen, wixii Alle ku calfin waa Axamdulillaah, markii dambe nafta la baxsada ayaa inoo dambeeysay”.

Cismaan ayaa xusay in dadka beeraleyda ah ay la kulmeen dhibaatooyin badan sanadahii ugu dambeeyey kuwaas oo ka kasoo kabsan la’ yahiin, waxaana uu sheegay in khasaaraha uu soo noq-noqday oo hal mar aysan u faganin dalagyada beeraha ay ku abuurteen beeralaydu muddo labo sano ku dhow.

Wuxuu intaas ku daray in dadka beeralayda ah ay ku adkaatay nolosha qoysaskooda isla markaana ay ku bateen daymaha lagu leeyahay oo isugu jira kuwa ay beeraha ku fasheen iyo nolol maalmeedkooda maaddaama meel kale uusan dhaqaale joogta ah ka soo gelin.

Dadka kale ee beeraha biyaha fatahaadda ay ka galeen waxaa ka mid ah Axmed Maxamed Noor oo ah aabbaha 13 carruur ah. Waxaa uu sheegay in uu ka maareyn jiray beertiisa oo aheeyd siddeed hektar iyo bar oo markii ugu dambeysay ay ku abuurnaayeen sisin, galley, digir iyo bataati,

16-kii bishan Agoosto ayay biyuhu beertiisa ku billlowdeen, waxaana ay sida uu sheegay biyaha qariyeen dhammaan wixii ku abuurnaa beerta. Wuxuu ka warramay ku tiirsanaanta beertaas sida ay u saameysay.

“Haddii hanti kor aanan lagaaga soo direeynin oo waddamada shishiiye lacag lagaaga soo direeynin, hanti fiican oo adiga ku intifaacdo gacanka ku haysanin oo beerta keliya aad fiirsaneysay beertiina dalaggii ay biyaha kaa gooyeen, wixii aad dhaheysay 20 maalmood guduhood sabuul waad ka cuni biyo ayaa meeshii gooyey dhibaato saa’id ah ayaa meesha nagu hayso oo meel lagu baxsado oo keliya aynan jirin”.

Waxaa uu sheegay in hadda nolosha qoyska uu ku maareeyo shaqo maruq-maal ah oo mar la waayo marna la helo, maaddaama ay kasoo xirantay wadadii tacbashada beerta.

Cabdixakiin Muxumed Cilmi oo ah khabiir dhanka beeraha ah ayaa sheegay in shanti sano ee ugu dambeysay ay fatahaaduhu dhibaato badan gaarsiiyeen wax soo saarkii beeraha kuwaas oo hadda laga dareemayo suuqyada dalka, madaama ay yaraadeen khudaartii suuqyada la keeni jiray qaarkood, kuwa hadda yaalana ay noqdeen qaali oo mid walba qiimo uu ku darsamay sida basasha digirta oo kale.

Waxaan waydiiyay in ay jiraan dalagyo iska cilin kara biyaha fatahaadda si looga baaqsado khasaaraha fatahaadaha.

“Biyaha waxaa ay gaaraan labo mitir cabbirkooda kore markii la fiiriyo, marka wax dalag ah oo hadda lagu talo bixin karo haba yaraatee ma jirto. Fatahaadaha meelaha ay ku yar yahiin sida meelaha dalacadaha ah in ay wax ku tacbadaan waa sida ugu macquulsan, sidoo kale xilligooda wax soo saarka in ay ku jaangooyaan xilliga fatahaadda iyadana way fiican tahay. Dalagyada xilliyada gaaban ku soo baxayo labo ilaa saddex biloood in iyadana ay ka faa’ideeystaan maaddaama kuwa 5 bilood laga yaabo in ay fatahaado dhacdo”.

Fataahadda webiga Shabeelle ayaa bishan intii lagu jiray khasaaro gaarsiisay beeralayda deegaano ka tirsan gobollada Hiiraan, Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha dhexe iyadoo weli ku sii fidaysa meelo hor leh oo Hiiraan ka tirsan sida Beledweyne.

 

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here