Dhadhaab: Ganacsatada Jallaatada iyo cabbitaanka oo ganasigood uu hoos u dhacay

0

(ERGO) – Cabdimajiid Jaamac Sanxarir oo ah milkiilaha Sokeeye Ice Cream oo ka mid ah seddex xarumood oo ku yaalla xerada Dhagaxleey ee xeryaha qaxootiga Dhadhaab, oo soo-saari jiray noocayada cabbitaannada iyo jalaatada ayaa waxaa ganacsigiisa saamayn ku yeeshay cudurka COVID-19-ka.

Inta badan cabbitaannada iyo jallaatada ay sameeyaan waxaa ka iibsan jiray ardeyda iskuullada, kuwaasoo la fasaxay bishi Maarso ee sanadkan oo ahayd markii u horraysay ee lagu arkay dalka Kenya COVID-19.

Cabdimajiid wuxuu sheegay in maalinti uu soo saari jiray afar kun oo xabbo oo jallaato ah oo loo iib-gayn jiray goobaha waxbarashada oo xabbaddi uu gadi jiray toddobo shilin halka dadka ka qaata ee sii iibin jiray ay toban shilin gadi jireen si ay faa’iido uga helaan, haddase uu wax soo-saarkiisii uu hoos u dhacay.

“Hadda waxaan sameeyaa kun xabbo, dad aad u tira badan baa iga qaadan jiray oo hooyooyin u badanaa waxayna gayn jireen iskuullada hortooda xilliyada bareegga iyo galabkii oo kale, way igusoo noqon jireen, haddana way qaadan jireen,hadda waxaa iga qaata dad aad u tira yar,Karoonaha ayaa ganacsigoodi saameeyay”

Cabdimajiid ayaa ka hor COVID-19-ka bil walba heli jiray faa’iido dhan konton kun shilinka Kenya oo u dhiganta shan boqol oo dollar balse hadda waxaa bishi soo gasha shan iyo toban kun oo shilinka Kenya ah oo u dhiganta 150 doollar. Muddo sannad ah oo ay shaqaynaysay xaruntan wuxuu ka iibsaday matoorka dabka dhaliya iyo agab kale oo looga shaqeeyo meheraddiisa. Cabdimajiid wuxuu raadiyo Ergo uga sheekeeyay dhaqaalaha soo galaya iyo siyaabaha uu u maareeyo.

“Qayb waan biilan jirnay, inta kalana waxaan u dhigan jiray kayd, meesha wax badan maysan sii jirin oo iyadan isku kabaayay oo kor u soo qaadayay, hadda waxaan is leeyahay aadku dartid cuntadafudud si meeshu ay isku kabto, ” ayuu yiri.

Anas Maxamed Cali oo Da’adisu tahay 23 jir kana mid ah ardayda fasalka 3aad ee dugsiga sare ee Dhagaxley ayaa wuxuu xilliga habeenkii ka shaqeeyaa xarunta Sokeeye Ice Cream, wuxuuna radio Ergo u sheegay inuu shaqadaas ku qaadan jiray habeenki 500 Sh.Kenya, una dhiganta shan doollar taasoo uu ku maarayn jiray nolasha qoskiisa haddase laga dhimay.

“Hadda suuq-xumi maaddaama ay dhacday lacagti aan qaadan jiray mid an u qalmin baan qaata oo ah 300 shilin hadda, habeenka anan shaqaynin waxba malihi”

Anas oo ah curadka qoys ka kooban lix qof ayaa colaad uga soo cararay magaalada Kismaayo 21 sano ka hor. Wuxuuna biilaa shan gabdhood oo la dhalatay iyo labadiisa waalid.

“Lacagta hooyaday iyo abbahay baan u gayn jiray oo qaxooti iska ah, waxna aan haysanin, lacag kayd ah baan dhigan jiray saddex boqol ciddaan u gayn jiray, laba boqolna meel ayaan dhigan jiray, lacagtas hadda waan u baxsaday, suuq xumida markay imaatay reerki inaan sii siiyo ayay noqotay oo dib ugu celiyo kaydkii hadda waa dhammaad,”ayuu yiri Anas.

Cabdullaahi iyo walaalkiis ayaa sanadki 2012-ki furtay xarunta Misbaax Ice Plant oo ah warshad soo saarta jallaatada kuna taalla xerada Dhagaxley. Xaruntaas waxaa iminka soo wajahay hoos-u-dhac dhaqaale, kaasoo sababtiisu tahay COVID-19-ka.

“Hadda waxay noqotay inaan soo saarno 500 xabbo, waxay qaadanaysa ilaa iyo sadex maalin inay naga baxdo, waxaan dhihi karnaa ilaa boqolkiiba toddobaatan wuuna saameeyay, suuqa xooggiisa wuxuu ahaa qoladan iskuulayda, waxaan ku shaqayn jirnay ilaa shan qof waxay ku soo koobmatay labo qof oo kaliya, waxay qaadan jireen ilaa 500Sh. ilaa 600Sh. maaddaama ay suuq xumo jirto ma awoodi karno shaqaalihi inay sidii hore noogu sii shaqeeyan,”ayuu Cabdullaahi yiri.

Dakhliga ka soo gala jallaatada waxay ka biilaan qoyskooda oo ka kooban kow iyo toban qof kuna nool magaalada Muqdisho, Wuxuu sheegay in ku dhawaad 35 qof oo u badan dadka wareejiya jalaatada iyo kuwa ku hor gadi jiray iskuullada ay maalin walba ka qaadan jireen ku dhawaad boqol xabbo oo jumlo ah ka hor inta aan la xirin iskuullada, haatanse ay ilaa siddeed qof maalinkii ka qaadato.

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here