Muqdisho: Roob saamayn ku yeeshay dadka barakacayaasha ah

0
IDP women who have have been hit by floods/Abdiwahab/ Ergo

Roobka xagaaga oo toddobaadkan ka da’ayay magaalada Muqdisho ayaa saamayn ku yeeshay dadka barakacayaasha ah iyo guud ahaan magaalada. Waxaa ka dhashay khasaare kala duwan sida dhimasho, burbur guryo iyo barakac.

Deeqo Maxamed Yuusuf, waxay ku wayday roobka seddex carruur ah oo ay dhashay kaddib marki uu ku dumay darbi ay ku hoos lahaayeen hoy buush ah. Qoyska Deeqo ayaa deggan xerada barakaca Malable oo ku taalla deegaanka Garas-baallay ee duleedka magaalada Muqdisho.

“Darbiga nagu soo dumay seddex cunug oo mid 12 sano jirto, mid 8 Jir tahay, midna 7 jir ayaa iiga dhintay, dhagaxii ku soo dhacay cunug, haddana yariiskeeyga ah isagoo dhagaxii iiga hoos jiro Muslim Ilaahay ii sahlay, meesha iigu soo galay, meel ayaa leega furay, meeshi ka soo baxay; seddexdaas cunug meeshaa iiga geeriyootay,” ayay tiri Deeqo Maxmed.

Deeqo ayaa lix sano ka hor colaad darteed uga soo barakacday degmada Qoryoolay, si ay nolol u helaan. Waxay nolosha qoyska ku maaraysaa dhar dhaqaw iyo shaqada xamaalka oo ay magaalada ka soo qabato maaddaama nolosha carruurteeda ay iyada oo kaliya ay ku tiirsan tahay, halka carruurta aabbahood uu jiro baadiyaha gobollka Shabellaha Hoose.

Ma jirin cid kale oo ay gurmad ka heshay marka laga reebo dadka xerada la deggan oo caawiyay markii dhibku soo gaaray, waxay sheegtay in wax walba oo ay haysatay uu daadku ka qaaday oo ay wajahayso hadda hooy la’aan, una baahaan tahay in loo soo gurmado.

“Waxii kaam silic ayay iskaga nool yihiin, haddase dhibka dhacay ilmahaas meesha iiga dhamaaday, waxii oo dhan way naga burbureen, waxaan fara ku hayno ma leh hadda,” ayee tiri Deeqo.

Kaamka Malable ayaa waxaa ku nool qoysas tiradooda ay garayso 265 qoys kuwaasi oo intooda badan ka soo barakacay Shabellaha Hoose sida ay sheegtay Nasra Xuseen oo ah horjoogaha xeradaas.

Maamulka degaanka Garasbaalley ayaa sheegay in qoysaska barakacayaasha ah ee ku sugan degaanka ay haysato xaalada adag oo dhanka nolosha ah, islamarkaana xilligaan ay ugu darsantay xilliga roobka oo aysan meel ay ka galaan haysan, iyadoo ay u sii dheer tahay hooy-xumo, cunno-yari, dawo la’aan.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada deegaanka Garasaballeey Muxiddiin Axmed Yuusuf ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in robabka ay si guud u saameyeen.

“Wax wali gurmad ah oo dadka loo geeyay ma jiraan, waa dad dhibaataysan waa dadkaasi maanta murugada u taaallo; Gobollka Banaadir kaliya maahee cid kasta oo gacan ka gaysan karta ayay u taallaa”.

Xaliimo Axmed Nuur waxay haysataa toddobo carruur ah oo agoon ah, waxayna ka soo barakacday lix bilood ka hor deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeelaha hoose. Xaliimo iyo carruurteeda waxay muddo afar habeen ah jiifaan meel bannaan ah oo xogaa taag ah, oo ku taalla xerada Warta Siigaale kaddib marki buush uga dhisnaa xerada uu ka qaaday roobkii.

“Meeshaan deggannahay Ilaahay ku sugeeynaa wax hadda aan ku heysanno ma jiraan, hoy la`aan, raashin la’aan, dhar la’aan, daawo waan u baahneen haddaan heli karno, xanuun waa jiraa sababto ah biyaha haddii ay ku soo galaan kaneeca jirtaa maahanoo,” ayee tiri Xaliimo.

Cabdullaahi Ooyaaye oo ka tirsan qoysaska xerada barakaca ee Warta Siigaale ayay isaguna roobabku ku yeesheen saamayn, wuxuuna sheegay iney tahay markii labaad oo ay roobabku dhibaato u gaysanayaan, waxayna ka xaaqeen gurigii uu degganaa oo awalba ka samaysnaa qoryo iyo baco, sida uu raadiyo Ergo u sheegay.

Maamulka Gobollka Banaadir ayaa sheegay inay wali ku hawlan yihiin xogta khasaaraha uu gastay roobka, iyagoo soo bandhigo doona xaddiga dhibaatooyinka uu gaystay sida uu Raadiyo Ergo u sheegay agaasimaha Waaxda samafalka iyo xuquuda aadanaha ee Maamulka gobolka Banaadir, Muxiyadiin Maxamuud Cabdulaaahi.

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here