Qiimo dhaca iibka xoolaha deegaano hoostaga Hobyo oo saameeyay hab-nololeedka reer miyiga

0
Sawirrada kaydka Ergo

(ERGO) – Suuq-xumada xoolaha ee ka jirta deegaanno hoostaga degmada Hobyo ee gobolka Mudug waxa ay ku qasabtay Cismaan Maxamuud Geeddi oo ah aabbaha qoys toddobo qof ah in muddo laba toddobaad ah uu ku soo noq-noqdo sayladda xoolaha ee deegaanka Wisil oo 60 km u jirta Hobyo si uu iib ugu helo afar neef oo ari ah oo uu ka keenay miyiga.

Dhaqaale xumida ka dhalatay saamaynta Koroona Fayrus ayaa sababay in xoolo-dhaqatada magaalada Wisil iyo deegaannada ku dhow-dhow ay xoolahooda uga waayaan suuqyadooda wax ka iibsada.

Cismaan Geeddi oo aan ka quusan beec u helidda xoolihiisa ayaa masaafo dhan 30 km uga lugeeyay Wisil, markii uu sayladdeeda ka quustay si uu bal iib uga helo deegaanka Gawaan, haseyeeshee toban cisho ee uu la meereeysanaayay afartiisii neef weli cidina kama iibsan.

“Qof shilin haystaba wuu yar yahay, qofka ugu roon waxaa uu ku leeyahay aan kuu soo caddeeyo haddey soo caddeysana iyada lafteeda siday kaaga qaadday oo kale baa looga qaadanayaa, marka intaan is qab-qabsan lahayn waxaan niri xoolaheenna ama aan qal-qalanno ama aan iska soofsanno oo hanoo daaqeen.” Ayuu yiri.

Dhibaatadan waxaa Geeddi la qaba boqollaal xoolo-dhaqta ah oo xilligaan oo kale oo Carrafadu soo dhowdahay, xooluhuna sarar leeyihiin nacfigooda ka faa’iideysan jiray.

“Wixii dhamaa ee baladka laga soo gadan jiray xoolahaa lagu baddalan jiray lacagtooda xoolihiina way istaageen, nacfi si walba ah bey lahaayeen, arratir baad kala baxaysaa, bariis baad kala baxaysa, sonkor baad kala baxaysa, illeen miyi baad daggan tahaye, dadkii dukaamada ee wax laga iibsan jiray ee la dhihi jiray markii xooluhu gadmaan baan bixinaynaa iyaga laftigoodii kii horaa lagu gooyay, waxaa ii qorshaysan in aan Ilaahey baryo wax kale oo aan uga bixi karo ma leh,” ayuu yiri Geeddi.

Siddeetan neef oo ari ah oo uga soo doogay abaaro dhacay saddex sano ka hor ayuu dhaqanayaa. Qiima-dhaca xoolaha ayaa  keenay in ay is-xirto sayladdii xoolaha lagu kala iibsan jiray ee magaalada Wisil, halkaas oo maalintii lagu kala wareejin jiray 200 neef, wixii ka horreeyay bishii Juun. Cali Maxamed Jaamac (Cali Madoobe) waxa uu ka mid yahay dullaaliinta Sayladda Wisil, wuxuuna Raadiyo Ergo uga warramay in muddo dhowr iyo toban bari ah in aysan xoolo kala dullaalin.

“Xoolihii keenidooda waxaa la iskaga dhaafay wax wax iibsanaya haddeysan jirin, waa la keenay waa la iska ceshaday, waa la keenay waa la iska ceshaday, wax iibsamaya ma jiraan; dadkii magaalada joogay ee qalliinka ama ka waanka ahaana markii ay qalaan hilibka wax ka qaadanaya ma leh sababtoo ah lacagi ma jirto.”

Horraantii bishii Juun ayuu sheegay in suuq-xumadaan ay ku bilaabatay qiimo-dhac ku yimid xoolaha iyada oo neefkii labo bil ka hor suuqa ka joogay $60 uu gaaray $30 ama wax ka yar, waxaa uu xusay in xoolo-dhaqatada xilligaan oo kale ay faa’iido badan ku qabi jireen xoolahooda taasi oo hadda aan muuqan.

Iyada oo ay nagu soo foolleedahay bisha Carrafo xooluhuna sarartoodu wanaagsan tahay ayaa intaasba aysan saacidin xoolo-dhaqatada sida uu sheegay. Xasan Nuur Cilmi oo 68 neef ari ah ku dhaqanaya miyiga Wisil waxaa uu ka walaacsan yahay beec la’aanta xoolaha oo ah waxaa qoyskiisu ku tiirsan yahay, muddo shan bari ka badan qoyskiisa oo siddeed qof ah wax raashin ah ma helin xoolihii suuqa uu geeyayna lama iibsan.

“Mar saddex bari laga joogo ayaan suuuqqa ari geeyay, waxaan geeyay lix neef wax iga gatay lama arko dibna waan ula soo laabtay, awalba arigan raashinka kala bixi jirnay isna wuu noo gadmi diiday,” ayuu yiri isagoo aad uga xun xaaladda suuqa xooluhu uu marayo yiri.

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here