(ERGO) – Dhaqtar Xamdi Cabdiraxmaan Axmed oo ka mid ahayd dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha caafimaad ee ka shaqeynayay isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, oo ah goobta lagu daweeyo dadka la soo dhaca xanuunka Koronaha ayaa saddex bilood kaddib ku soo noqotay gurigeeda.
Xamdi oo bishii Oktoober ee sanadkii hore kamid noqatay howlwadeennada caafimaadka ee isbitaalka Martiini ka hor intaaan loo beddelin goob lagu karantiilo dadka Koroonaha la xanuunsan ayaa ku dhiirratay inay qaadato go’aanka ah inay sii shaqayso, kana mid noqato dhakhaatiirta waqtigooda iyo naftooda huray iyadoo dhiirrigelin ka heshay waalidkeed.
Waxay Raadiyo Ergo uga warrantay caqabadihii ay la kulantay intii ay shaqada wadday, kala duwanaanta shaqada isbitaalka intii lagu jiray xaaladda cudurka iyo sida ay u aragtay inay ka shaqeyso howl saamayn ku yeelan karta caafimaadkeeda.
“Saamayn wayn ee igu yeelatay muddadaas aan guriga ka maqnaa. oo aan isbitaalka ka shaqeenayay, wax hadda la qori karo maaha, qoyskeeyga inaan muddo ka maqnaado waligeey ma dhicin, inaan gurigayna muddo seddex bilood ka maqnaado, dadka u shaqaynayo inay yihiin dad waalidiintay oo hooyaday oo kale, aabbahay oo kale ayeeyo, awoowe ii noqon kara inaan u shaqeeyo waxay ahayd dareen gooni.”
Dhaqtar Xamdi oo ka mid ahayd dadkii ugu horreeyay ee u bareeray ka shaqeynta isbitaalka markii cudurka laga helay qofkii ugu horreeyay horraantii bishii Maarso ayaa sheegtay in aysan marna ka welwelin in cudurku uu ku dhaco oo ay u heellanayd caawinta dadka cudurka qaba. Iyada iyo howlwadeennadii caafimaad ee la shaqaynayay qaarkood ayuu ku dhacay cudurka Koronaha inkastoo aysan haynin tiradooda oo sax ah sida ay sheegtay Xamdi.
Waxay sheegtay in howsha ay hayeen ay ahayd mid adag oo u baahnayd ka go’naan iyo inay diyaar u yihiin in ay daris la noqdaan bukaannada oo kaliya maaddaama aysan jirin cid kale oo la kulmaysay bukaannada cudurku ku dhacay ee isbitaalka joogay. Waxay sharaxaysaa waxyabaha ay bukaanada u qaban jirtay.
“Meesha ugu badan ee aan ka shaqeenayay bukaan jiifka ayay ahayd, shaqada markaan soo galo bukaannada waan wareysan jirnay maaddaama bukaanka aan loo oggalayn in qoyska la jooga, oo goobta ay ahayd goob karantiil,” iyadoo sheekadeeda sii wadata waxay si gaar ah farta ugu fiiqday waxyaaba ay u qaban jirtay bukaanka, “Bukaannada annaga waxaan u samayn jirnay inaan dhiirrigalinno, aan la joogno kuwooda cafimaadka qabo, marmarna in bannaanka aan waqti kula qaadanno, la shekeysanno, dhiirrigalin u samayno, kuwi kale ee aan awoodin in bannaaka waqti lagula qaato inaan u imaanno, dawooyinkooda kontaroolno waxay u baahan yihiin u qorno.”
Dhaqtar Xamdi ayaa tilmaamatay inay shaqadaas adag ka dhaxashay waayo-aragnimo islamarkaana dadkii ay u shaqeynaysay ay u galeen booskii dadkooda ee aysan caawin dhaqtarnnimo oo keliya ku ekayn.
Waxay xustay in hilow badan ay u qabtay aragtida qoyskeeda laakiin ka dhabaysay go’aankii ay qaadatay. Waxay ka warrantay sida iyada iyo qoyskeeduba ay dareemayaan muddo kaddib markii ay soo laabatay.
“Muddo saddex bilood oo aan guriga ka maqnaa markaan dib ugu soo labatay qoyska aad ayay ii soo dhaweeyeen, farxad gooni ah aniga nafsiyaan, in muddo seddex bilood ani qoyskeeyga hooyaday iyo aabo arkin guriga ugu imaado wallaalahay aan waqti la qaato waxay ahayd Faraxad wayn.”
Dhaqtar Xamdi Cabdiraxmaan oo sanadkii 2012-kii ka qalinjabisay dugsiga sare ee Maxamed Cusmaan Baarbe waxay sidoo kale kullyadda caafimaadka ka dhigatay jaamacadda Soomaaliya oo ay ka baxday sanaddkii 2019-kii. Waxay sheegtay in ilaa yaranteedii ay ahayd mid ay ku hammineeysay inay noqatayo takhtarad taasi oo ay xustay inay markii hore ay caqabado ay dareemaysay dhanka dhaqalaha waxbarashada, balse ay garab wayn ka heshay waalidkeed.