Dhadhaab: Dhallinyaro sameynta afxirka uga qeyb-qaadanaya xakamaynta cudurka Koroona

0
Cabdullaahi Xasan oo ka mid ah dadka afxirka tolaya/ Axmed Cabdullaahi/Ergo

(ERGO) – Toddobaatan iyo kow dhallinyaro ah oo isuga jira rag iyo haween oo ku nool xeryaha qaxootiga ee Xagardheer, Ifo iyo Dhagaxley oo xirfaddoodu tahay harqaanka ayaa iminka xoog saaray sidii ay u soo saari lahaayeen oo keliya afxirka ama maaskarada.

Yuusuf Cabdiraxmaan Xuseen oo 23-jir ah, wuxuu ka mid yahay dhalliyaradaas oo tan iyo 26-kii bishii Abrill farsamadooda harqaanka u wareejiyay soo-saarista afxirka lagaga gaashaanto cudurka Covid19.

Yuusuf ayaa sheegay in si uu uga qayb qaato xakamaynta xanuunka Koroona uu shaqadiisa dhar-tolidda u wareejiyay inuu tolo afxirka, isagoo u arkay inay tahay waajib saaran qof kasta oo xeryaha jooga inuu kaalintiisa ka qaato.

“Qaxootiga ayaan joognaa dadkuna badanaa ma gadan karaan, markaa samaynay facemask-ka si aan ku caawinno dadweynaha xerada qaxootiga Xagardheer, si aan uga hortagno cudarkaasi, waayo dadkii waa iska danyar, sidaa ayay noogu dhalatey in aan dadkii u samayno kulligood,” ayuu yiri Yuusuf.

Xirfadleyaasha sameynaya afxirka ayaa gacan ka helaya hay’adaha samafalka ee NRC, LWF DRC, AVSI, FilmAid iyo UNHCR oo siiya dharka laga tolayo afxirka, iyo lacag gunno ah oo lagu siinayo tobankii xabbo oo afxir ahba lacag dhan 100 Ksh. oo u dhiganta hal doollar. Yuusuf iyo saaxiibbadiis ayaa sheegay in lacagtaas ay tahay qoondo aad u yar laakiin sababta ay u samaynayaan agabkani ayaanan ahayn iney helaan lacag, laakiin uu hadafku yahay iney bulshadooda ka caawiyaan xakamaynta cudurka Koroona.

Wuxuu xusay in samaynta agabka ay tahay mid aad u howl badan maaddaama ay isku keenaan maryo kala nooc ah oo la isku kabo si ay noqdaan kuwo tayo leh oo qofka ka difaaci kara neefta dadka kale, tiisana aan gaarsiinayn dadka kale.

“Bahalku waa dhib badan yahay, laakiin waxaa nooga muhiimsan dadka caafimaadkooda; maalintii boqol, labo boqol, saddex boqol waa saamaynaynaa,” ayuu yiri Yuusuf isagoo ka warbixinaya hawsha farsamada afxirka.

Cabdullaahi Xasan Cali waa 45-jir ka mid ah dadka ka shaqaynaya samaynta maskerada, waxaana shaqada ku wehliya laba wiil uu dhalay oo uu hore u baray farsamda harqaanka, iminkana uu iskuulkoodii u xiran yahay Koronaha awgiis.

“Bulshada aad bay noogu mahad celinayaan boqolkiiba boqol, sababtoo ah dee bulshadu waa bulsho qaxooti ah aan meelna u dhaqaaqi karin, markii la dhahey qof walbaa waa in uu facemask helaa, meel ay ka gataan ma hayaan, qaxootigu waa xirxiran yahay, meel lacagi kasoo gasho ma lahan, sidaa daraadeed baan u samaynaa.”

Cabdullaahi waxaa uu sheegey in xirfadda harqaanka uu kusoo bartey magaalada Muqdisho, kaddibna uu sii kororsadey intii uu Dhadhaab joogay. Hay’adda LWF ayuu xusay in ay u fidisay tababar ku saabsan dhar-tolista haddana ay isla hay’addaasi ay ku gacan-siineyso sameynta agabkan.

Faadumo Iimaan Mukhtaar waa hooyo 40-jir ah oo gurigeeda dhexdiisa ku tosha afxirka, waxay  sheegtay in iyada oo haysata shaqada gurigeeda iyo xannaaneynta ubadkeeda ay haddana qeyb ka tahay dedaallada dadka xerada lagu gaarsiinayo afxirka.

“Maasha Allaah, shaqo-abuur waa tahay, markaad iska fadhido oo aanaad waxba qabanaynin, harqankaagu waa kuu xereysan yahay oo wax ku soo gelaya ma laha, laakiin markii aad is borogaraamiso oo dhahdo kaalay bulshada ka qaybqaado, wax saabuun ah waa kuu soo dhaceysaa, bulshadaadiina wax weyn baad u qabatey.”

Faadumo waxay soo gashay xeryaha Dhadhaab sannadkii 2011-kii, markaas oo ay ka soo qaxday Diinsoor ee gobolka Bay. Waxay sheegtay in hay`adda NRC ay ugu deeqday barashada xirfaddan harqaanka oo maanta mehrad dhaqaalena u ah, kuna caawineyso bulshadeeda,

Axmed Maxamed Salaad oo ah sarkaal ka tirsan hay’adda NRC oo ka mid ah hay’daha gacanta ka geysanaya arrintan ayaa sheegay in ku-talagalku yahay in la sameeyo 300,000 oo xabbo oo maaskarooyin ah si qof walba oo qaxootiya uu u helo afxir bilaash ah. Wuxuu xusay in ilaa hadda la sameeyay 150,000 oo xabbo, iyadoo NRC ay bulshada dib ugu qaybiyeen tiro dhan 49,133 xabbo.

 

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here