(ERGO) – Cabdulaahi Macallin Ciise oo ka mid ah dadka deggan tuulada Jaaq-dhagaysato oo 7 km u jirta magaalada Cadaado, ayay dhibaato ka soo gaartay koronkorta markii ay ka buuxsameen baraag uu biyaha ku kaydsanayay. Biyahaas ayaa waxaa ku tiirsanaa qoysaskiisa labada ah oo ka kooban siddeed qof.
Inkasta uu dadaal badan ku bixiyay siduu berkadda u nadiifin lahaa, ugana saari lahaa ayaxa ayay haddana taas waxba uga suurtagelin markii ay biyihii yeesheen ur aanan fiicnayn anfacna aan lahayn iyo midabkoodii oo doorsoomay.
“Waxay noqdeen wax uu neef ku bakhtiyay oo kale way ureen xitaa markaan ka faraxashay farahaygii waa ka hari diideen oo oomadii waa ka goyn-wayday.”
Sida badan baraagta tuulooyinka oo aanan qaarkood lahayn wax dabool ah oo ka ilaaliya wixii cayayaan ah ee ku dhici lahaa ayaa keentay in labadii toddobaad ee la soo dhaafay uu ayuxu dhib wayn ku hayay baraagaha tuulooyinka, weliba kuwooda aanan lahayn daboolka, waxayna tan ku kalliftay Cabdullaahi iyo reerkiisa in ay soo iibsadaan biyihii ay isticmaali lahaayeen ilaa dhammaadka dayrta sida uu qorshahoodu ahaa.
Deegaanka Baraag-galaanbe oo 8 km u jirta Cadaado oo ay dad xoola-dhaqato ah ku leeyihiin konton barkad-roobaad ah ayaa koron-korradu si weyn u dhibaateeyeen kaydkoodii biyaha.
Cabdisalaan Faarax Gaab oo ka mid ah dadka deegaankaas Baraag-galaanbe ayaa isaguna dhibaato kala kulmay koronkorrada kaddib markii ay ku daateen barkaddisa oo qaadda ilaa 850 fuusto oo biya ah. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in ay aad ugu dadaaleen in ay ka hortagaan koronkorta, hase ahaatee ayan waxba ka suurtagelin oo ay muddo laba maalmood ah ku dhacaysay ilaa ay midabkii iyo urtii biyaha is beddelaan.
“Ayadoo laba habeen ku jirtay ayaan ugu tagnay biyuha ayagoo soo uraya bahashuna ay ka buuxdo kaddib waan galnay, waan ka bixinnay, markaas kaddib waxaan ku shubay nafto, biyihii ayagoo hadda xoogaa soo dhadhamaya oo madoow ayay hadda ku jiraan.”
Xoola-dhaqatadan ayaan hore u arki jirin ayaxa iyo koronkortiisa, mana lahayn waayo-aragnimo ay kula tacaalaan ugagana hortagaan, taasoo keentay inuu gaarsiiyo baraagtoodii khasaaraha intaas la`eg oo laga yaabo iney uga gaashaamaan kareen iney u helaan dabool barkadahooda.
“Wax raja ah oo aan anigu hadda ka qabo ma jirto in aan biya kale soo shubto maahane,” ayuu yiri Cabdisalaan. “ Baraagahaas ayaa laga yaabaa in maryo laga saaro maahane wax kale hadda aan annagu kula dagaallannaa ma jiraan.”
Maamulka Galmudug oo taageero ka helaya dowlada federal ah ee Soomaaliya iyo hay’adda FAO ayaa dadaallo lagu buufinayo ayaxa ka wadda deegaannadaas, laakiin Wasiirka Beeraha Dhirta iyo Daaqa ee Galmudug Axmed Xaaqi Cismaan wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in deeganada qaarkood ay sameeyeen ka hortag ayaxa koron-korta ah isla markaasab ay ka buufiyeen baraago badan.
“Horta daawada aan hadda isticmaalnaa daawo dadka wax u dhimaysa maaha, waxaan samaynaa in aan ayaxa meelahaas baraagaha korkoodaa kula dagaallanno, balse markay soo gasho godka maku buufinno anagoo ka baqayna in biyaha dhadhankoodu isbaddalo.”
Abshir Cismaan Maxamed iyo qoykiisa waxay ka mid yihiin qoysas badan oo aan iyagu markii hore lahayn wax barkado ah balse biyaha ka heli jiray dadka ehelka ah ee kaydka biyaha roobka helay, haseyeeshee wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in markii ay koronkortu biyaha ku dhacday ay ku qasabtay in uu lacag ka badan $300 ku soo iibsado haan-baceed uu dhulka ku xabaashay oo uu biyo ku shubtay taasoo uu ka dalbaday Cadaado, waxayna fuustadii ugu timaaddaa lacag ka badan $1.
Abshir iyo qoyskiisa ayaa waxay hadda ku qasban yihiin iney haan-baceeddaas ku aasan dhulka iney ka ilaaliyaan koronkorrada iyadoo ay suurtgal tahay xataa iney koronkortu gasho halkaas.