Boqollaal qoys oo biyo yari ku hayso xerada Wadataal ee duleedka Gaalkacyo

0

(ERGO) – Labo boqol iyo lixdan qoys oo ku nool xerada barakaca Wadataal oo Gaalkacyo waqooyi-bari ka xigta 9 km ayaa ku sugan xaalad biyo-yari muddo bil ah, taasoo sababtay markii ceel-biyood riig ah oo ay biyaha si bilaash ah uga cabbi jireen ay soo wajahday xaalad dhaqaale-xumo.

Dadka xerada ku jira oo ahaa kuwii abaarihii ku cayroobay oo horraantii sannadkii 2017-kii deegaannadoodii ka soo barakacay ayaa dantu ku qasabtay in ay deegaan goob ka durugsan magaalada kolkii ay dhul-banaan ka waayeen gudaha iyo daafaha Gaalkacyo.

Dadkaas waxaa kamid ah Abshiro Diiriye Kulmiye oo ah hooyada siddeed carruur ah, waxay dhabarkeeda uga soo xamaashaa Gaalkacyo toban liitar oo biyo ah oo cabitaan iyo cunno karsiba ay u isticmaashaa.

“Maalin walba xaaladdaas baan ku jirnaa, waxaan soo tagaa siddeed saac waxaana jidka ku soo jira labo saac iyo bar hadba meel baan dhigaa toddoba qaadka iyo saddex qaadka maalin walba lama qaadikaro wadnaha ku go’aya.”

Ragga iyo haweenka mas`uulka ka ah qoysaska xerada ku nool qaar ka mid ah ayaa qabta shaqooyin aan joogto loo helin sida dhagax-jabinta iyo qoryo guridda, balse Abshiro ma shaqaysato waxaana iyada iyo carruurteedu ay ku tiirsan yihiin raashin si toddobaadle ah ay u siiyaan qoys ehelkooda ah oo Gaalkacyo ku nool.

Dadka xerada daggan ayaa adeegsada gadiidka iska-rogayaasha iyo kuwa la mid ah oo ay ku qaataan biyaha waxay Raadiyo Ergo u sheegeen in fuusta biyo ah loogu keeno $3 doller.

Abshiro iyo dadka la midka ah waxaa ku adag helidda lacag ay ku dalbadaan biyahaas, sidaas bayna tan iyo Gaalkacyo dhabarkooda uga soo dhaamiyaan. Waxay Raadiyo Ergo uga warrantay rajo la`aanta iyo qorsha la`aanta haysata sidii ay uga bixi lahayd dhibaatadan.

“Waan la walaacsanahay noloshayda, qofkii hoy ku lahaa magaaladuu iska dagay, uma awoodo in aan guri u kireeyo, ma awoodo in aan meel uga dhiso jiingad xitaa ama buush, dhulku waa kiro kama bixi karo magaalada” ayay tiri

Waxay Abshiro markeedii hore ka soo barakacday miyiga deegaanka Bitaalle oo Gaalkacyo dhanka waqooyi-bari ka xiga 40 km ayay kala soo barakacday qoyskeeda, markii 180 neef oo ari ah ay uga dhamaadeen abaartii raadaysay.

Jaamac Cabdi Ciise oo aabbe u ah qoys lix qof ah ayaa kamid ah dadka aan biyaha iibsan karin, waxa uu horraantii sannadkii 2017-kii soo dagay xeradan isaga oo ka yimid deegaanka Qaydare oo abaartu ku dhufatay.

“Lacag aan bajaaj ku soo kiraysto baanan hayn, sidaas awggeed ayaan hadda garabka ugu soo aroora.”

Jaamac oo ka shaqeeya dhagax-jabinta 10-kii bariba mar ayuu beec u helaa dhagaxa uu la baxo, waxaana dhaqaalaha yar ee uu ka helo uu ku dabbaraa raashinka qoyska, markaanse culays kale ayaa la soo gudboonaaday oo ah inuu biyaha ka soo dhaamiyo dhul fog.

“$10 weeye waxa aan shaqeeyo, qoys xaas ahna waad garanaysa inta kaafin karto, lacag yaroo 10 bari kaddib soo gasha meeshaas baahi baahsan ayaa ka jirta”

Wuxuu iminka damacasan yahay inuu u wareego magaalda Gaalkacyo, walow uusan weli helin dhul bannaan ee uu iibsado kuna helo beec macquul ah. Waxaa kaloo uu intaas ku daray in haddii uu waayo uu ku talajiro in meelo ka raadsado xeryaha horey u jiray ee magaalda, walow taasina ay u baahan tahay inuu fasax uga helo horjoogayaasha xeryaha.

Madaxa arrimaha bulshad dagmada Gaalkacyo Muxyaddiin Yuusuf Samatar ayaa u xaqiijiyay Raadiyo Ergo xaaladda biyo-yarida ee ka jirta xeradaas, maamulkuna uu iminka uun uu ku baraarugay, haddana uu ku hawljiro sidii wax looga qaban lahaa.

Muxyiddiin ayaa intaas ku daray iney qorsheynayaan sidii ay qoysaskan biyo la`aantu haysataa ay ugu soo rari lahaayeen magaalada gudaheeda iyo daafaheeda hadba halkii ay duruuftu u saamaxdo intaanu sanadkan dhammaan.

 

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here