(ERGO) – Shan boqol oo ah macallimiinta wax ka dhigi jiray dugsiyada sida gaarka ah loo leeyahay ayay soo foodsaartay duruufo dhaqaale oo adag kaddib markii ay waayeeen mushaharooyinkooda ka soo xeroon jiray lacagta laga qaado waalidiinta dhalay ardayda, iyadoo ay tani ugu wacan tahay xakamaynta cudurkan Karonaha.
Kaalmada ay macallimiintaan qaxootiga ah ka helaan hay`adaha ayaanan marnaba ku fillayn waxyaabaha ay ka helaan, waxayna qoysaskooda ku kabi jireen lacagta ay ka helaan ardayda ay wax u dhigaan.
Faadumo Cabdi Aadan oo ka mid ahayd macalimiinta iskuulka hoose/dhexe ee Al-ma’muun, waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in lacagta mushaarkeeda oo ahaa 15000-ksh oo dhiganta 150$ uu waxtar weyn u ahaa nolosha qoyskeeda ka kooban lixda qof, afarteeda carruurta ah iyo aabbahood.
“Hadda nolol maalmeedku sidii hore maahan waa sii diciifayaa, bil Ramadaan baa laga soo baxay, deymankii labadii bilood iyo barkii aanu isticmaalaynay ayaa nalaku leeyahay”
Faadumo oo ah qofka keliya ee qoyskeeda u shaqaynaysay waxay Raadiyo Ergo u sheegtay inay welwel ku hayso inta shaqo la’aantu jirayso iyo sida ay muddadaas u maarayn doonto nolosha qoyskeeda oo iyada uun sugaya.
Cabdullaahi Maxamuud Cali waxaa uu macalin ka ahaa dugsiga hoose dhexe ee Imamu-shaafici oo ku yaalla Xerada Xagardheer ee Dhadhaab, wuxuuna Raadiyo Ergo u sheegay in shaqadiisa ay ku tiirsanaayeen hooyadii iyo saddex walaaladii ah, haddana ay aad xaaladu ugu adag tahay haddii ay arrintu sidaan ku sii socoto.
Macalimiinta ay sida gaarka ah u saameysay dugsiyada la xirey waa kuwa dhigayay dugsiyada gaarka loo leeyahay, halka macallimiintii wax ka dhigayay dugsiyada ay maamulaan hay’adaha samafalku ay si caadi ah u helayaan mushaharaadkooda weliba iyagoo ay xiran yihiin dugsiyadii.
Cabdirashiid Cabdi Xuseen waxaa uu macallin ka ahaa dugsiga sare ee Al-amiin ee Xagardheer waxaa uu Raadiyo Ergo u sheegay in uu wajahayo saamaeyn dhaqaale middii ugu adkayd ee uu la kulmo intii xeryahan uu joogey.
“Waxaan ahaa nin reer leh ciyaal baan dhalay, waxaan meeshaa ka soo qaado uun baan naftayda iyo reerkayga ku maareynayay, hooyadey iyo dad aan mas`uul ka ahay ayaa ku tiirasanaa waxaan soo qaado, biil kale ma qaadanno meel kale oo wax naga soo galaana ma jirto”
Iskuulaadda dalka kenya oo ay ku jiraan kuwa xeryaha qaxootigu waxaa sida caadiga la xiraa saddex xili oo isku darkoodu yahay afar bilood sanadkiiba oo ah bilaha fasaxa waxaana ay fasaxyadaasi yihiin kuwo aan wax saamayn ah ku lahayn macalliinta dugsiyada.
“Arintan si kadis ah ayay u dhacday oo qof kasta muusan filanayn, shaqadii annaga oo joogna ayaa la dhahay maanta war baa soo baxay, madaxweyihii wuxuu ku dhawaaqay in iskuullada la xiro, nin kastaa meel buu ka boodey cid isu soo laabatay na maanaan arkin”
Shaqo la’aanta ka dhalatay iskuuladda la xiray ee ay ka hawl-geli jireen boqollaal macallin wuxuu sii kordhiyay culaysyada dhinacyada badan ee awalba iska haystay dadka qaxootiga ee ku nool xeryaha, waxayna iminka si aada u sii dareemeen culayskaas markii la soo rogay xakamaynta Koronaha, hawlo badanna ay xireen kuwaasoo ay ka mid yihiin dugsiyada xayiran oo ay macallimiintii wax ka dhigeysay ee ku noolayd ay dhibaato mushar la`aan ah wajaheen.
Dadka ku nool xeryaha Dhadhaab oo intooda badan gargarka ay ka helaan hay`adaha qaxootiyada oo aanan ku fillayn waxay dadaalkooda gaarka ah sida ganacsiyo yaryar, shaqooyinka xafiisyada iyo macallinnimaba ku kabaan maciishaddooda, haddiise iminka ay sii socoto xakamayntaan waxaan shaki ku jirin iney dadkaas ku sii adkaan doonto durufaha ay hadda ku jiraan.