Dhadhaab: Wadayaasha gawaarida yaryar oo shaqadooda ay saameysay xayiraadda safarka gudaha

0
Axmed Cali Xasan wuxuu ka mid yahay wadeyaasha ay saameysay xayiraadda safarka ee xeryaha Dhadhaab/Kaamil Axmed Cabdi/Ergo

(ERGO) – Axmed Cali Xasan wuxuu ka mid yahay 50 darawal oo ka dhex shaqeeya seddexda xero
ee Ifo, Dhagaxlay iyo Xagardheer ee xerada qaxootiga Dhadhaab ee gobolka Waqooyi
Bari ee Kenya. Xasan iyo wadayaasha kale ayaa waxaa saamayn ku yeeshay xayiraadda
lagu soo rogay gawaarida sabab la xiriirta cudurka COVID19-ka oo wali ku sii faafaya
gudaha dalka Kenya. Shaqadan ayuu ku maareeyaa nolasha qoyskiisa oo ka koban shan
qof.

Xasan oo ah milkiilaha gaariga yar ee uu ku shaqaysto ayaa sheegay in maalnti 5-6 jeer u bixi jiray gaarisgiisa, isagoo heli jiray lacag u dhiganta 50 doollar.

“Hadda baabuurtii ayaan shidaal u la’anahay, lacagta i soo gasha waxna waan isticmaali
jiray waxna gaariga ayaan u dhigan jiray.”

Wuxuu sheegay inuu xaddidan yahay socodkoodu ee loo gool yahay uun iney xaafadaha u kala qaadaan dadka , haseyeeshee dadkii raaci lahaa ayaanba haysan wax lacag ah oo ay gawaarida ku raacaan Koronaha dartiis.

“Waxaa nagu hoos noolaa dadka haya maamumlka boosteejada, dadka gawaarida rara,
kuwa dhaqa, kuwa buufiya iyo garaashlayda, hadda haduu jabo xataa uma hayno lacag aan ku soo samaynno,”

Waxaa jira guddi ka kooban 20 qof oo loogu talogalay in uu kala hago shaqada maalinlaha ee gawaarida oo ka howlgala seddexda xero, kuwaas oo ka shaqeeya boosteejada laga raro, islmarkaasna u sameeya kaltanka iyo kala horreynta gawaarida sidii ay u kala horbixi lahaayeen. Dool Carays Guhaad oo xubin ka ah guddigaas ayaa uga warbixiyay Raadiyo Ergo hoos-u-dhaca ku yimid shaqadii guddigaas.

“Aroor kasta ayaan diwaangalin jirnay siday ay u kala horreeyan isagoon gaari kasta
ilaalinaya kaltankiisa, qofkii sharciga ku xad-gudbana xeerka ayaa qabanaya,”

Dool wuxuu sheegay inuu shaqadaas ku qaadan jiray maalin walba lacag u dhiganta 30
doollar ee uu ku maarayn jiray nolosha qoyskiisa, haddase ay taas meesha ka baxday
markii la waayay gawaari la kala hago.

“Haddiba ay dhacdo in lagu sii daro oo taarikhada ay dowladda sheegtay in xakamaynta la qaadi waayo, halkaan ka shaqaynayay ayaa gabi ahaanba joogsanaysa, bannaanka ayaan soo istaagayaa”. Ayuu yiri

Waxaa sidoo kale ku noolaa gawaaridan dallaaliin rari jiray baabuurta oo ka heli jirtay
nolal maalmeedkooda. Dadkaasi waxaa ka mid ah Cabdullaahi Labi Ibraahim oo qaban
jiray shaqada dallaalnimada, islamarkaana ka ka ururin jiray dadka rakaabka ah lacagaha.
Wuxuu Cabdullaahi shaqadan soo waday muddo toban sano ah, taasoo uu ka biilan jiray
qoyskiisa oo ka kooban toddobo ruux.

“Mushahaar kama qaadanayn dowladda mana ahayn nin wax bartay oo iskuul dhigtay
meel kale oon shaqo u raadiyana ma arkin, intii yarayd oo nolol-maalmeedka ahayd oon
gawaarida iyo bulshada ka qaadanayay ayaan wayay, wax kale oo caawinad ahna ma heli jirin” ayuu ku calaacalay Labi

Inkasto saamaynta Karona Fayriska ay kala mid yihiin dunida inteeda kale haddana waxaa dadka ku jira xeryaha qaxootiga Dhadhaab u dheer baahiyo badan oo gaar ah oo ka dhasha ahaanshaha qaxootinnimada.

Gargaarka yar ee ay ka helaan ha`yadaha caalamiga ah waxay had iyo jeer ku kaban jireen shaqooyinnka iyo ganacsiyada yaryar taasoo maanta la waayay iyadoo ay ugu wacan tahay Korna Fayrus oo wax walba xayiray.

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here