Lo’ Balanballe ugu dhimaneysa cudur laga hortagi karay oo tallaalkiisa ay xoolo-dhaqatadu diidday inay iibsato

0

(ERGO) – Mahad Cabdullaahi Ashkir oo ka mid ah xoolo-dhaqatada ku nool duleedka magaalada Balanballe ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa la soo gudboonaatay dhibaato kaddib markii sanadkan bilowgiisii ay ka dhinteen 70 neef oo lo’ ah oo cudurka qanjaha ku dhacay, iyadoo ay hadda uga hareen 10 waylood oo yar-yar.

Mahad waa aabbaha saddex qoys oo ka kooban 20 qof waxay noloshoodu ku tiirsanayd dhaqashada lo`da. Wuxuu ka warramay dhibkii uu xoolahaas ka soo maray badbaadintooda xilliyadii kala geddsinaa ee abaaraha, isagoo gobollo kala geddisan u geeyay badbax iyo biyo, sida Laascaanood, webiga Shabeelle iyo meela kale.

“Lo’ abaar ka soo baxday bay ahayd markii 10kii ugu horreeyay dhashay intii kalana ay dhalayso ayaa xanuunkaa ku dhacay hal wayn hadda kuma jiro.”

Mahad ayaa sheegay in cudurku uu muddo yar ku faafay lo’da oo dhan isla markaana uusan xitaa midna iib-gayn. Hilibka xoolaha aan la gowricin inta aysan naf-bixin ayaan ahayn mid la cuni karo, waxaana taas ka sokow takhaaatiirtu u sheegeen xoolo-dhaqatada in aan la cuni karin hilibka neefka u dhinta xanuunkaas.

Qoysaska biilkooda ayuu sheegay inuu ka heli jiray iibinta caanaha ee uu u iib-gayn jiray suuqa magaalada Balanballe isagoo subax walba soo qaadi jiray 15 koonbo oo caano ah oo uu ka heli jiray $25. Wuxuuse hadda ka xamaashaa rakaabka gawaarida ee uu u dejiyo waxyaabaha ay sitaan, kuwaasoo uu ka helo lacag aad u yar maalintii oo dhan ilaa 6 dollara, marmarkii uu waayana uu reeraha uga sii daynsado dukaamada ay macaamilka leeyihiin.

Takhtar Saleebaan Maxamed Saalax oo ah Guddoomiyaha Ururka Takhaatiirta Xannaanada Xoolaha Gobollada Dhexe oo la hadlay Raadiyo Ergo ayaa sheegay in degmada Balanballe iyo deegaannada hoos yimaada uu cudurku sanadkan ku dilay lo’ lagu qiyaasay1,500 oo neef. Wuxuu kaloo takhtarku caddeeyay inay hayaan tallaalka cudurkaan isagoo iib ah balse ayan dadku doonayn iney lacag ka bixiyaan tallaalka.

“Cudurkaan wuxuu leeyahay tallaal, Guriceel ayuu yaallaa waana lacag, dadku inay qaataan ma oggola oo labo ama saddex doollar bixiyaan marka xoolaha loo tallaalayo. Tallaalka annagu lacag ayaan ku kennaa.”

Jamaal Ciise Cabdi oo ah aabbaha labo qoys oo ka kooban 12 qof wuxuu cudurkan ka dilay 60 sac oo irmaan ah, wuxuuna hadda duleedka magaalada Balanballe ku dhaqdaa 10 sac oo guran oo ka haray lo’diisii.

“Lo`dii irrmaanka ahyad gabigeed markay dhashay ayuu ka dhexe dhacay  gabigeed waa laayay, 45 waxay ahayd lo`da dhashay, 14 horwaynay ahayd”

Jaamal wuxuu nolosha qoysaska iyo waxbarashada lix carruurtiisa ah oo bishii laga qaadi jiray $30 ka dabbari jiray caanaha lo’da. Hadda ma hayo wax shaqo ah mana laha xirfad kale, waxaana walwal ku haya halka uu ka keeni lahaa lacagta waxbarashada.

“Markii lo’do ii joogtay dibida ayaan gadan jiray, lacag qaaliya weeye marka kalana caanaheeda, 10 koonbo waxaa laga bixiyaa maalinkii 15 dolar”

Guddoomiyaha degmada Balanballe Jaamac Xayle Maxamed ayaa sheegay in dadka reer miyiga ah ee cudurku ka laayay lo’da ay soo galeen magaalada isla markaana ay degeen xeryo barakac si nolol maalmeed ay u helaan.

Wuxuu sheegay guddoomiyuhu ineyan lahayn tabar ay ku caawiyaan dadkaas, midda keliya ee ay awoodaanna iney tahay iney dhul siiyaan oo ay degaan, isla markaasna ay u waydiiyaan gargaar dawladda iyo ha`yadaha wax caawiya .

Cudurkan xoolaha kuma dhicin sanadkan oo keliya hase yeeshee wuxuu kumanaan xoolo ah dilaa sanad kasta balse lo’laydu ma sameeyaan waxay kula tacaalaan xanuunka marka laga soo tago in ay ka guuraan meelaha ay cudurka ku arkaan, taas oo ay sheegeen takhaatiirtu in aysan ahayn mid wax wayn ka taraysa badbaadinta lo’da.

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here