Xoolo-dhaaqatada iyo beeraleyda oo biyo-yarida uga maarmaya biyo qabatinno ay Soomaliland hirgelisay

0

(ERGO) – Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland ayaa ka hirgelisay laba iyo soddon dhaam deegaannada Qoolcaday, Sallaxley, Baligubadle, Gubmburaha, Balicabane, Go’da weyn, Xaaxi iyo Duruqsi, kuwaasoo ay xoolo dhaqatadu u isticmaalayaan cabista xoolaha, waraabka beeraha iyo adeegyada nolosha ee asaasiga ah. Dadka ku nool deegaannada ayaa sanad walba uga hayaami jiray tuullooyinkooda biyo la’aan, iyagoo u socdaali jiray meel u jirta  200 km.

Muxumed Qalinle Aadan oo ku nool baadiyaha Sallaxley oo 80 km koonfur Hargeysa kaga beegan waxaa uu sheegay in aanu sanadkan ka werwersanayn biyo la’aan uu uga hayaamo tuulladiisa. Waxaa uu xusay in dhaam weyn oo bishii 11 sanadkii 2019 laga hirgaliyay ay ka buuxsameen biyaha roobka Gu’ga oo si wacan uga curtay deegaankiisa.

Ninkan oo leh tiro iyo labataan neef oo ari ah iyo soddon neef oo geel ah ayaa tilmaamay in sanadkiiba marka uu ugu yaraado hal mar uu xoolihiisa la guuri jiray si ay biyo u helaan haseyeeshee uu hadda laba iyo tobanka biloodba deegaankiisa ku sugnaan doono.

“Wuxuu ku kordhin karaa waxsoosaar, sida beeraha oo kale, inaan wax la soo baxno, xoolihii ayaa biyihii diihaalka ka raysta oo cabbaya, waa dhaam weyn mid go’aya maaha oo shamac ayaa la dhigay, xoolihii iyo dadkiiba way cabbayaan.”

2019 waxaa uu deegaankiisa oo uu biyo ka raadsaday uga maqnaa lix bilood, waxaa uu u hayaamay baadiyaha Dabagoriyaale oo ka tirsan degmada Daroor ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Waxaa uu u sii socday saddex habeen. Muxumed ayaa sheegay in socod dheer iyo xoolaha oo ka dhinta uu kala kulmi jiray hayaanka uu biyaha ku raadsan jiray, haddase waxay xoolihiisu si maalinle ah uga cabbaan dhaamka oo uu jira hal km oo keliya.

Hadda waxaa qorshaha ugu jira inuu sameeyo beer yar oo gurigiisa dhexdiisa ah si qoyskiisu ula soo baxaan dhanaanis ay raashinka ku darayaan iyagoo ka faa’ideysanaya biyaha deegaankooda laga kaydiyay.

Dhaamamkan waxaa loo sameeyay qaab casri ah oo aanay biyaha ciiddu cabi karin, waxaa la dhigay dhulka hoose shamac ama qarbad biyaha dhulka ka celinaya. Deegaannadan ilaha biyaha laga sameeyay ayaa ku yaalla dhul Hawd ah oo xoolo-dhaqato soddon kun ka badan ay ku nool yihiin sida uu raadiyo Ergo u sheegay Maxamed Aamiin Jibriil Afhayeenka Wasaaradda Biyaha Somaliland.

“Waqtigan waxaan ku jirnaa inaan ballaarinno ilaha biyaha, afar ceel oo nooca riigga ah ee dhaadheer oo 400 mitir ah ayaa la qodayaa, laba dhaam oo waaweyn oo midkiiba 83 kun oo mitir kuubik (meter Quebec) uu qaadayo gobollada Togdheer iyo Hargeysa, sababta aan u bilownay ayaa ah in riigagga dhibaatoodu noo timaado waqtiga jiilaalka.”

Wasaarada waxaa ka caawiyay dhismaha balliyadan haayadaha USAID, Danish refugee council iyo haayada Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada ee FOA. Deegaannadan waxaa lagu doortay xoolo-dhaqatada oo markasta ka hayaami jiray iyo xoolaha oo harraad ugu dhiman jiray sida uu sheegay Maxamed Aamiin Jibriil afhayeenka wasaarada biyaha Somaliland.

Aamina Jaamac Cige oo ah hooyada lix caruur ah oo tiro ah ku dhaqata tuulada Balicabane oo Hargeysa u jirta 60 km ayaa xustay in biyuhu marka ay ka qalallaan baraagaha ay dhibaato ku qabtay inay carruurta u hesho waxay cunno iyo nadaafad ugu sameyso.

Waxaa ay sheegtay in roobka ay helayeen sanadkan iyo kii hore haseyeeshee ay labaatan neef uga l`edeen biyo la’aan ku heshay deegaankeeda abaar ku heshay 2017 bishii afraad, xoolaha inta uga soo hartay waqtigaasna waxaa ay ula hayaantay tuulada Allay-baday oo u jirta 75 km.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here