Muqdisho: Shaqooyinkii ay barakacayaashu nolosha ka debberan jireen oo gagaabsi noqday

0
Mid ka mid ah Haweenka barakaca ah oo awal macmacaan iibin jirtay/Abdiwahab/Ergo

(ERGO) – Haweenka Barakacayaasha ee ku nool xeryaha magaalada Muqdisho ayaa xilligan wajahaya shaqo la’aan xooggan kaddib markii shaqooyinkii ay magaalada ugu bixi jireen ay wayeen tan iyo markii dalka uu ka bilowday xanuunka Koroona Fayruus.

Fursadaha shaqo ee ay heli jireen haweenka barakaca ah ayaa waxaa ka mid ahaa xamaalka iyo shaqooyinka nadaafada sida dhar-dhaqid, xaaqidda guryaha iyo qashin fogaynta, qaar kalena waxay suuqa u iibgeysan jireen waxyaalo mac-macaan ah oo ay guryahooda ku farsameeyeen si ay nolosha ula tacaalaan.

Caddeey Cali Axmed oo ku nool xerada barakaca Buulo-qaran ee degmada Hawl-wadaag ee gobolka Banaadir, waxay suuqyada Muqdisho gaar ahaan meelaha ay dadku isugu yimaadaan ku wareejin jirtay in ka badan laba boqol oo xirmo oo ah loos duban ah oo lagu habeeyay baco yar-yar.

“$5 doolar baan ka heli  jiray, 200 oo bac oo loos baan suuqa u qaadi jiray, waxaan gadi jiray 100 ilaa 150 xabo, hadda iyo bilihii ka horeysay waxba lagama hayo sidii cuudurkan u imaaday.”

Caddeey ayaa Raadiyo Ergo u  sheegtay in noloshu hadda aad ugu adag tahay, maaddaama xirfaddii keli ahayd ee ay qoyskeeda ku dabbaraysay ay macnabeeshay sidii uu Koronaha u yimid.

Xaawo Maxamed iyo carruurteeda siddeedda ah way ku cusub yihiin xeryaha barakaca Ceel-waaq ee magaalada Muqdisho, waxay dhowaan ka soo carareen colaadaha ka jira magalaada Jannaale ee gobolka Shabeellada hoose, in kastoo ay cusub tahay misna Xaawo waxay dhawr bilood shaqo nadaafad ah u doonan jirtay xaafadaha ku dhow kaamka.

Waxay lacago fiican oo $10 ilaa $5 u dhexeeya ka samayn jirtay shaqadan mar-helka ah, laakiin hadda laba arrimood ayaa isugu darsamay, kuwaas oo meesha ka saaray in ay shaqo tagto,  iyadoo dadkii ay ka shaki-qabaan qofka shaqadoonka ah cudurkan socda dartii, iyo iyagoonba awoodin kharashka shaqada loogu qabanaayo.

Markii hore waxay ku baxsan jireen sida ay sheegtay ilmaha abahood oo uu u isaguna u soo xamaali jiray wayahanse aan shaqayn. Xaawo Maxmed ayaa Raadiyo Ergo uga warrantay sida ay isku beddashay nolosha reerkeeda.

“Waan iska  noolahay, wixii Muslimkaas marka iskaga tagno na soo siiyaan aan iska karsannaa ilmihii oon waxba la siin karin oo sii liidanaya.” ayay ku catawday Xaawo.

Dadka ku nool xeryaha barakacayaasha ee magaalada Muqdisho ayaa badankood u shaqo tegi jiray suuqyada, laakiin xanuunka Karoonaha oo ku sii fidaya Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ah ayaa si toos ah saamayn ugu yeeshay nolosha dadkan, maadama ay shaqooyin badani noqodeen kuwo iskood u istaagay.

Cabdirashiid Xasan Sharmaarke waa Horjoogaha Kaamka Ceel-waaq degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku nool yihiin 150 qoys, wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in shaqo-yaraanta ay wada saamaysay qoysaska ku nool kaamka ee ku tiirsanaa shaqooyinka xamaaliga ah. Qoysas badan ayaa la daala-dhacaya nolol maalmeedka markii ay raggii iyo dumarkiiba noqdeen kuwa guryaha iska fadhiya.

Agaasimaha Waaxda Samafalka iyo Xuquuda Aadanaha ee Maamulka Gobolka Banaadir Muxiyadiin Maxmuud Cabdlaahi ayaa qiray in xaaladda dadka barakacayaasha ay liidato, waliba xilligan uu cudurka Koroonaha dalka uu ka jiro iyo roobka oo isna saamayn ku yeeshay.

“Ma jirto wax uu Gobolka si gooni ah ugu qorsheyay dadkaasi oo la siinayo laakiin inuu gurmad u fidiyo oo markii xaalad deg-deg ah timaado la caawiyo”

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here