(ERGO) – Xoola-dhaqato beeralayda Puntland ayaa iminka sii xoojinaya hab ay dhowaan bilaabeen oo ah sidii ay uga gubi lahaayen abaaraaha soo noqnoqda oo xoolaha ka dhameeya, iyagoo helay mishiinno ay balka ka soo go`a beerahooda iyo calaf kaleba ugu shiidaan kaddibna u kaydiyaan si ay xilliga jiilaalka u siiyaan xoolahooda.
Maxamuud Maxamed Cismaan waxaa uu ka mid yahay iskaashato saggaal qof ka kooban oo beer xoolaad ku leh deegaanka Xin-soor ee magaalada Gaalkacayo, beertiisa oo ah oo ku fadhida dhul ilaa 3 km ah waxa ugu beeran Galley, digir iyo khudradda cagaaran.
Xilligan oo Gu’ ah, Maxamuud arigiisu wuxu u foofaa bannaanka beerta, xilliga jiilaalka ahna wuxuu u soo gadi jiray calafka debedda laga keeno, balse sannadkan wuxuu hasytaa fursad uu xoolihiisa balka beertiisa ugu beddelo calaf ay cunaan.
“Waxaan rabnaa dalagga noo soo baxa wixii la tuuri lahaa ayaan rabnaa inaan xoolaha uga faa`iideyno oo aan xoolaha siinno, hadda waan bilownay waana sii kaydinnay, waxaanan rabnaa in jiilalka ay na anfacaan”.
Maxamuud oo ka mid ah iskaashatooyin beeralay-xoolaada oo gaaraya ilaa 30 kala jooga gobolada Mudug iyo Nugaal, kuwaas oo bilawgii Abriil maamulka Puntland u qaybiyay miishiinnada shiida cawska iyo calafka xoolaha, taasoo looga golleyahay sare u qaadidda wax soo-saarka beeralayda.
Mashiinada beeraleydan loo qaybiyey waxay shiidayaan isla markaasna ka dhigayaan qurub yaryar balka beerta, cowska iyo haraaga khudradda cagaaran taasi oo u sahlan in ay xoolaha cunaan xilliga jiilaalka, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Xuseen Cabdiraxmaan Xaaji oo kamid ah xoola-dhaqatada beeraleyda degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal oo loo tababaray sida uu mishiinka u adeegsan lahaa.
“Hadda abaarihii ayaa soo batay marka waxa la rabaa in dadka qeyb badan ay noqoto xoola-dhaqato wax soosaar fiican leh oo aan guurguurin”.
Sida ay dowladdu sheegtay xoola-dhaqato beeralaydu waxay isbeddel cad iyo caano ah ku soo kordhiyeen deegaanka, wasaaradda xooluhuna waxay doonaaysaa in xoola-dhaqtaa in badan oo ka mid ah laga dhigo kuwo aan guurguurin.
Cabdullahi Jaamac oo sarkaalka ugu sarreeya xilligan waaxda horumarinta xoolaha ee wasaaradda xannaanada xoolaha Puntland, wuxuu raadiyo Ergo u sheegay in ay xoola-dhaqatada beeralayda fahamsiiyeen in aysan mishiinnada u isticmaalin wax ka baxsan u adeegsiga diyaarinta dallagyada beerahooda.
“Makiinnaddan beerta gudaheeda oo keliya ayaa loogu talogalay qofkii la ogaado in uu xaaluf kale ku sameeyo waxaa laga qaadayaa tallaabo”.
Calafka la beeray ee la shiiday ayay beeraleyda xoolahooda ku quudinayaan saddexda bilood ee waqtiga jiilaalka, taasoo u sahleysa in ay u adkaystaan abaaraha, sida uu Ergo u sheegey Maxamed Warsame oo ah khabiir dhinaca beeraha iyo deegaanka ah.
“Qaabka beer-xoolaadada xooladha-qatada waa qaab wax wayn ka beddeli kara in loo adkeysto abaarahan soo noqnoqda, waxaa jira cows badan oo keliya u baahan in la beero oo la waraabsho iyo sidoo kale dhir badan oo waddankeenna ka baxda oo aan muhiim ahayn kuwaasna waxaa loo baahan yahay in xoolaha loo shiido oo la siiyo”