Daadadka Bacaadweyne oo la tegay cusbo u diyaarsaneyd iib-geyn

0
Keydka sawirrada/Ergo

(ERGO) – Cabdisamad Maxamed Faarax oo ka mid ah xoogsatada cusbada ayaan muddo labo toddobaad ah u sahqo tagin goobtii uu kala baxayay cusbada oo ku taalla duleedka deegaanka Bacaad-wayne ee koonfur-bari gobolka Mudug, halkaas oo daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah ay dhibaateeyeen goobihiisii shaqada.

Waa 40 jir aabbe u ah qoys 7 qof ah, wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in 700 oo jawaan oo cusbo ah ay diyaar u ahaayeen inuu suuq-geeyo ka hor inta aysan daadadku kala tagin.

Cusbada ayaa laga qodaa afar god oo waawayn, waxaana biyaha roobka ee gala goobahaas ay si dabiici ah ay isugu beddelaan cusbo iyada oo la sugayo saddex ilaa afar bil. Cabdisamad ayaa Raadiyo Ergo la hadlay isaga oo ka walwalsan khasaarha ka soo gaaray daadadka iyo shaqo-la’aanta uu wajahayo.

“Qofka meeshii uu u shaqo tagayay oo il kalana aysan u furnayn haddii meeshaas yarta ah ay ka dunto nolol cusub iyo wax buu raad-raadinayaa, waxaan ku xisaab-tamaynay oo seenbari aan ku shaqaysan jirnay oo aan fahamsanayn fasalkan way khasaareen.”

Masiibadaas waxaa ku shaqa-beelay 576 qof oo xoogsato ah, kuwaas oo ku shaqo beelay daadadka qariyay meelihii ay cusbada ka qodayeen sida uu ii sheegay Cabdifataax Cabdullaahi Yuusuf oo ah guddoomiyaha iskaashatada cusbada ee deegaanka Bacaadwayne.

Cabdisamad wuxuu qorshaynayay in lacag ka badan $2,000 uu ka helo wax-soo-saarkiisa cusbada inta lagu jiro sanadkan 2020, halkii jawaan ee cusbada ah wuxuu ugu fadhiyay lacag dhan hal doller iyo bar, daadadka ka horna tiro ka badan cusbada uu diyaariyay ayuu naawilayay inuu la baxo.

Qoyskiisa ayaa hadda ku tiirsan raashin uu dayntay inta aysan xaaladdan la soo gudboonaan, $700 ayay ku leeyihiin ganacsatadii uu raashinka ka qaatay, taasi uu ku bixin lahaa lacagta uu ka helo cusbada.

” Calaa kulli xaal shaqadii aad bey u cakirantay biyo badan baa sannadkan fadhiya xataa in ay go’ayaan loo malayn maayo ilaa diraacda dambe in ay gaaraanba laga yaabaa.” ayuu yiri

Saddex iyo toban sano ayuu ka shaqaynayay la bxidda cusbada. waligiisna shaqo iyada aan ahayn ma qaban. Waxaa la mid ah boqollaal kale oo xoogsato ah, kuwaas oo la tacaalaya duruufaha soo wajahay oo iskugu jira shaqo la’aanta ku dhacday oo qaar ay u sii dheer tahay in qoysaskoodu ay daadadku barakiciyeen.

Guddoomiyaha iskaashatada cusbada ee deegaanka Bacaadwayne ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in ganacsiga cusbada ee deegaanka uu ku xirnaa dalka Itoobiya oo la gayn jiray iyo meelo kale oo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ah.

Waxa uu sheegay in dhibaatada ay la kulmeen xoogsatada cusbada ay tahay in xitaa sannadka soo socda aysan heli doonin wax cusbo ah oo ay la baxaan sida la qiyaasayo maaddaama biyo ka badan kuwii cusbada isku baddali lahaa ay fadhiyaan gododka cusbada laga qodo iyo dhulka u dhow. Wuxuu guddoomiyuhu intaa ku daray in dadka deegaanka

kala bar ay ku tiirsanaayeen wax-soo-saarka cusbada oo ah isha dhaqaale ee kaliya ee uu deegaanku leeyahay.

Muxyadiin Axmed Diirshe oo ah aabe qoys ka koona shan qof, wuxuu ka shaqaynta cusbada billaabay 3 sanno ka hor, dhaqaalaha uu ka helayay wuxuu kaga dabaashay xaaladdii adkayd ee abaaraha oo uu ku cayroobay, markaas oo Bacaadwayne uu yimid isaga oo ka faro-maran 150 neef oo ari ah oo uu lahaa, balse shaqadan ay u noqotay mid uu nolosha qoyskiisa ku dabbaro.

“860 kiintaal ah ayaan waxaan ka caynshay milix 6 kiintaal ilaa 70 u dhaxeeya oo biyihii oo sidaas u guraya oo ku jabaya aan habeen madow oo mugdi ah ayaan tunka uga daldalay. ,” ayuu yiri

Muxyadiin tan iyo bishii Maarso ayuu diyaarinayay cusbada biyuhu kala tageen, inta u badbaadayna uusan hadda suuq u hayn maaddaama gaadiidka waawayn aysan gali karin deegaanka, biyo badan oo fadhiya darteed.

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here