Ban-geelle: Xoolo-dhaqato hore oo laga caawiyay inay beeraley noqdaan

0
Mid ka mid ah beeralayda oo guranaya dalag u soo baxay/Sawir/Jibriil Cusmaan/Ergo

(ERGO) – Cabdiwali Cigalle Faarax iyo toddobaatan iyo labo qof oo deggan deegaanka Ban-geelle ee gobolka Galgaduud oo ku cayrtoobay abaaraha waxay markii ugu horreysay noqdeen beeralay. Cabdiwali oo beer falashada soo waday muddo toddobo bil ah wuxuu 25-kii bishii Maarso goostay dalaygyadii ugu horreeyay ee saddexda bil ku baxa oo isugu jiray qare digir, yaanyo, barbarooni, basbaaska iyo qaar kale.

Dalagga beertiisa ka soo go’ay ayuu u suuq-geeyay degmooyinka Cabudwaaq iyo Balanballe. Waxa uu Raadiyo Ergo u sheegay Cabdiwali in beerta uu ku tacbaday lacag dhan $1200 oo uu ka bixiyay labo halaad oo uga haray xoolihiisii, iyadoo dhinaca farsamada beer-tabcashada iyo biyo galinta beerta ay ka taageertay hay’adda WFP.

“Marka koobaad waxay i tuseen dhulka sidii loo falayay, marka labaad way ii jeex jeexeen, kabacdi dagalka ariga ama hiishiisa bey ii direenoo waxa ay dheheen ku soo rog, marka boqolkiiba boqol si fiican bey ii caawiyeen, lacag fiican baan ka helay anigu qiyaaso ilaa 1,800 1.700 lacag meelahaas ah ayaa ka soo baxday,” ayuu yiri.

Saddex boqol oo neef oo ari ah iyo 20 geel ah ayuu ku waayay abaar ka jirtay muddo 5 sano deegaanka Ban-geelle ee gobolka Galgaduud. Nolosha qoyskiisa oo ka kooban 8 qof ayay wax badan ka badashay beertan oo miraha ka soo go’a ay raashin ahaan u isticmaalan iyadoo lacagta ay ka helaanna noloshooda kale ay ku maareeyaan.

Cabdiwali oo sanadkii 2017-kii deegaankan soo degay ayaa ii sheegay in cunnada mararka qaar ay ku caawin jireen qoysas ehelkiisa oo Ban-geelle daggan, balse inta badan uu heli jiray raashinka hay’aduhu ay ka qaybinayeen xerada uu ku noolaa. Hadda qoyskiisa waxa uu guri alwaax iyo jiingad ka samaysan uga dhisay dacalka beertiisa.

Waxa uu intaa ku daray in caqabado uu kala kulmay beer tabcashada gaar ahaan dabayaaqadii sannadkii 2019 markaas oo uu ku cusbaa tabacashada tiiyoo ay u dheerayd ayax ku habsaday beertiisa oo dalagyadii bilowga ahaa ka baa’bi’iyay. Haseyeeshee wuxuu iminka ku fekeraya in mar kale uu beerto dalag hor leh, isagoo ka faa`iideysanaya xilligan soo socda.

Gudoomiyaha Ban-geelle Xundul Maxamed Cadde ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in ilaa lix deegaan oo u dhow deegaanka uu madaxda ka yahay ay xooladhaqatadii soo cayrtowday ka sameysteen beero wax badan ka beddelay noloshoodii hore, qudaarta iyo raashinka laga isticmaalo deegaannadaasna ay ka soo go`aan beerahooda.

“Ban-geelle waxa ay kamid tahay meelaha lagu guuleystay oo sidii la rabay ay wax uga baxeen, marka dadkii qaarna waa ka faa’iideystay oo beero waawayn bey samaysteen,” ayuu yiri.

 Wuxuu kaloo sheegay in qoysas badan oo culays dhaqaale qabay hadda ay heleen fursad cusub oo ay kaga dabaashaan, Waa markii labaad ayuu sheegay in beeralayda miro u soo go’aan taasi oo macaash fiican ay ka heleen

Axmed Cabdulqaadir Cabdulle oo ahaa xoolo dhaqato hore oo abaarta ku cayroobay, wuxuu beer 250 ku leeyahay Ban-geelle taasi oo tacabkeeda bilaabay 8 bil ka hor. Qoyskiisa oo markii hore dulsaar ku ahaa qoys ehelkiisa ah ayaa ka maarmay iney dulsaar ku sii ahaadaan maaddaama hadda isticmaalaa wixii ka soo go`a beertooda, wuuuna kaloo ii sheegay iney WFP ay ka caaintay tababarka sida beeraha loo tacbado, iyagoo sidaas si la mid ahna ay ku dhiirrigeliyeen dad qaraabo la ah tacbashada beerta.

“Saaxiibadayna way igu dhiirigaliyeen oo waxay yiraahdeen nacfi badan baa laga helayaa waxa la daba jooga dhan iyagaa ka wanaagsan, wax baa iga suura galay waxa kalana hammigooda ayaan wali haynaa oo rajo fiican ayaan ka qabna in aannu gaarno,” ayuu yiri Axmed.

Dadka abaaraha xoolaha ay tireen qaar badan oo kamid ah ayaa iskudayaya in nolol ka baddalan tan hadda ay ku ku jiraan ay u digarogtaan, iyaga oo qaarkood bartay xirfadaha gacanta, balse qaybo kamid ah gobollada Mudug iyo Galgaduud labadii sano ee la soo dhaafay xoolo dhaqatadii hore waxay ku dadaalayeen tabacabka beeraha.

 

 

 

 

 

 

 

 

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here