Sheekha Raadiyaha: Aragtida Islaamka ee Coronavirus

0

(ERGO) – Sheekh Cabdulxayi Aadan Sheekh Xasan oo caan ka ah Soomaaliya, waxa uu dhowaan Raadiyo Ergo ka billaabay tebinta xubin lagu magacaabo Raadiyaha iyo Sheekha oo uu dhegeysteyaasha talooyin ugu gudbiyo. Mowduucyada uu ka hadlo oo ah kuwa gaar ah waxay la xiriiraan cudurka Koroona iyo sida ay diinta Islaamka fareyso dadka in ay uga taxaddaraan caafimaadkooda.

Xubinta oo shan daqiiqo ah wuxuu Sheekha dadka kula taliyaa inay qaataan talooyinka caafimaadka ee dhaqaatiirta, isagoo nadaafadda gaar ahaan gacmo-dhaqashada, kala fogaanshaha iyo guri-joogista ka tusa dhanka diinta, una sheega in badbaadada nafta iyo tan bulshada ay yihiin waajib diini ah.

Halkan ka dhegeyso xubinta Sheekha Raadiyaha

Dadka qaar ayaa ku dooda in muslimiinta uusan ku dhici doonin Korona, islamarkaana ducadu ay tahay jawaabta cudurka.

“Waa tallaabo fiican oo Raadiyo Ergo uu qaaday si uu dhegeystayaashiisa ula wadaago duruus diini ah oo xaalada lagu jiro ka hadleysa,” ayuu yiri Sheekh Cabdulxayi. Wuxuu intaa ku daray “bulshadana waxaan filayaa in ay ka faa`iideysan doonaan waxna ay ka beddeli doonto hab-dhaqankooda taxaddar-la’aanta ah, Allaahna ay talo-saaran doonaan, taxaddarkoodana ay qabi doonaan.”

Wuxuu uga mahadceliyay Raadiyo Ergo fursadda uu u siiyay inuu bulshada arrimahan kala hadlo oo uu u arko inay xilligan muhiim yihiin. Wuxuu aaminsan yahay in saameyn dhinac walba leh oo aad u sarreysa ay idaacaduhu ku leeyihiin nolosha bulshada Soomaaliyeed oo ay ka helaan xog iyo farriimo wacyigelin ah, waxna ay ka bartaan.

Sheekh Cabsulxayi wuxuu imaamka ka yahay Masjidka Cumar Binu Khadab oo ku yaalla KM5 oo uu sidoo kale ka billaabay wacyigelin guud oo uu uga hadlo halista Koofid 19. Wuxuu xusay in isagu xitaa uu ku dhaqmo talooyinka dhaqaatiirta ee looga hortagayo faafista cudurka Korona, maaddaama uu u arko inay muhiim yihiin. Waxyaabaha uusan markii hore sameyn jirin ee hadda uu billaabay inuu dhaqan-geliyo waxaa ka mid ah kala fogaanshaha iyo guri-joogista.

Sheekh Cabdulxayi wuxuu khudbada uu masaajidka ka akhriyo uga hadlaa arrimaha bulshada ee markaas taagan, sida ku dhiirrigelinta wanaagga, toosinta dhaliilaha, ka digista qabyaaladda iyo sidaasad xumada, ka digista xumaanta, dib-u-heshiisiinta iyo dhallinyarada oo uu ku dhiirrigeliyo guurka.

Dhallinyaradu aad bay u jecel yihiin khudbadaha Sheekha, taas oo uu ku macneeyay inay u sabab tahay in dareenkooda uu ka jawaabo, mowduucyo ay xiiseeyaanna uu kala hadlo, isagoo luqadda dhallinyarada adeegsanaya, tusaalooyin ay ku jiraan maahmaahyo iyo sheekooyin qosol lehna wax ku fahamsiiya.

Wuxuu sidoo kale muuqaaladiisa ku baahiyaa baratiisa Youtube-ka oo ay xiran yihiin in ku dhow 100,000 oo qof oo u badan dhallinyaro.

Sheekh Cabdulxayi oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee caanka ah, wuxuu sidoo kale bare ka yahay kulliyadda shareecada iyo qaanuunka ee jaamacadda Muqdisho.

Waa nin u dhaqdhaqaaqa bulshada. Wuxuu 20-kii Febraayo ee sanadkan ka qeyb qaatay guur-wadareed loo sameeyay dhallinyaro baahiyo gaar ah qaba. Waxay aasaaseen shan qoys oo cusub, kaddib markii ay isu guuriyeen afar wiil oo aragga naafo ka ah iyo afar gabdhood oo wax arka, gabar aragga la’ iyo wiil wax arka.

“Iyaga ayaa is-doortay, annagana waxaan u sameynay guriga iyo kharashka arooska,” ayuu yiri Sheekh Cabdulxayi. Wuxuu intaa ku daray in qoys kasta ay ku baxday $5,000, dhaqaalahaas oo ay ka soo ururiyeen shirkado ganacsi oo gudaha ka shaqeeya.

Wuxuu sheegay inay hadda wadaan qorshe ay isugu guurinayaan lammaaneyaal maqalka naafo ka ah. Waxaa howshan kala qeyb qaadanaya dhallinyaro mutadaciwiin ah oo dhaqaale ururinta iyo abaabulka qeyb ka ah.

Wuxuu xubin ka yahay guddiga dhismaha waddooyinka oo muddo shan sano ah si iskaa-wax-u-qabso ah uga shaqeynaya dhismaha waddooyinka Muqdisho. Guddiga oo ka kooban culimo, ganacsato iyo dadka deegaanka, wuxuu ku guuleystay dayactirka waddooyinka Wadnaha, Soddonka, Howlwadaag, Buulo-xuubey iyo Jeneraal Daa’uud.

“Waa caddeyn in ay bulshadu wax qabsan karto ah haddii la abaabulo,” ayuu yiri, isagoo xusay inay tahay howl uu ku faraxsan yahay. Waxay dhaqaalaha ku baxa dhismaha iyo dayactirka waddooyinka ka soo ururiyaan ganacsatada, iyagoo haddana ku howlan ka shaqeynta waddooyin kale.

Sheekh Cabdulxayi oo ah aabbaha 18 carruur ah, wuxuu sanadkii 1969-kii ku dhashay magaalada Baydhabo, halkaas ayuuna waxbarashada hoose ilaa sare ku soo qaatay. Wuxuu shahaadada heerka koowaad ee sharciga iyo qaanuunka ka qaatay Jaamactul Qur’aanul-Kariim oo ku taalla Sudan, sanadkii 1998.

Heerka labaad wuxuu takhasuska usuul al fiqhi ka qaatay Umdurman Islamic University oo isla Sudan ah sanadkii 2017, halkaas oo uu sidoo kale ka haysto diblooma sare oo waxbarashada ah oo uu qaatay 2003. Waxa uu hadda tan iyo 2018 wadaa diyaarinta PhD oo uu ka sameynayo usuul al fiqhi.

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here