Galkacyo: barashada cillad-bixinta moobayllada oo beddeshay nolosha naafo aan weligood shaqaynin

0

(ERGO) – Cabdi Cabdulle Axmed waa 36 jir  naafo ah, waa aabbaha qoys ka kooban afar qof oo aan weligii shaqaynin, wuxuuna qoyskiisu ku tiirsanaa qaraabo ka kaalmeysa baahidiisa. Hase ahaatee wixii ka dambeeyay 20-kii bisha Febraayo ee sanadkan ayay wax iska beddeshay noloshiisa kaddiba markii uu u istaagay  inuu shaqaysto. Hadda waa farsamo-yaqaan ka shaqeeya cilladbixinta moobayllada goobna ku leh magaalada Gaalkacyo.

“Waa markii ugu horreysay oo aan shaqaysto oo wax qabsado oo lacag aan shaqaysto oo dhididkayga aan isticmaalo, markii hore waxaan ku fakari jiray qof naafo ah in uusan wax qabsan karin” ayuu yiri Cabdi oo la hadlay Raadiyo Ergo.

Wuxuu sheegay in ay u rumowday riyadiisii ahayd inuu mar uun shaqaysan doono, wuxuu raadiyo Ergo u sheegay in dukaanka hadda u furan uu ku kacay maaliyad dhan ilaa $1,500 oo doolar, dakhliga ka soo gala farsamaynta moobaylladana  uu u dhexeeyo $6 – $10 maalintii.

“Maalmihii hore inkastoo dadka mugdi-mugdi iiga jiray ka bacdi waan soo caanbaxay, markii dadkii barteen in aan farsamo yaqaan ahay, badanaa waa la iikeensadaa taleefonnada in meel farsamo ii furantahay dadka magaalada way ka warqabaan”

Cabdi wuxuu uu ka mid ahaa labaatan qof oo qaba baahiyaha gaarka ah kuwaas oo intooda badan la baray xirfadda cillad-bixinta mobayllada iyo xirfado kale oo dhawr ah sida farshaxanka iyo harqaanka. Ururka maxalliga ah ee Gowdo oo ka shaqeeya horumarinta dadka naafada ah kana hawlgala gobolka Mudug ayaa ugu deeqay tababarka xirfaddan dadka baahiyaha gaarka ah qaba, maantana qaar badanoo ka mid ah ay ku shaqaystaan xirfadihii la baray sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Faysal Mursal Xasan oo ah madaxa ururka Gowdo ee gobolka Mudug.

“Cillad-bixinta mobeyllada waxaan ugu talo galnay dadka gacmaha ka shaqayn kara in ay ka faa’iideystaan fursaddaas maadaama ay yihiin dad kursi-baaskiil ku socda qaarna biro ku socda oo luguhu ka go’an yihiin”Ayuu yiri Faysal

Wuxuu intaas ku daray inay tababarrada xirfadahan ka leeyihiin hadaf ah in dadka naafada ahi aysan iska takoorin bulshada inteeda kale, isla markaasna ay suuqa xorta ah kaalin ka helaan. Ilaa boqol iyo afartan qof oo kale oo naafo ah ayuu sheegay in xirfado ay qaban karaan ay bareen afartii sano ee u dambeeyay.

Xirfaddan cillad-bixinta moobilladu waxay sidoo kale wax ka beddeshay nolosha Axmed Maxamed Maxamuud iyo qoyskiisa oo saddex qof ka kooban. Wuxuu furtay dukaan ay u maalgeliyeen dad qaraabo bishii Abriil  kaasoo $5 oo uu ka helo maalintii ay wax wayn ka beddalay nolosha qoyskiisa. Mar uu la hadlayay Raadiyo Ergo wuxuu soo xasuustay wakhtigii adkaa ee qoyskiisu ku tiirsanaayeen eheladiisa, markaas oo xilliyada qaar ay dhici jirtay in carruurtiisu ay gaajo ku seexdaan.

“Hadda hamigaygu wuu ii fiicanyahay oo hawsha waxay iigu socotaa si wanaagsan, aniga  oo markii horeba xiisaynayay in farsamadan moobayl-samaynta aan barto, maadaama aanan xamaali-karin ama meel kale oo la fuulayo, ama orod kale aanan ka qayb gali karin.” Ayuu yiri  Axmed

Muxyadiin Yusuf Samatar oo ah madaxa arrimaha bulshada ee Dawladda hoose ee Gaalkacyo dhinaca Galmudug ayaa wuxuu tilmaamay faa`iidada wayn ee ku jirta in la tababaro dadka baahiyaha gaarka ah qaba taasoo uu sheegay inay yihiin tab cusub oo ay dadka naafada ahi ku soo bandhigi karaan awooddooda shaqo, isla markaan ay bulshada uga mid noqon karaan.

“In dadka qaba baahiyaha gaarka la baro farsamada nolol bey u tahay is-dhexgalna way u tahay in ay ogaadaan in ay shaqaysan karaan bey u tahay” Ayuu Samatar

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here