Dadka Gaalkacyo oo aan u dhego-nugleyn digniinaha halista Korona

0
Dadka Gaalkacyo oo iska-dhego-tiraya talooyinka kala fogaanshaha, kuna kulmaya suuqyada iyo fagaareyaasha kale/Jabriil Cismaan/Ergo

(ERGO) – Dadka ku nool magaalada Gaalkacyo weli uma muuqdaan kuwa ku baraarugsan halista looga digayo ee cudurka Korona. Fagaareyaasha iyo xarumaha la isugu yimaado si caadi ah ayaa loo buuxaa iyadoo ay magaaladu ka mid tahay meelaha wacyigelinta xooggan laga wado, si looga hortago faafista cudurka.

Tan iyo markii ay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ku dhawaaqday in kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Kofid 19 laga helay dalka, waxay dhakhaatiirtu bixinayeen talooyin ku aaddan in ay bulshadu ku dedaasho joojinta isu-imaatinka badan iyo ka taxaddaridda nadaafadda gacmaha.

Axmed Nuur Cismaan oo ah agaasimaha wasaaradda waxbarashada Galmudug ayaa dhaliilay sida aysan ardaydii ay iskuullada ka fasaxeen intooda badan guryaha ugu nagaan oo ay ugu milmeen bulsho aan waciyigalinta dheg jalaq u siin oo dhooban makhaayadaha iyo goobaha ganacsiga.

“Waxaad arkaysaa goobaha ganacsiga ama meelaha kaleba bulshadii oo raxan-raxan u dhooban, iyadoo ay dhakhaatiirta iyo dowladdu wadaan wacyigalin, haddana aad mooddo in aysan bulshadu u dhego-nuglaanayn,” ayuu yiri Axmed Nuur

Wuxuu agaasimuhu sheegay in fasaxa ardayda ay ujeeddadiisu ahayd in la joojiyo kulamada si looga gaashaanto bushiga Kofid19, taasoo xataa saamayn ku yeelatay arday badan oo isku diyaarinayay imtixaannaad; waxaase uu nasiib-darro ku tilmaamay in aysan ardaydii guryahooda ku nagaan oo ay suuqyada wareegayaan.

Ururka dhakhaatiirta Galmudug oo magaalooyin ay Gaalkacyo ku jirto ka wada ka wacyigalinta bulshada xanuunka Korona ayaa sheegay in dhego-nuglaan-la’aanta dadka ay keeni karto halis caafimaad oo daran.

Xoghaya ururka dhakhaatiirta Galmudug Dr. Cabdirisaaq Cali Maxamed ayaa ka digay in musiibo uu keeni karo xanuunkan faafaya haddii bulshadu aysan qaadan wacyigalinta iyo farriimaha digniinaha ah.

Goobaha lagu barto aqoonta diiniga wax saamayn ah kuma yeelan ammarka wasaaradda waxbarashada ee lagu xiray iskuullada, waxayna tani ka dhigan tahay in boqollaal xarumood oo kale ay wali duruustu ka socoto. Sidoo kale masaajidyada iyo meel kasta oo bulshadu ay ku kulanto ayaanu wax isbeddel ah ku imaan tan iyo markii laga digay xanuunkan.

“Wax kasta oo looga fursan karo oo badbaado u ah muslimiinta in lagu dhaqmo ayaa fiican oo culimada ay fatwo ka soo saaraan, maaddaama dhibkaan uu aad u daran yahay, si bulshada dhibaatadan aysan ugu sii siyaadin,” ayuu yiri xoghayahu.

Xoghaya ururka dhakhaatiirta ayaa farriin dardaaran ah u diray waaliddiinta carruurtooda iskuullada laga fasaxay, kuwaas oo sii camiray magaalada inkastoo ujeeddada waxbarashada looga xiray ay ahayd in ay guryahooda joogaan. Sidaas si la mid ah ayuu xoghayuhu u diray farriin dhammaan waalidiinta ardayda inay wacygelinta qaataan oo ay carruurtooda ka reeban suuqyadaha iyo makhaayadaha.

Afartan iyo kow kun oo arday oo wax ka baranaayay 200 oo xarumood oo ku yaalla deegaannada Galmudug ayay suurtagal u noqon wayday inay waxbarashadooda dhameystaan sanadkan 2020. Wasaaradda waxbarashada Galmudug waxay sheegtay in 38,000 oo ah ardayda ka yar da’da 18 jirka oo dhiganayay iskuulladaas ay halis ugu jiraan inay la qabsan waayaan waxbarashada, haddii ay sii socoto xaaladdan cabsida badan ee Koronaha.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here