Gaalkacyo: Dadka qaba baahiyaha gaarka ah oo ka walaacsan saamaynta Korona oo nadaafad ahaan aysan iska ilaalin karin

0
Cali Cabdi Iimaan, Aabbe naafo ah oo ka tuugsada Gaalkacyo/Jabriil Cismaan/Ergo

(ERG) – Dadka qaba baahiyaha gaarka ee ku nool magaalada Gaalkacyo ayaa ka walaacsan sida ay ugu nugul yihiin saamaynta xanuunka  Covid 19. Waxay u badan yihiin danyar aan heli karin waxyaabaha lagaga gaashaanto halista Koroonaha sida gacma-gashiga iyo af-xirka maaddaama ay yihiin dad aan dhulka ka kici karin oo gurguuranaya.

Dadkaasi waxaa ka mid ah Cali Cabdi Iimaan, oo ah lixdan jir naafo ah oo gurguurta, waxaana addimada tiray xanuun ku dhacay yaraantiisii. Waa aabbe toddobo carruur ah leh oo nolol-maalmeedkooda uu ku tiirsan yahay wuxuu soo tuugsado, sidaas darteedna ayan u suurtagalayn inuu guriga ku negaado.

Cali wuxuu ku nool yahay Gaalkacyo muddo 20 sano ah, isagoo ka soo barakacay Muqudisho sanadkii 2000 markii sida uu sheegay uu halkaas ka qarxay dagaal.

Cabsida hadda uu qabo ayaa ah inay ku adag tahay inuu jirkiisa ka ilaaliyo nadaafad-darrida taasoo u horseedi karta cudurka khatarta ah ee Covid 19. Gacmaha iyo qaarka dambe ee jirkiisa ayuu Cali u adeegsadaa gurguuradka oo ugu jira beddelkii socodka. Meelaha ugu badan ee uu ka dawarsado waa suuqa oo nadaafad ahaan aad u liita. Wuu ku baraarugsan yahay in taabashada dadka ay ka mid tahay sababaha isqaadsiinta cudurka Karoona, haddana sidaas oo ay tahay duruufta ayaan u saamaxeyn inuu iska ilaaliyo. Wuxuu sheegay in xataa lacagta shilinka Soomaaliga ah ee ay dadku siiyaan uu mararka qaar aad uga walwalo.

“Waxa Ilaah baa ilaalin kara wax muuqdoo la arki karo maaha, wax soo socda oo lugihiisa kuugu imaanaya ma aha,” ayuu yiri Cali.

Dadka ganacsiyada leh iyo kuwa maraya waddooyinka magaalada lacagta ay ku caawiyaan maalintii oo dhan ayuu sheegay in aysan ka badnayn lacag u dhiganta $1 ilaa $2, taasoo aan ku filnayn masaariifta hal maalin ee carruurtiisa, xaaladdaasna ay ku soo jireen sanado badan.

Dr. Cabdikariin Abshir Ciise oo ah agaasimaha caafimaadka degmada Gaalkacyo ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa sheegay inay ka warqabaan dadka qaba baahiyaha gaarka iyo cabsida guud ee laga qabo xanuunka Koroonaha, balse awoodda wasaaradda oo kooban darteed ay keentay inay ku ekaadaan oo keliya wacyigelinta.

“Lacalla qof cudurkii qaba inuu lacagta taabto oo qof kale uu misna u sii dhiibo way fududdahay in cudurkii faafo, wax kastoo cudurkaas aan uga badbaadi karno waa in aan samaynaa,” ayuu yiri Agaasimaha, isagoo ula jeeda dadka dawarsada iney si weyn uga taxaddaraan lacagta caddaanka ah ee la siiyo, maxaa yeelay waxay keeni kartaa inuu dadku si fudud isugu gudbiyo jeermiska.

Agaasimuhu wuxuu kula talinayaa in dadka nadaafada ah ay iska joogaan guryahooda ama ay adeegsadaan agabka gacma-gashiga, si ay isaga difaacaan jeermiska soo gaari kara gacmahooda gaar ahaan dadka gacmaha cuskada marka ay gurguuranayaan, sidoo kalena ay ku dadaalaan inay faraxashaan.  Waxaase jira dad aan awoodin in ay helaan ama ay iibsadaan qalabka gacmaha la gashto iyo af-xirka sida kuwa qaba baahiyaha gaarka ah ee danyarta ah ee uu ka mid yahay Cali Cabdi.

Cabdirisaaq Axmed Guutaale oo 24 jir ah, kana mid ah dadka qaba baahiyaha gaarka ah ayaa isagana noo sheegay in cabsida uu ka qabo xanuunka Koroonaha ay ku khasabtay inuu iskaga haro iskuul uu ka baranayay xirfadda moobayl-samaynta, maaddaada xisaabta iyo English-ka  maaddaama xarumahaas waxbarashadooda ay caadi  wali u wataan isaguna aaanu aadi karin.

“Aniga nin lugo-la’ baan ahay waan gurguurtaa waxaan ku socdana mahaysto, way muuqataa waddanka wax kastaa jooga, candhuufaa lagu tufayaa cudurrada waa la is qabadsiinayaa dhulku dhibaatuu leeyahay, qofku haddii uusan soconna dhibaatadeeda bay leedahay, in aad gurigaaga iska joogto oo horumarkii dhamaa aad iska dayso dantaa raalli kaa dhigaysa,” ayuu yiri Guutaale.

Wuxuu xataa joojiyay saddex maalmood uu toddobaadkii ka shaqayn jiray goob lagu farsameeyo moobayllada maaddaama uu xumaaday socodkii, isaguna uu yahay nin naafo ah oo aanan heli karin waxa u sahli kara inuu aado.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here