Dabeyl shaqo-la’aan dhigtay kalluumeysatada Mudug

0
Keydka sawirrada/Ergo

(ERGO) – Shan boqol oo qof kalluumaysato ah oo ka jilaabanayay xeebaha koonfureed ee gobolka Mudug ayaa ku qalab beelay dabaylo xooggan oo halkaas ku dhuftay dabayaaqadii bishii hore. Arrintan waxa ay shaqo-la’aan dhigtay kalluumaysataas oo nolol maalmeedka u soo saaran jiray qoysaskooda danyarta ah, sida uu Radio Ergo u sheegay agaasimaha waaxda wax-soo-saarka ee wasaaradda kalluumaysiga Galmudug, Cabdirisaaq Maxamuud Axmed.

Agaasimaha ayaa sheegay in kalluumaysatada qalab-beelay iyo kuwo ay u badbaadeen ay xilligan ka wada siman yihiin shaqo-la’aanta, maaddaama dabaylo kale ay ka cabsi qabaan, baddana laga dareemayo kacsanaan.

Wuxuu xusay in duufaanta ay saameysay degmada Hobyo iyo deegaan-xeebeedyada hoostaga sida Labad, Gal-hagoog, Qalad Galbuur iyo qaar kale

“Tani waxa ay ahayd duufaan xoog badan oo mowjadihii biyaha ilaa saddex mitir gaarsiisay oo kor ay u kacday, baddiina ay soo dhaaftay xadkeedii oo ilaa 100 mitir ay bannaanka u soo baxday. Ma ahayn mid la filayay oo dabeylihii la sugayay ka mid ma ahayn,” ayuu yiri.

Waxaa baaba’ay qalabkii badda la dhigayay sida shamaagaha, waxaa kaloo jajabay matoorro, waana qalabka ugu badan ee lagu shaqaynayay. Agaasimaha ayaa intaas ku daray inkastoo aan digniin laga sii bixin duufaanta, haddana in aysan jirin cid wax ku noqotay dabeylahaas oo deegaannada ugu badan ka dhacay xilli habeen ah oo kalluumaysatada qalabkooda uu yaallay xeebta.

Farxaan Xirsi Cawaale oo ah aabbaha qoys 5 qof ah ayaa ka mid ah kalluumaysatada ay sameeyeen dabeyluhu. Deegaan xeebeedka Labad oo 30 km u jira Hobyo ayuu ku nool yahay. Waxa uu sheegay in ay baddu ka laqday xilli habeen ah doon-yar iyo 36 shamaagood oo ay ku jillaabanayeen isaga iyo 4 nin oo la shaqaynaysay.

Farxaan iyo saaxiibaddiisa kale ee shaqada waxa ay qalabka ku diyaariyeen galinkii hore ee habeenkaas xeebta si subaxdii ay ugu shaqo tagaan.

“Habeenkii markii ay tahay ayay duufaantu ku kacday badda, markii subaxdii aan damacnay in aan aadno waan aadi waynay dabeylaha ayaa kacsanaa. Aqalladii, xaafadihii iyo carruurtii ayaa xoog looga reebay,” ayuu yiri Farxaan oo in ka badan 11 maalin shaqo-la’aan ah.

Si joogta ah ayuu badda u gali jiray maalin walba si uu ula soo baxo nolol-maalmeedka qoyskiisa. Waxa uu intaa ku daray in maalintii waxa uu soo jillaabto ee gudaha tuulada looga iibsado uu ka heli jiray inta badan lacag dhan $3, balse ay jireen kalluun, libaax-badeed, aargoosato iyo khayraad kale oo ganacsatada geeya Gaalkacyo ay si toddobaadle ah uga iibsan jireen. Wuxuu isbuucii heli jiray $15 ama wax kabadan, haddase taasi meesha way ka baxday tan iyo markii ay dabeyshu dhacday.

Kalluumaysatada ay qalab-la’aantu ku dhacday ma aha kuwo awooda in ay qalab kale iibsadaan duruufaha dhaqaale ee ku gadaaman dartood, sida uu xusay Farhaan oo aan hayn qorshe kale oo uu ku helo il-dhaqaale, maaddaama xirfadda kaliya ee uu leeyahay ay tahay sida badda looga jillaabto.

Agaasimaha waaxda wax soo-saarka wasaaradda kaluumaysiga iyo khayraadka badda Galmudug ayaa sheegay in dhibaatada dabeyluhu badeen kalluumaystada ay gaarsiiyeen wasaaradda kaluumaysiga ee dowladda federaalka ah iyo hay’adaha arrimaha kalluumeysiga ka shaqeeya, balse aysan weli helin wax jawaab celin ah.

“Ilaa 1,500 oo kalluumeysatada Galmudug ah ayaa halkaa ka howlgalayay marka 40% way saamaysay caddayntana waa la arki karaa haddii xeebaha la tago raadkii ayaa meesha yaalla,” ayuu yiri Agaasimuhu

Abshir Warsame Maxamed oo ku nool Hobyo ayaa ka mid ah kalluumeysatada ay dabeyshu shaqo-la’aanta ku ridday. Waa aabaha qoys 8 qof ah waxa uu sheegay in markii sii horaba uusan lahayn doon balse uu ku jillaaban jiray shamaago isaga oo raaci jiray doon uu lahaa nin shaqo-wadaag ay ahaayeen, taasi oo badda lagu waayay.

Lix shamaagood oo uu isagu lahaa iyo agabkii kale ee saaxiibkii ayay doontu la tagtay. Abshir ayaa ka warramaya sida agabkii badda uu uga jillaabanayay uu ku waayay.

Qoyskiisa ayuu sheegay in markan ay ku tiirsan yihiin raashin uu daynto iyo qaar ehelkiisa ku dhaama dhanka dhaqaalaha ee deggen hobyo ay ku caawiyaan. Lacag keyd ah oo meel u taallay ma jirin maaddaama dhaqaalaha uu ka helo jillaabashada badda aysan soo dhaafi jirin raashinka qoyska.

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here