(ERGO) – Xabiibo Guure waxay ka mid tahay saddex boqol iyo toddobaatan iyo saddex qoys oo ku nool deegaanka Ona iyo baaddiyaha u dhow oo hoostaga degmada Doolow gobolka Gedo oo helay ceel ku shaqeeya tamarta cadceedda laga dhaliyo oo ay sameysay hay’adda Napad.
Dadkan oo iskugu jira xoolo-dhaqato iyo beeralay waxay horay u isticmaali jiray ceel ku shaqeeya matoor uu shadaal uga bixi jiray oo bamkii ka gubtay sagaal bil ka hor sida uu Raadiyo Ergo u sheegay guddoomiyaha Ona Ibraahim Hilowle Xuseen.
Xabiibo iyo qoysaska kale ayaa biyaha gaari dameer uga soo dhaansan jiray tuulo u jirta 2 km iyadoo fuustadii laga siin jiray nus doolar.
Haweenaydan oo iyadu biyaha u soo dhaamin jirtay qoyskeeda ayaa ka hadlaysa faa’iidada ay ku qabaan ceelkan deegaankooda uu helay kaddib bilo ay biyo yari haysay.
“Biyaha faa’ido weyn baa noogu jirto markii hore shidaal ayay ahayd shidaalkan anaga ayaa gadaneynay marka hadda waa soolar soolarkana faa’ido weyn baan ku qabnaa in kastoo weli aan xaafadaha naloo geyn lacagtiina aad bay noogu yaraatay, bishii lix doolar baa naga bixi jirtay markii hore oomane ayay noqon jirtay shidaalka ayaa go’i jiray marka soolarka faa’ido weyn ayaan ku qabnaa.”
Xabiibo oo ah hooyada afar carruur, waa xoolo-dhaqato haysta 30 neef oo ari ah. Waxay sheegtay in intii uu deegaanku ceel la’aanta ahaa ay ariga geyn jirtay webiga oo ay ku hareeraysan yihiin beero ay leeyihiin qoysas kale.
Waxay xustay in saddex mar ay isku dhaceen iyada iyo dadka beeraha leh markii arigu uu daaqay beero ay dalagyo ku yaalleen goor ay webiga u geeyeen inay ka soo waraabiyaan.
Xabiibo ayaa intaas ku dartay in hadda ay xoolaheeda ku waraabsato biyaha ay ka soo dhaansato ceelka oo gurigeeda u jira dhowr iyo toban mitir islamarkaana ay ka raysatay dhibkii ay ku qabeen biyo la’aanta deegaankeeda. Waxay bishii oo dhan bixiyaan iyada iyo dadka kale ee Ona deggan lacag labo doolar ah.
Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah shaqaalaha hay’adda sameysay ceel ee Napad loo soo gaabiyo oo ka shaqeysa kaalmada nabadda iyo horumarinta ayaa sheegay in ka hor inta aysan howsha billaabin ay tageen deegaanka taas oo ay ku ogaadeen baahida biyo ee ay dadku qabeen.
“Baahida Ona waxaa laga soo gudbiyay wash cluster marka waxaa la yiri cid kasto oo wax ka qaban karto baahi biyood oo degdeg ayaa ka jirto, waxaan go’aansanay inaan tagno oo assisment ku samayno waxa la sheegayo inay jiraan iyo inaysan jirin aan soo xaqiijinno.’’
Ceel biyoodkan tamarta cadceedda ku shaqeynaya waxaa ku baxday lacag dhan 29,354 doolarka Mareykanka ah sida uu sheegay Maxamed. Wuxuu ka hadlayaa sida dadka deegaanka ay uga qeyb qaateen helista ceelkan waxayna dadka ceel biyoodkan iyo siday u ilaalin doonaan jiritaankiisa.
“Dadku waxay ugu qeyb qaateen in soolarka la siiyo baahidii iyaga oo ka jabaabayo waxay bixiyeen booskii ceelkana laga qodi lahaa solarkana laga dhisi lahaa. Qodobka labaad waxay ogoladeen in nin kasto oo beertiisa ay ku aaddo inuu u ogolaado wax in commission uusan ku xirin si bulshada biyo u helaan. Dhammaan dadka deegaanka way ka ilaashan doonaan biyaha sida tuugada iyo dadka xoola jirka oo kale inay iyagoo oomaan dhulka faagfaagaan markaas masaar iskaga dhufanayaan wey cabayaan biyihii oo daadanaya ayay iskaga tagayaan si waxaas oo dhan u dhicin waxay dhaheen ceelka laga bilaabo ilaa tiyoodka tuulada bulshada ayaa ilaalinaayo maalinkii iyo habeenkii .”
Guddoomiyaha deegaanka Ona Ibraahim Hilowle Xuseen ayaa sheegay in lacagta laga qaado dadka deegaanka iyo tuulooyinka hoostaga oo aan badnayn loogu talagalay in lagu hagaajiyo tubbooyinka ceelka iyo farsamooyinka kale ee loo baahdo si aysan deegaanka mar kale ceel la’aan ugu dhicin.
Wuxuu intaa ku daray in deegaanku uu markii hore lahaa labo ceel oo marka labaduba ay hallaabeen markii ay duugmeen. Wuxuu Raadiyo Ergo u sharaxayaa dhibaatada dadku ay ku qabeen in deegaan kale ay biyo u doontaan.
“Waad dareemi kartaa markaa ay tuulada biyaha lahayn ay tuulo kale aaddo ama goobo kale aado. dhibka jiray wuxuu ah masaafo dheer oo la geli jiray, marka xigtana waxa inay noqdaan qofkii ama dhaanka ka xeeyay ama gaari dameerki inay adi mar walbo dhibaatada ugu weyn e taagan waxay ahayd biyo yari dhanka biyaha inay biyaha ciriiri galaan lagu xisaabtamo inay masaafo tahay lagu xisaabtamo dameerka ama gaari dameerka kareetada saaran uu Soo rafaado qofka uu Soo daalo biyaha kafil kafil ay noqdaan tuuladii biyaha may joogaan.”