Ganacsiga cusbada Xinlabi oo billowday kaddib shan sano oo roob-yaridu saameysay

0
Labo qof oo cusbo qodaysa/Sawir/Jibriil Cismaan/Ergo

Radio Ergo- Xoogsatada cusbada deegaanka Xinlabi ee gobolka Mudug oo Hobyo u jira 100 km ayaa dib u billaabay ka ganacsiga wax soo saarka cusbada ka baxda deegaankaas, kaddib shan sano oo ay roob yaridu sababtay in ay bixi wayso. 

Cusbada oo si dabiici ah uga baxda halkaas ayaa laga qodaa lix harood oo waawayn oo ku yaalla duleedka deegaanka, kuwaas marka biyaha roobku buuxiyaan la sugo muddo saddex bilood ah inta iskood iskugu beddelayaan cusbo. 

Cismaan Xasan Siyaad oo ka mid ah dadka cusbada qota, waxaa qoyskiisu wajaheen nolol adag markii cusbada la waayay. Laba sanno ku dhowaad ayuu ka maqnaa deegaankiisa markii u qoyskiisa ula barakacay magaaalada Cadaado. Waxay dageen xero barakaca markii uu waayay wax uu ku quudiyo. Labo bil ka hor ayuu dib ugu soo laabatay deegaanka markii uu ka war helay in cusbadu ay soo baxday. 

Muddo bil ah oo uu hadda shaqeynayo ayuu la soo baxay 150 kiish oo cusbo ah waxaana ka iibsada ganacsato u rara gobollada Soomaaliya iyo Itoobiya. wuxuu ka warramay sida hadda ay noloshiisu isku beddeshay. 

“Maaddaama aan xooggayga ku xamaalan jiray oo cusbada aan ka shaqaysan jirin. intaas oo abaar ah ayaa na saamaysay, Awalna ma lahayn hanti meel iitaalay oo geel iyo arina lahayn. Aniga iskadaaye ummaddii geela iyo ariga lahaa ayaa barakacay, Waxaan labaxay markii aan soo laabtay cusbo ku ramoor dhan (Gaari)  Xooga waan roonaday xamaalkaygan ka shaqayna ilmahayga caanaha ugadanaya, inkasto wali aanan ka kaban dhibaatadii hore, Gaariga ayaa naga gadanaya bal-matalana nin annaga nala jooga waxa uu naleeyahay intaas iga gacan gadeyso meshii aan $2 doller kasiin lahayn  waxaan ka siinayna $1 lacagta ayuu noo shuba halka aan joogno ayuu nooga gata,” ayuu yiri Cismaan.

Cismaan oo ah aabaha qoys sagaal qof ah, waxa uu  sheegay in maalintii uu la baxo wax ka badan shan jawaan oo cusbo ah halkii jawaanna uu ku gato $1. wuxuu aad ugu faraxsan yahay in shaqadiisii uu dib u helay taasi oo aan ka sugayn tacab, balse ku xiran xoog iyo waqti badan in la galiyo la soo bixiddeeda. 

Xoogsatada cusbada qaar kamid ah ayaa horaantii bishii hore ka helay ganacsato ku nool dagmada Cadaado qalab laga iskaga difaaco wax yeelada cusbada sida kabo nuuca waawayn ah, gacma gashi iyo sidoo kale badeello iyo gaari-gacanno. 

Cismaan oo kamid ahaa dadka helay agabkan ayaa sharaxaya faa’iidada ay u leeyihiin iyo dhibkii ay horay u qabeen. 

“Cusbadu dhibaatooyin ayay leedahay tusaalle marka aad galaysid cagahaa ku xanuunaya bal balmatalan waa sida laami kulul ma ku istaagikarta waa kasii darantahay cagaha way ku jeexmayaan cidiyuhu way ku baxayaan haddii aadan haysan qalab, Waxaa ka daran ma dhex mari kartid cusbada haddii aad gaca-banaantahay waayo way ku mudaysa laakiin iyaga waan la dhexmarnaa. Golofisyada waxaan gashannaa gacmaha dharka qabowga iyo qoraxdaan ka gashannaa wax badan bay naga anfaceen,” ayuu yiri Cismaan.

Sida Qoyska Cismaan dadka deegaanka Xinlabi waxay intooda badan ku tiirsan yihiin cusbada qodashada. Si joogta ah waxaa maalin walba deegaankaas u taga gaadiidka ay wataan ganacstada iibsada. Inkabadan 6 gaari ayaa maalin halkaas ka qaada cusbada oo ay geeyaan gobolo kala duwan. 

Xasan Cali Axmed oo kamid ah odayaasha deegaanka islamarkaana ah xubin ka tirsan guddiga arrimaha bulshada deegaankaas ayaa Raadiyo Ergo u sheegay shaqada kaliya ee deegaanka ka jirta ay tahay la bixidda cusbada taasi oo nolol maalmeedka xiligaan ay ka soo saartaan xoogsato lagu qiyaasay 625 oo qof. 

Roobkii dayrta oo deegaanku uu si fiican u helay ayuu sheegay in rajo wanaagsan uu abuuray, maaddaama xoogsatadu ay dib u heleen cusbada wax soo saarka u lahayd. 

“Horta markan dadka wax soo saarkoodii ganacsigoodii iyo cusbadii oo ugadmaysa iyo iyadii oo goobta ka soobaxaysa si wanaagsan bey ugu socotaa, Marka qofka marka wax u soo baxaan waxna uu gato farihiisa waxa ku jira ayaad ka arki karta in uu wanaagsan yahay, Maalintii waxaa laga yaaba shan ilaa lix baabuur in ay timaado kuwaasi cusbada qaada, Waxaa jira dad aan badnayn oo xoolalay ah oo deegaanka dagan balse inta badan dadka waxa ay ku tiirsan yihiin cusbada, Dad wax allaale iyo wixii ay ka helaan meeshaas lacag ayaa ka soogasha. Lacagtaasna baahidiisa ayuu u isticmaala, Baabuurta meeshaas ka baxaysa iyo nolosha dadkan ay helayaan aad bey u wanaagsan tahay,” ayuu yiri Xasan.

In ka badan afar sano ayuu xusay in xaalad adag oo dhinaca nolosha ah ay ku jireen dad deegaanka kaddib abaaro muddadaas soo jiitamayay. Xoogsatada qaar ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in kayd cusbo oo badan ay meel u taalay xiligii abaartu ay billowga ahayd oo ku beegnayd sanadkii 2016-kii, balse wax aan sanad ka badnayn ay isku sii dabarayeen 

Dadkaas waxaa kamid ah Mustaf Maxamed Aadan oo ah aabbaha qoys 6 qof ah. Bartamihii sanadkii 2017 ayuu sheegay in ay ka dhaammatay kaydkiisii oo dhamaa lix boqol oo kiis oo cusbo ah taasi oo hadba qaar iibinayay maaddama roob dambe uusan ka di’in deegaanka. 

Halkii kiish ee milxda ah ayuu xusay in qiimihiisu uu gaaray $4, waxaana lacagtii uu ka helay si beeqaamin leh uu ugu soo dabarayay nolosha qoyskiisa inkasta markii dambe cunno la’aan ay la soo daristay. Wixii markaa ka dambeyyay ayuu tilmaamay in raashin dayn ah uu qaadan jiray 

Mustaf oo aad ugu faraxsan in mar kale uu dib u bilaabo shaqadiisa la bixidda cusbada ayaa ii waramay xili uu kasoo rawaxayay shaqadiisa. 

“Muddo toban sano ah ayaan la baxayay, Marka ay jiidaalka tahay illeen biyay ku baxaysaaye kii hore ayaan gadanaynay oo dibadda loo bixiyay, Markaas way qaaliyoobaysa illeen cusbo kale oo meesha laga soo bixiyo ma taallee, Tii hore ayaa la nadiifinaya oo la gadanaya, Hadda fasalkaan ayaan helnay cusbada wixii ka danbeeyay bash bash iyo barwaaqo ayaan ku jirna iyo baddii uu noo bislaatay oo nimcada ilaaheey noogu bis laatay, Xiligaan kula hadlayo iyada ayaan ka soo dhaqaaqay oo baabuurka ayaan saaranahay,” ayuu yiri Mustaf .

Waxa uu qorshaynaya inuu iska gudo lacag ka badan $500 oo raashin dayn ah uu ku qaatay xilligii abaarta inta sanadkan lagu jiro, Mustaf waxa uu sheegay in ganacsigiisa cusbada uu ku xiran yahay dalka itoobiya oo ganacsto cusbada dalkaas geeya ay ka iibsadaan 

Galinka hore iyo kan dambe ee maalintii ayuu u shaqo tagaa harada wayn ee lagu magacaabo badda oo qiyaastii 3 km u jirta deegaanka Xinlabi. Maalintii ayuu xusay in 10 kiish ama wax ka badan oo cusba ah uu la baxo 

Waxa uu naawilaya in dhibaatadii abaarta ee shaqo la’aanta ku sababtay in aysan dib u haleelin isaga iyo xoogsatada kale ee cusbada la baxa oo aan shaqo kale ku tiirsanayn. 

“Qofba gaarkiisuu u shaqaysta qofkata nuucii uu u shaqaysankaro ayuu u shaqaysan illeen dadku isku xoog maahane, Qofba intii uu la bixi karo ayuu la baxaya oo awoodiisa ah, Qlab badan ayaa lagu gala sida Badeelka Gambaluuska Kabaha Okiyaalaha, Marka ay bislaato waa la galaya halkii mar 200 oo qof ayaa galaysa, markii banaanka la keeno baabuurta yaryar ayaa la soo heshiine isaga ayaad ku qaadanaysa oo banaanka kuu gaynaya, markaa banaanka gayso ayaa la gaagadanaya, Cusbadaas ayaan ku noolnahay xoolo kale malihin iyada noo nacfi ah,” ayuu yiri Mustaf.

Kun iyo sagaal boqol oo qoys ayaa ku nool deegaanka Xinlabi iyo miyiga hoostaga. Sida uu ii sheegay Xasan Cali Axmed, maaddaama la bixidda cusbada ay tahay shaqada kaliya ee deegaanka ka jirta xiligaan oo kale marka cusbu soo baxdo waxaa kordha tirada xooggasata oo iskaga kala yimaada tuulooyinka hoostaga xinlabi. 

Gaadiidka cusbada lagu daabulo ee xinlabi yimaada waxaa wata ganacsato ma caamiil la ah dadka cusbada la baxa, Halki gaari ayaa halkaas ka qaada in kabadan 200 oo kiish halkii mar. Waxaana fursad ay u helaan xoogsatada in cusbada ay la baxaan beec fiican ay ku helaan. 

Cismaan Xasan oo xoogsada kamid ah ayaa ii sheegay in cusbada marka uu la soo baxo in uu hal meel iskugu geeyo. dabadeedna marka macaamiisha ka iibsata ay yimaadan jawaanno iyagu ay wataan ku shubtaan. 

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here