Somaliland: Dhibbaneyaasha kufsiga oo laga caawiyo in ay cadaalad helaan

0
Gabar yar oo dhibbane kufsi ah oo caddaalad raadineysa /Petterik Wiggers/Hay'adda Horizon

(ERGO) – Maxkamadaha Somaliland ayaa lixdii bilood ee lasoo dhaafay xukumay 16 kiis oo kufsi la xiriira iyadoo hadda ay socdaan lix kiis oo kale, Ururro ka shaqeeya Somaliland ayaa arrintan ka shaqeynayay lixdii bilood ee la soo dhaafay waxaana taasi ay sahashay in la xukumo dadkii tacaddiyada gaystay ee maxkamadaha la horgeeyay.

Dadka caddaaladda helay waxaa ka mid ah Asma Xasan (maaha magaceeda sax da ah) bishii lixaad ee sanadkan ayaa nin macalin ahi ku kufsaday Malmaacad/Dugsi quraan ku yaala xaafada Shiikh Nuur ee magaalada Hargeysa. waxay fursad u heshay in ay maxkamad la tiigsato ninkii u geystay kufsiga.

Gabadhan oo aan qoyskoodu awoodin kharashka ku baxaya muddada dacwaddu socoto, inta dhakhtarku cadeynayo in la kufsaday, baadhista kiiska iyo lacagta gaadiid raaca ayaa waxaa ka caawiyay in ay maxkamada gobolka Maroodijeex dacwadeeda ka furato ururka maxaliga ee Horizon ee ka shaqeeya helidda sharciga ee dadka danyarta ah, carruurta iyo haweenka.

Sida ay ii sheegtay Ubax oo ah hooyada gabadhan oo18 jir ah, dumarka la jaar ah oo ay u sheegtay dhibaatada ku dhacday gabadheeda ayaa ka caawiyay in ku xidhaan urur maxaliya oo ka shaqeeya horumarinta dumarka kasoo jeeda qoysaska danyarta ah iyo beelaha la sheego in laga tira badan yahay ee ku nool Somaliland. oo magaciisa loosoo gaabiyo Vozombo kuwaasoo iyaguna ku xiray koox qareeno ah oo kiiska gabadha geeyay xarunta dambi baarista ee magaalada Hargeysa.

“Waan ku guursanayaa intuu ku yidhi markii hore ayuu sida uu doono ka yeelay, waan dacweyn kari waayay markii hore, inantiina way igu xanuunsatay oo waan iskala silcayay markii hore, laakiin hadda way ladantahay, fikirkii iyo buuqii xaafada ayay ku xanuunsatay haddase dawooyin ayaa qolo saddex bilood siisay oo way nabad qabtaa.” ayay tiri.

Ninka kufsaday Asma ayaa lagu xukumay shan sano ah oo xarig ah dhamaadkii bishii August ee sanadkan. Ubax ayaa Radio Ergo u sheegay in ay ku faraxsantahay ciqaabta la mariyay ninka dhibaatada u geystay gabadheeda.

Laba iyo labaatan kiis oo kufsi ah ayaa machadka Horizon lixdii bilood ee u dambeeyay ka caawiyay dadkii dhibanayaasha ahaa inay ka doodaan maxkamado ku yaala Hargeysa, Wajaale, Berbera iyo Daarasalaam. dadkaasi waxaa la xukumay oo kiisaskoodu dhamaadeen lix iyo toban kiis. Hadda waxaa maxkamadahan ka socda lix kiis oo ku socda dadkii geystay tacadiyada Kufsiga ah.

Siman Axmed Cali madaxa u qaabilsan ha’yadda Horizon caawinta carruurta iyo dumarka ayaa Radio Ergo u sheegtay in lix iyo toban kiis oo kufsiga soo gaadhay xaruntoodu ay yihiin caruur da’doodu ka yartahay shan iyo toban sano jir. Dhamaan dadkaasi ayay sheegtay Siman in maxkamadu xukuno u dhaxeeya saddex sano ilaa toban sano ay ku xukumeen.

Siman Axmed oo sharaxaysa waxyaabaha ay ka caawiyaan haweenka iyo caruurta loo geystay kiisaska kufsiga marka ay ku dhacaan bilowga ilaa inta uu ka dhamaanayo kiisku ayaa sheegtay in kharashaadka maxkamada ay ka caawiyaan qofka dhibanaha ah.

“Maalinta ugu horeysa markaanu la kulano qofkii tacadiga loo geystay dhakhtar ayaa geynaa 72 saacadood ee ugu horeeya inta aanay lumin cadeymaha, dhakhtarka markaanu geyno ee la sheego in la kufsaday toos ayaan ugu dirnaa CID, iyada ayaa baadhista sameysa laakiin kiiska waan la soconaa, baadhistu inta ay socoto dadka dhibta geystay waxaanu ka caawinaaa in lasoo qabto qofkii kufsiga geystay, gaadiidka ayaanu ka bixinaa shidaalka, qofka dhibta loo geystayna inta dacwadu socoto ayaanu siinaa kharash kasta oo uu kusoo gaadhi karo maxkamadaha.” ayay tiri.

Horizon waxaa ka caawiya ogaanshaha kiisaska tacadiyada ah ee loo geysto caruurta iyo haweenka guddiyo iyo urur maxaliya oo ka shaqeeya xaafadaha dadka danyarta ahi ku nool yihiin iyo xeryaha dadka barakacay. Sida ay Radio Ergo u sheegtay Siman dadka waxaa ay ugu tagaan guryahooda iyagoo kula taliya in ay maxkamadaha ka furtaan dacwado ay xaqooda ku raadsadaan.

“Xogta ugu horeysa haddii ay soo gaadho ma baaqan karo kiiska kufsiga oo qaranka ayaa dhibane ah, dadku waa inay sharciga raadsadaan oo aanay qarsan wixii ku dhacay, haddii ay wax ku dhacaan hablaha waa inay dhakhtarada tagaan si aanay cadeymaha u lumin”
Shabac Cabdi Maxamed oo madaxa kormeerka ee ururka Vozomo (Voice of Somaliland monitory Group) oo ka shaqeeya horumarinta dadka laga tirada badan yahay waxaa uu Radio Ergo u sheegay in tan iyo bishii lixaad ee sanadkii hore ay kala shaqeynayeen Horizon inay u gudbiyaan kiisaska kufsiga ee ay la kulmaan. Ururkan ayaa xarumo ku leh xaafadda danyarta ee magaalada Hargeysa kuwaasi oo diwaangaliya dhibaatooyinka xeryaha ka jira.

Shabac waxaa uu xusay in hadda haweenka ay kula taliyaan in xaqooda ay raadsadaan haddii ay la kulmaan kufsi.

“Kiisaska aan u gudbinay waxaa ka mida dhacdo xanuun badan oo gabadh yar oo 13 jir ah oo uu kufsaday nin hooyadeed qabay, gabadhaas isku furan ayaa ku dhacay may kici kareyn, waxaa ay tagi kari wayday dugsigii, jaarkii uma soo bixi kareyn iyadoo dhibaatadaas ku jirta ayaa u gudbinay, ninkii waa baxsaday gabadhiina ma jecleyn in kiiskani gaadho maxkamadaha, walaahi dhacdooyinkaasi xanuunka leh ayaan u gudbinaa.” ayuu yiri.

Kiisaska ay ogaadaan ururadu ayaa lagu xaliyaa maxkamadaha mana jiraan kuwo lagu xaliyo hadda xeer dhaqameed waxaana ururadu kula dagaalamaan xeer ilaaliyayaasha oo ay wargeliyaan si aan kiisaska lagu xalin xeer Soomaali oo ah in mag dhow la kala qaato.

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here