Site icon Radio Ergo – Somali Humanitarian News and Information

Sanaag: Meherad qofka sheekeeya uu dadka oo dhan Shaaha u shubo

Odayaal shaah ka cabaya Makhaayada Fadhisamo ee Xiingalool /Maxamed Saalax/ Ergo

Magaalada Xiingalool ee gobolka Sanaag waxaa ku taala meherad shaaha lagu iibiyo oo la yiraahdo Fadhisamo, meheradan oo macaamiil badana haysata ayaa dadka shaaha ka caba ee macaamiisha joogtada u ah waxay samaysteen xeer ku cusub hab dhaqanka makhaayadaha shaaha, xeerkan ayaa dhigaya in qofkii raba inuu dadka u sheekeeyo oo isaga la dhegaysto uu  marka hore bixiyo lacagta shaaha dadka makhaayada fariista.

Wariye Maxamed Saalax ayaa tegey meheradaas oo shaah kasoo cabay sheekadana kasoo sameeyey.

https://radioergo.org/wp-content/uploads/2020/01/Warbixin-Saalax.mp3?_=1
Exit mobile version