Site icon Radio Ergo – Somali Humanitarian News and Information

Galdogob: Isbitaal laga hirgeliyey dhiig bixinta degdega ah oo ah nooc ku cusub dalka

Keydka sawirrada/Ergo

(ERGO) – Hooyo Iraado Maxamuud Warsame oo ah hooyo 54 jir ah oo ku nool degmada Galdogob ee gobolka Mudug waxay 19 kii bishii Nomvember 2019 gabar ay dhashay ka faa’iideysatay adeeg dhiig bixin degdeg ah oo dhowaan laga hirgeliyey cusbitaalka degmadda. dhalinyaro is xilqaamay ayaa adeegan fududaynaya in la helo dhiig bixin degdeg ah cusbitaalka ka hirgeliyey lix bilood ka hor.

Dhalinyarada hawshan bilaabay oo ah afar iyagu is xilqaamay waxay sameeyeen baaritaanada caafimaadka iyo noocyada dhiigaga ee dhalinyarada ku nool degmada oo diyaar u ah inay dhiigooda ugu deeqaan dadka u baahan ee la keeno Isbitaalka Degmadda. waxaana la diiwaan geliyey 500 oo dhalinyaro ah kuwaasoo dhamaantood rag ah, dhalinyaradan ayaa dhamaantood la hubiyey caafimaadkooda waxaana la diiwaan geliyey nooca dhiigagooda iyo meel lagala soo xiriiro hadii qof isku dhiig yihiin u baahdo dhiig shubis, cusbitaalka ayaa haysta nuqulka diiwaanka dhiig bixiyayaasha dhalinyarada ah ee diyaarka u ah inay dhiigooda ku deeqaan.

Ibraahim Xasan Cismaan oo ah madaxa dhalinyrada ka dambaysay fikrada ah in la diwaangeliyo qofkasta oo dhiig ka bixinaya Isbitaalka Galdogob ayaa Radio Ergo u sheegay in fikirkani yimi markii bishii afraad ee sanadkii hore uu dhiig bax u dhintay wiil dhalinyaro ah oo xabadi ku dhacday kaasoo geeriyoodey intii lagu hawlanaa raadinta dhiig lagu shubi karo.

“Wiilkaas wuxuu ahaa saaxiibkeen, kubadda ayuu nala ciyaari jirey 22 jir dhalinta magaalada kamid ah ayuu ahaa waxaa ku dhacday xabad isagoo dhiig baxaya ayaa Isbitaalka la geeyey, intii looraadinayey qof looga shubo ayuuna dhintay, maalinkaas ayaan go’aansanay inaan hawshaan qabano” ayuu yiri Ibraahim.

Hooyo Iraado Maxamuud Warsame oo ah hooyada dhashay wiilka bishii 4’aad ee sanadkii hore 2019 geeriyoodey intii dhiiga loo raadinayey ayaa markale 19 kii bishii November ee isla sanadka 2019 cusbitaalka keentay gabadh ay dhashay oo foolanaysey mudo 4 beri ah laakiin markan gabadheedu way uga badbaadey dhibaatadii wiilkeeda ku dhacday oo waxaa markiiba loo helay dhiig iyadoo madaxa diiwaan gelinta dhiig bixiyayaasha uu la xiriiray 4 dhalinyaro ah oo xogtoodu kayd sanayd kuwaasoo gabadha la dhiig ahaa.

“Wuxuu noqday dhiigeeda B+ sifudud baan ku helnay, 2kun oo millilitre baan u baahnayn afar qof ayaa naloo keenay oo mid kiiba shan boqol shubay, Alle ayaa mahad iska leh.” ayey tiri Iraado.

Agaasimaha Isbitaalka degmadda Galdogob Dr. Maxamed Cabdulaahi ayaa sheegay in hawsha dhalinyarada isxilqaamay qabteen ay xal u noqotay dadkii u dhiman jirey in la waayo dhiig lagu shubo, wuxuu sheegay in lixdii bilood ee u horeysey sanadkii 2019 oo uusan jirin qorshan dhiig shubista ee dhalinyaradu keeneen ay shan qof u dhinteen dhiig loo waayey dartiis, 17 qof ayaa hadda celcelis ahaan bil walba dhiig ku bixiya Isbitaalka taasoo meesha ka saartay in qofna loo waayo dhiiga uu u baahan yahay.

“Waxaan haynaa diwaanka ilaa 8 oo noocyada dhiigaga ah, nooca noogu badan waa O+ka, waxaa noogu xiga A+, B, waxaa nagu yar dhiiga Negativeka oo 30 qof keliya aan liiskooda ka hayno, dadka aan ka shubayno markiiba telefon ayaan u dirnaa, waana sahlantahay in la helo nooca qofka u bahan yahay.” Ayuu yiri Ibraahim.

Inkastoo cusbitaalku uusan lahayn meel lagu kaydin karo dhiiga oo diyaarsan, hadana qorshahan diiwaan gelinta noocyada dhiiga dhalinyarada magaalada ayaa waxbadan fududeeyey in qofka dhiiga u baahan si dhakhso ah u helo nooca dhiiga uu rabo, halka xiliyadii hore dadka loogu tegi jirey goobo kala duwan oo laga codsan jirey bixinta dhiiga markay ogolaadaana Isbitaalka saf u geli jireen si loo hubiyo nooca dhiiga, caafimaadka qofka iyo shubista dhiiga taasoo wakhti dheer qaadan jirtey.

Exit mobile version