(ERGO) – Maalgelin ay iska kaashadeen bangiga caalamiga ah ee Soomaaliya oo magaciisa loosoo gaabiyo IBS iyo Hay’ada ka shaqaysa hay’adda tuulada carruurta ee soomaaliya oo magaceeda loosoo gaabiyo (SOS) ayaa ganacsigooda loogu maalgeliyey 87 qof oo ganacsiyo kala duwan oo heerka hoose ah ku haysta degmada Diinsoor ee gobolka Bay.
Kataba Macallin Cabduqaadir oo ah hooyo haysata lix caruur ah oo kala ah afar wiil iyo laba gabdhood ayaa kamid noqotay ganacsatada ka faa’iidaystey maalgelintan.
Axaddii lasoo dhaafey ayaa la siiyay lacag gaareysa $800 (Sideed boqol oo doolar)
si ay ugu kobciso ganacsigeeda oo caqabad weyn kala kulmaya go’doonka ay ku jirto degmada ee Diinsoor.waxay iibisaa raashinka noocyadiisa kala duwan oo ay kamid yihiin, Bur, Bariis, Sonkor, Baasto iyo Saliid iyo alaabo yaryar oo bagaash ah. dhamaan badeecadaha ay ku iibiso dukaanka ayaa si dhuumalaysi ah dameero loogaga soo qaadaa deegaanka Ufurow oo 45KM u jira degmada Diinsoor. Radio Ergo ayay u sheegtay in lacagta la siiyey ay kobcinayso ganacsigeeda oo caqabadi ka haysato go’doonka magaaladu kujirto.
“Waxaan ku sameynayaa dhamaan lacagta aan qaatay in aan alaabo kusoo iibiyo sida rashiinka noocyadiisa kala duwan iyo bagaashka wixii ay i goyaan waana sii dalbaday muqdisho ayay ka imaan doontaa alaabta aan dabaday markay isoo gaartana dukaanka wuu buuxsami doonaa.” ayay tiri.
Kataba ayaa ganacsiguudu yahay isha dhaqaale ee keliya oo qoyskeedu ku tiirsan yahay iyadoo aabaha qoysku uu shaqo la’aan yahay, afar kamid ah caruurteeda ayaa waxbarta waxayna bil walba waxbarashadooda ku bixisaa lacag dhan $15 oo ganacsigeeda ay ka maarayso. ganacsigeeda oo ah mid kooban iyo qoyskeeda uu aan meel kale lacagi kasoo gelin ayaa sababtay inay u baahato maalgelintan iyadoo bilwalba iska bixin doonta 10% oo u dhiganta $80 taasoo ay sheegaty inay iska bixin karto.
Cabduqaadir Cabdiwahaab Cabdisalaan oo ka mid ganacsatada la maalgeliyey ayaa Radio Ergo u sheegay in qaadashada dayntan ay ku dhiirigelinayso dagalyada beeralayda usoo go’aya xiligan ee ku nool tuulooyinka u dhow Diinsoor oo uu sheegay inay ka dukaamaystaan magaalada marka dalagoodo usoo go’o.
“Waxaan soo saxiisey dhaqaale sagaal boqol doolar ah,waa lacag aniga dalbadey oo ganacsigayga ku xoojinayo suuqa markan wuu iska fiican yahay oo markasta oo dalaga beeruhu soo go’o sidii hore uu dhaamaa.” ayuu yiri.
Xanibaada Al-shabaab saartay magaalada Diinsoor ayaa dib u dhac badan ku keentay ganacsiga degmada oo aanu soo gelin wax gaadiid ah oo raashin keeni kara. Cabdulqaadir wuxuu bartamaha magaalada Diinsoor ku haystaa meherad yar oo lagu gado badeecadaha raashinka, bagaashka iyo dalaga kasoo go’a beeraha dalka. waxayna fursadan maalgelintu ganacsatada u tahay mid muhiim ah.
Cabdiweli Maxamed Cilmi oo waaxda maalgelinta u qaabilsan Bangiga IBS ayaa Radio Ergo u sheegay in mashruucan loogu talagalay kobcinta iyo kor u qaadista ganacsiga dadka ganacsiyada yaryar ku haysta magaaladan Go’doonsan ee Diinsoor. qofwalba waxaa la siiyey maalgelin uu awoodo inuu si hafto ah isaga bixiyo iyadoo lacagta daynta ah dhamaanteed lagu soo xarayn doono 10 bilood ah.
“Qofkasta waxaa la siiyey maalgelin u dhiganta awooda ganacsigiisa, dadka qaar waxaa la siiyey Kun dollar, qaar sagaal boqol, iyo qaar shan boqol la siiyey qof walba waxaa la fiirinayey awooda ganacsigiisa iyo daynta uu qaadan karo.” ayuu yiri.
Ujeedada mashruucan ayaa ah horumarinta ganacsiga yaryar ee kajira degmada si dadka ku ganacsanaya degmada Go’doonkahi u noqdaan kuwo haysta ganacsi isku filan oo koboc sameeya. fursadan ayaa noqotay tii ugu horaysey ee nooceeda ah oo ay helaan ganacsatada yaryar ee ku ganacsada degmada Diinsoor ee gobolka Bay.