Cabudwaaq: Urur 65 haween ka caawiyay in laga daweeyo iskufuranka

0
Kaydka sawirrada/Ergo

(ERGO) – Nimca Xasan Maxamuud oo 24 jir ah waxa ay aad ugu faraxsan tahay dawayn ay heshay kaddib muddo afar sano ah oo ay lanooleed xanuunka isku furanka. Nolosheedii caadiga ahayd ayay dib u bilowday muddo kaddib markii laga ga daweeyay xannuka isbitaal ku yaalla magaalada Boorama 10 bishii September ee sanadkan.Hadda waxa ay la nooshahay saygeeda iyo wiilkii ay ku curatay maaddaama muddo aysan u suuro galin in ay guri ku la noolaato.

Waxa ay gacan ka heshay Nimca ururka haweenka degmada Cabudwaaq oo iyada iyo haween kale oo xanuunkaas la noolaa ka cawiyay in si bilaash ah daryeel caafimaad loogu sameeyo meel kabaxsan deegaankooda.

“Awal guriga ka ma soo bixi jirin, ma shaqaysan jirin, hadda naag shaqaysta oo arligeeda marta ayaan ahay, waxaana ahaa qof dadka oo dhan ka faanayeen oo guriga aan ka soo bixin,” ayay tiri Nimca.

Waxa ay sheegtay in markii xaalladda xanuunkan la soo gudboonatay uu ka tagay saygeedii tan iyo xilligaasna ay la nooleed ehelkeeda, Balse ay la ku lantay takoor bulshada dhexdeeda.

Shaqadii markii hore ay qaban jirtay ee wareejinta waxyaabaha haweenku isku qurxiyaan ayay dib u bilowday.

“Aniga oo xanuunka la ildaran oo xilliga aan suuliga galo xitaa iska ooyaya, ayaa gabdhuhu ii caawiyeen, waxa ay igeeyeen Boorama, Waana la iga soo daaweeyay xanuunka,” ayay tiri Nimca.

Nimca waxa ay ka mid ahayd 65 haweenka oo ku nool dagmada Cabudwaaq oo xanuunka isku furanka looga daaweeyay isbitaalo kula yaall magaalooyinka Boorama iyo Muqdisho labadii sano ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay Xalwa Aadan Guuleed, oo ah Xiriiriyaha ururkan.

Waxay sheegtay in ay diiwaan galiyaan haweenka qaba xanuunka si marka fursad daawayn oo bilaash ah u soo baxdo ay uqaadan.

“Wayn nala soo xariiraan sidaas ayaan xafiiska ku keenna, kaddibna fiisitada ayaan gayna marka xanuunku ku cadaado in ay qabto haweenaydu, waan diiwaan galina,” ayay tiri Xalwa.

Waa koox mutadawiciin ah oo xiriir laleh qaarkamid ah isbitaalada bixiya daawaynta iyo qaliimada lacag la’aanta, kuwaasi oo kula yaal muqdisho iyo meelakle, Haweenka ugu badan ee ay caawiyaan waa kuwa aan haysan dhaqaale ay iskudaryeelan.

Ururka oo la aasaasay 2013 ayaa shantii sano ee u horaysay ku ekaa wacyigalinta bulshada dhibanayaashu ay ku dhex nool yihiin, balse labadii sano ee la soo dhafay ay heleen xiriirka isbitaalada qaliimada bilaashka ah bixiya.

Xalwa Aadan xiriiryaha kooxdan ayaa sheegtay in ay ku dhalisay caawinta haweenka markii ay arkeen dhibaatooyinka ay qabaan oo cidna uga garaabi waysay looguna daray faquuq marka xanuunkan haleelo.

Wacyiga galinta mudada dheer ay wadeen iyo fursadaha daaween ee loo helay haweenka xanuunku ku dhacay ayay sheegtay in raggii ku nicijiray xaasaskooda xanuunka ay hadda  wacyigoodii uu isbadalay.

Waxa ay sheegtay in bilowga sanadka cusub ee 2020 ay qorshaynayaa in haween gaaraya 30 u helaan daawaynta iyaga oo lakaashanaya isbitaalada daawaynta bilaash ah ufidiya hawaheen isku furanka qaba.

Nadar Axmed Maxamud, waxa ay ka mid tahay haweenka u diiwaan gashan ururka.

Xanuunka ay la nooshahay ayaa haleelay sanadkii 2016-kii markaas oo miyiga Cabudwaaq ay ku dhalisay umuliso dhaqmeed aan xirfad badan lahayn.

“Sideed bilood ayaan qoranahay walina ma helin caawin deg deg ah, lacag aan ku aadana ma haysto, Waxaan rajo ka qaba in mar meesha lagu daaweeyo xanuunka ee Muqdisho iyo Moorama  aan tago,” ayay tiri Nadar oo ah hooyo haysta afar carruur ah.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here