Xarumo keyd oo kobciyay wax-soo-saarka kalluumaysatada Somaliland

0
RadioErgo/sawir hore

(ERGO) – Tiro kordheysa oo ah dad isugu jira xoolo-dhaqato iyo dhallinyaro ay shaqo-la’aan haysatay oo ku sugan Somaliland ayaa noqonaya kuwo markii ugu horreysay noloshoodu ku tiirsan tahay kalluumeysiga. Arrinkan waxa uu imaanayaa kaddib markii ay dowladda Somaliland ka hirgelisay lix deegaan oo xeebaha ku yaal xarumo lagu keydiyo kalluunka oo ku shaqeynaya qalabka dabka ka dhaliya cadceedda. Sida ay sheegeen iskaashatooyinka kalluunka ee deegaannadaas, ugu yaraan 250 oo qof oo u badan xoolo-dhaqatada gobollada Awdal, Saaxil iyo Sanaag ayaa labadii bil ee u dambeysay ku biiray xirfadda kalluumeysiga.

Wasaaradda Xannaannada Xoolaha iyo Kalluumeysiga ee Somaliland waxay qaboojiyeyaasha dhigtay deegaannada xeebaha ku yaalla ee kala ah Meydh, Xiis, Bullaxaar, Saylac, Laas-uurweyne iyo Laasqorey, halkaas oo ay kalluumeysatada toddobaad iyo ka badan wixii ay badda kala soo baxaan ay ku keydsan karaan iyadoo aan wax lacag ah laga qaadin.

Naasir Xaashi Xandulle, guddoomiyaha iskaashatada kalluumeysiga degmada Bullaxaar oo ku taalla gobolka Saaxil ayaa sheegay in ay 75 qof oo cusub ay kusoo biireen kalluumeysiga degmada. Wuxuu isaga keliya sanadkan shaqaaleeyay afar qof. “Dhallinyartii ayaa dhiirigeshay oo aad u galay baddii. Dad badan oo aan magaaladii aqoon ayaa yimid oo noloshooda ka soo saarta kalluumeysiga,” ayuu yiri Naasir. Shirkado waaweyn sida Horn Fish ayaa hadda kalluunka ka daabula Bullaxaar si ay ugu suuq-geeyaan magalooyinka waaweyn sida Hargeysa, Gebiley, Boorama iyo Wajaale.

Yuusuf Nuur Ismaaciil oo dhallinyaro ah, kuna biiray kalluumeysatada xeebaha Xiis ayaa sheegay in markii shaqada kalluumeysiga uu koboc wanaagsan ku yimid uu billaabay shaqadan. “Waxaanu sameynay inaan kalluunka ka ganacsano oo Berbera u qaadno, Ceerigaabo geyno, tuulooyinka geyno, Yemen u dhoofinno, markaanu baraf dhaliyihii iyo meel aanu ku kaydino helnay.”

Yuusuf, qaraabadiisa ayaa ka caawisay inuu iibsado laash uu ku kulluumeysto. Wuxuu toddobaadkii suuq-geeyaa 500 ilaa 1,000 kiilo oo kalluun ah. Habeenkii ayuu kalluunka soo dabtaa, wuxuu ku keydiyaa qaboojiyaha xarunta, kaddibna Jimcooyinka ayuu Berbera u safriyaa. Marka uu iska bixiyo gunnada shaqaalaha iyo lacagta shidaalka, wuxuu toddobaadkii faa’iidaa $300. Wuxuu ku filnaaday nolosha qoyskiisa; xaaskiisa iyo 11 carruur ah. Wuxuuna ka shaqaynayaa inuu maalgashi ballaarinaya ku sameeyo gnaacsigiisa. “Laashash ayaan iibsannay, dabadeedna waxaa ay noqotay inaanu tallaagado kale sameyno oo markaanu doonno aan talaagadaha saarno oo kalluunka aan ku gayno tuulooyinka iyo magaalooyinka. Si aad ah ayay isku beddeshay noloshu oo meel aad ah ayay noo maraysaa,” ayuu yiri Yuusuf.

Ismaaciil Mire oo ah agaasimaha waaxda kalluumeysiga ayaa sheegtay in wasaaraddu ay ku faraxsan tahay natiijada mashruuca qaboojiyeyaasha oo uu lacagtiisa bixiyay sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF) oo ah mid uu taageero Midowga Yurub. “Waxaanu ugu talagalnay waa jiheyn oo waxaan doonaynaa in bulshadii xooluhu ka baxeen iyo bulshadii kale ee noloshoodu ku tiirsaneyd ee laakiin hadda tahli waayay badda ku dareeraan khayraadkaas dihin ee badaheena ku duugan oo noloshoodu ay ku dhisnaato,” ayuu yiri Ismaaciil.

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here