Puntland: Qoysas loo qaybiyay burjikooyinka dhuxusha-beeqaamiya

0
Qaar ka mid ah haween la siiyay burjikooyinka dhuxusha beeqaamiya/Yusuf Shire/Ergo

(ERGO) – Labo bilood ka hor, Faadumo Yusuf Cabdiraxmaan waxaa ay la daalaadhacaysay xal u helidda isticmaalka dhuxusha balse hadda waxaa ay si wayn u mahadisay burjikooyinka dhuxusha beeqaamiya oo ay ka heshay Wasaaradda deegaanka maamulka Puntland.

Waxaa ay ka mid ahayd boqol ganacsato ah oo ku nool magaalooyinka Boosaso, Garowe, Qardho, Gaalkacyo, Badhan, Dangoroyo iyo Burtinle oo la siiyay 2,100 xabo oo burjikooyin  ah si ay faa’iido dhaqaale uga helaan iyaguna u isticmaalaan.

Faadumo oo ku ganacsato suuqa magaalada Garowe ayaa labo bilood ka hor la siiyay 10 burjiko oo 9 ka mid ah ku iibisatay lacag dhan $162. Sida ay u sheegay Raadiyow Ergo, qoyskeeda waxaa uu bishii isticmaali jiray 3 kiish oo dhuxul ah taas oo lacag ahaan u dhiganta $54 balse hadda markii ay heleen burjikooyinkan cusub ay isticmaalaan kiish iyo bar dhuxul ah oo qarash ahaan u dhiganta $27.

“Agabka lana siiyay waxyaabo badan ayaan ka faa’iidnay, oo si gaar ah waxaan ka sii gadnay dad danyar ah oo markii hore suuqa qaali laga siinayay. Waxaan kalo ka faa’iidnay degdeg oo cunadii ay ku bisleynayso, Ardaygii iskoolka aadayay iyo wixii lamid ah, marka faa’iidooyin badan ayaan ka helnay,” ayay tiri Faadumo oo heysata toddobo carruur ah oo ay dhashay iyo 5 ay walaalaheed dhaleen oo isugu jira 5 gabdhood iyo 7 Wiil. Toddobo ka mid ah carruurtaas ayaa waxaa waxbarashadooda ku baxdo 134 doolar.

Dhanka kale, Wasaaradda deegaanka ee Puntland ayaa soo gabagabaysay barnaamij ay 2,750 qoys oo ku nool 19 degmo ay ugu qeybisay burjikooyinka dhuxusha tashiila, si loo yareeyo isticmaalka dhuxusha deegaannadeeda.

Barnaamijkan oo la billaabay sanadkii 2018-kii waxaa ka faa’ideystay dad isugu jira ganacsato yaryar iyo dad danyar ah, sida uu Raadiyow Ergo u sheegay agaasimaha wasaaradda deegaanka Cabdicasiis Nuur Cilmi.

“Runtii hadda wax badan ayaa is badalay, tusaale magaalooyinka waaweyn waxaa waddooyinka taagnaan jiray baabuur dhuxul and xaabo wada, marka siyaasadeena ayaa waxay tahay in la yareeyo isticmaalkii dhuxusha, kaddibna la gaaro in la jabiyo waxybaaha kale ee dadku wax ku karsan karaan sida Gaaska cunnada,” ayuu yiri Cabdicasiis.

Cabdirsaaq Maxamed Cali oo ah khabiir dhinaca deegaanka ah ayaa ku baaqay in la balaariyo mashruucan.

“Burjikooyinkan tashiilka ah oo looga jeedo in lagu yareeyo dhirta badan ee la jarayo meesha ka saari meyso dhuxushii badneyd ee weli la gubayay laakiin waxay caawinaysa inay yaraato, tusaale kiishka dhuxusha ah 6 geed ayaa laga sameeyaa laakiin haddii nus kiish la isticmaalo seddex geed ayaa badbaadaysa,” ayuu yiri Cabdirsaaq.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here