(ERGO) – Cabduqaadir Axmed Xasan ayaa ka mid noqday boqollaal ku barakacay fatahaadda Webiga Shabeelle, oo la gaarsiiyay gargaar labadii toddobaad ee u dambeeyay. Qoyska Cabduqaadir oo ka kooban lix ruux ayaa ka soo barakacay Mareerray oo Mahaddaay u jirta 6km dhanka galbeed.
Cabduqaadir oo hadda ku nool meel tuuladii u jirta 3 km ayaa waxaa talaadadii la soo dhaafay la siiyay $50 oo uu ku maareeyo nolasha qoyskiisa. Deeqdan ayaa ka timid xafiiska guddiga qaran ee gurmadka fatahaadaha ee dowladda federaalka ah, wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee federaalka iyo madasha ay ku midoobeen xisbiyada qaran. Cabduqaadir ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in lacagtu ka caawisay in uu carruurtiisa u soo iibsho raashiin, darimmo, iyo marakinaayooyin.
“Aad iyo aad ayay wax iigu tartay, masha Allah way dadaaleen dadka soo dhiibay deeqda sii wada ayaan leennahay, waxna soo gaaro shalay ayaa noogu horreysay dhibaatadii aan ku jirnay waan ka baxnay,” ayuu yiri Cabduqaadir
Qoyska Cabduqaadir wuxuu dulsaar ku yahay guri uu leeyahay adeerkii oo ku yaalla dhul taag ah. Muumino Axmed Qaasin oo deggan tuulada Shiidlo-bari waxay ka mid tahay dadka ay fatahaaduhu barakiciyeen ee deeqda la siiyay. Muumino iyo carruurteeda muddo labo bil ah kuma aysan hoyan gurigeeda oo ahaa saddex muddul iyo daash oo biyaha fatahaadda ay burburiyeen.
“Waxaan helnay teendho, bacweyn, sasanyeeri, laba digsi qaado, waan ka mahadinay,” ayey tiri Muumino.