Ayax xaalufiyay deegaanno ka tirsan Galgaduud iyo Hiiraan

0

(ERGO) – Dhartii ka baxaysay lix degmo oo ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Hiiraan ayaa waxaa waxyeello badan u gaystay ayax ka soo ruqaansa dhanka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Sida ay dadka deegaanka ay u sheegeen Raadiyow Ergo ayaxan ayaa halka uu ku dego muddo nus saac ka yar ku xaalufinayo naqa geedaha saran.

Degmooynka ayaa kala ah Dhusamareb Cadaado, Caabudwaaq, Balanbal Galinsoor, Guriceel iyo Galijir oo ka tirsan Hiiraan.

Ayaxan ayaa la sheegay in inta badan deegaannadan yimid kowdii bishan.

Cumar Barre Maxamed oo ku nool degaanka Laasxadow oo Dhusamareeb 25km waqooyi uga began ayaa isaga iyo qoysaska kale ay ka gureen halkii ay deganayeen kaddib markii uu ayuxu ku degay deegaankooda.

“Hadeer matoorkii Laasxadow, xeryihii cidu deganeyd saf balaran ayuu u heystaa, qiiq asago aad moodo. Bahalkan guduud, madow iyo caddaan ayuu ka dhexeyaa, meesha naqa badan ayuu ku degayaa, labatan daqiiqo mesha uu jogana wuxuu ka dhigayaa beyl cad,” ayuu yiri Cumar.

Cumar ayaa deegaankaas ku dhaqdo 75 neef oo ari ah iyo 12 geel ah kuwaas oo uga haray 250 ari ah 20 geel ah oo uga le’day abaarihii la soo dhaafay.

Dadku ayaa waxay kicinta anyaxan u isticmalayaan koonbooyin ay dhagxaan ku shubeen oo ay ka daba-ruxayaan.

Sidoo kale Cabdi Cabdullaahi Faarax oo ku nool degaanka Gelijir ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa walaac ka muujiyay imaatinka ayaxa, isagoo sheegay in ay ku adag tahay in uu ka guuro deegaanka.

“Ilaa afartan kilo mitir dhul la’eg ayuu hadda heystaa, quraan ayaa lagu aqrinayaa waana la jafayaa oo kicin ayaa lagu wadaa haddase uma heyno tacaal kale,” ayuu yiri Cabdi .

Cumar Barre wuxuu sheegay in uusan weligiis arag anyax, qaab la iskaga kiciyana uusan aqoon u laheyn isago markii hore u heystay wax caadi ah balse mar dambe ogaaday in uu yahay mid dhirta naqa ka cunaya.

“Ubax qurxoon ayuu u eg yahay, baalal ayuu leeyahay, afweyn ayuu leyahay dhuunta meesha wax laga bireeyo wuu ka bireysan yahay, haddana cunadii ka dadan meyso Ilaahay amarkiis marka hore sahan ayaa ka soo horeeya ilaa toban, shan, lix ayaa marka hore imanaysa, labo berri ayay joogayaan, meesha markaas ayuu ka daba imanayaa,” ayuu yiri Cumar oo intaas ku daray in guuxa ayaxa uu ariga iyo geela didinayay.

Mahad Cabid Xuseen oo ku nool degaanka Marodile oo Guriceel 40km waqooyi ka xiga ayaa ka mid ahaa dadka koombooyinka ku dabaqaraacayay ayax.

“Waa lagu kacay waan cirdaynay, waxan ka dhignay waxaan cirdeyno iyo waxaan dilno carruurta iyo dumarka ayaan ku kicinay, oo waan jafnay, maalin dhan ayaan daba ordeynay, xabado waan ku ridnay,” ayuu yiri Mahad.

Deegaannada Ari-cadeys iyo Miro-cowleed oo Gelinsoor ka tirsan ayaa ka mid ah deegaannada roobka dayrtu uu sida fiican u helay bil iyo bar ka hor hase yeeshee dooggii roobku uu ka soo saaray dhirta waxaa baabi’iyay cayayaanka ayaxa oo ku dagay.

Siciid Maxamuud Cadde oo ah aabaha qoys toddob qof oo horay u deggenaa deegaanka Miro-cowleed oo ayaxu ku degay wuxuu hadda ku nool yahay deegaanka Ari-cadays. Wuxuu ka cabsi qabaa in xoolihiisu ay waayaan wax ay cunaan inta roobka kale laga gaarayo maaddaama naqii yaraa ee roobka ugu soo baxay uu ayaxu la tagay.

“Marka hore Caleenta geedka ayuu cunaya laankasta oo geedka ku taalana dhexda ayuu ka jarayaa. Geedku waxa uu u ekaanaya wax qalalay oo qaawan marka xooluhu wax ay ka cunayaan ma leh,” ayuu yiri Siciid.

Cabdikariin Xasan Mohammed oo ah aqoonyahan Cilmiga deegaanka bartay islamarkaana muddo toban sano ah ku shaqaynayay ayaa sheegay samaynta ayaxa uu u gaysto doogga roobka ku dhashay uu kaga daran yahay wax walba.

“Ayaxa marka uu meesha uu kudago waxa uu kureeba ugxaan isga oo muddo kooban jooga, ugxantaas waxa ay awood uleeyihiin in jiilcusub oo bahalkaas ah ay sameeyaan, waxaana dhacday  deegaan aan ayaxa lagu aqoon in lagu arko” ayuu yiri Cabdikariin.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here