Gabadhii ugu horaysay ee Boosaaso ka noqotay wade gaadiidka dadwaynaha

0

(ERGO) – Iyada oo og in aysan bay’adda ay ku nooshahay in ay nadir yihiin haween ka shaqeeya gaadiidka dadwaynaha, ayay Ikraan Yusuf Cooraaf waxaa ay u bareertay in ay ka mid noqoto wadayaasha gawaarida taksiga ah eek a shaqeeya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Ikraan hooyada saddex carruur ah ayaa waxaa ay waddida gaari taksi ah bishii Agoosto kaddib markii uu burburay ganacsi yar oo ay ku laheyd Suuqa Boosaso.

Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in ay xirfaddan ku dooratay sidii ay haweenka kale ugu dhiiri galin laheyd shaqooyinka yar yar sida waddida tagsiga.

“Intee gabdhood ayaa hadda jaamacado ka soo baxay oo aan shaqana heysan marka hadda waxaan tusayay in gabadhu shaqeysan karto, waxna la soo bixi karto,” ayay tidhi Ikraan oo sanadkii 2016 dhameysay barashada culuumta xisaabaadka maaliyadda oo ay ka baratay Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda magaalada Boosaso.

Ikraan waxaa ay shaqadeedan cusub ku bilowday Lacag dhan $2,000 kadib markii ay xaraashtay mehered lagu iibiyo maryaha oo ay furatay sanadkii 2011. Lacagta inteeda kale ee ay gaari ku gadatay oo gaaraysay $750 waxaa ku caawiyay walaasheed oo ku nool dalka dibadiisa.

Waxaa ay sheegtay in celcelis ahaan bishii ay hesho lacag u dhaxayso $300 ilaa $400 oo doolar. Ikraan ayaa sidoo kale Baabuurta keeda la mid ah waxaa ay ka soo iibisaa dalka Imaaraadka kaddibna ay dib u iibisaa. Sayga Ikraan oo u shaqayn jiray shirkad ganacsi ayaa waxaa ay shaqada ka istaagtay shan bilood ka hor.

Odaygegu wuxuu iga caawiyaa shaqada guriga, adeegii ciyaalka iyo wixii kale ee guriga looga baahan yahay, ilmihiina in laga warqabo ayay rabaan intaan guriga ka maqanahay,” ayay tiri Ikraan oo hadda ka shaqeysa shirkad lagu dalbado habka Online-ka oo lagu magacaabo Dhaweeye oo ku dhawaad 600 gaari ay oga shaqeeyaan deegaannada Puntland. Ikraan waxaa ay celcelis ahaan maalintii gashaa 10 ilaa 15 safar.

Ikraan waxay lacagta ay ka hesho shaqadeedan ku dabartaa waxbarashada saddex caruurta ah oo ay iyadu dhashay kuwaas oo bil kasta ay kaga baxdo lacag dhan $ 45. Waxay shaqadeeda ku egtahay waqtiga salaadda maqrib maaddama ay dumar tahay.

Waxay mustaqbalka ku hanweyn tahay in ay iibsato gaadiid badan oo tagsiyo ah oo ay gaarto heer iyada loo shaqeeyo.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here