Dhul go’ sababay hayaanka xoolo-dhaqatada Sool

0

(ERGO) – Qaar ka mid ah xool-dhaqatada ku nool gobolka Sool ayaa ka hayaamay deegaannadooda kaddib markii dooyinka ay daaq ka heli jireen isubedelaan godad jeex jeexan iyo boholo. Dooxooyinkan ayaa waxaa ka mid ahaa Abeesalay, Casaha, Dharjada, Tifafle, iyo Gabdhabe oo hoos yimaada degmadda Laascaanood. Dooxoyinka ayaa ah kuwa ugu badan ee xooluhu nacfiga ka heli jireem doog.

Maxamed Cabdiraxaam Cali oo ka mid  ah dadka xoola-dhaqatada eek a hayaamay deegaanka ayaa waxaa uu 100 neef oo ari ah u la guuray meel dooxada Tifafle u jirta 20km.

“Anigu waxaan ka guuray dooxada tifafle. aqalkii xitaa waan kaga tegay, biyihii roobku jeexii meel boholo ah ayaa ka samaysmay intii kale waxay noqotay bus oo nabaadkii ka guuray markii biyihii ka leexdeen. dooxadii wax yeelo wayn ayaa gaartay,” ayuu yiri Maxamed oo intaas ku daray in meesha hadda uu u guuray in ka nacfi yar tahay dooxada.

Maxamed ayaa sheegay in meelaha ay mareen biyaha ay dunsheen geedihii ku yaallay taa oo saamayn ballaaran ku reebtay dooxada.

“Wax ka qabashada annaga waa arin naga awood badan, maamulka hay’addo iyo shicib waa in ay isugu taagaan sidii dhulkan wax yeeladu so gaartay wax looga qaban lahaa,”ayuu yiri Maxamed oo ah seddex carruur ah.

Xoolo-dhaqatada ayaa waxaa ay qabaan walaac ah in ay jirta halis geelu marka uu daaqayo dooxooyinka dhul go ku dhacay soo gaari karta. Muuse Faarax Cawad wuxuu ka mid yahay dadka xoolo-dhaqatada ee degganaa dooxada Gabdhabe oo 28 km bari ka xigta magaalada Laascaanood. Muuse oo dhaqda 120 neef oo adhi ah iyo 20 geel ah waxaa saameeyay dhul-go’an.

“Dooxada markii hore meel ayaa go’day, waa sii faaftay hadda roobkii da’ay wuxuu sababtay in dooxadii laga guuro. Anigu waxaan u guuray xaga mamaca ee buuraha xigta, sababta waxaa weeye in xoolihii iyo caruurtii aan ka cabsaday in ay  godadka igaga daatan, dooxadii godad ayay noqotay,” ayuu yiri Muuse oo ah abbe haysta afar carruur ah.

Jaamac ahmed Ducaale oo ah khabiir  cilmiga hormarinta deegaanka wuxuu sheegay in degsiimadda dadka xoola dhaqatada ay tahay sababta ugu wayn ee keenaysa in dooxooyinka dhul go’ ku dhaco.

“Dadka reer guuraaga ah ayaa kow  ka ah dhibaatada deegaanka meel walba waa iska degeen meel biya mareen ah iyo meel aan hayn waxaa taasi sii dheer wacyigelin la’aanta, qof kasta xilbaa ka saaran ilaalinta deegaanka,” ayuu Jaamac.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here