Baydhabo: Kumanaan barakacayaal ah oo daadadku ugu galeen xeryahooda

0

Kumannaan qoys oo degganaa xeryaha dadka barakacay ee magaalada Baydbabo ayay si toos ah u saameyeen roobab lixaad leh oo ilaa tobankii Oktoobar ka da’ayay Baydhabo iyo nawaaxigeeda. Xeryaha qaar ayaa dib looga barakacay, qaar kalena biyaha ayaa gudaha u galay aqallada iyadoo weli aysan dadku ka bixin.

Xeryaha baragkaca ee dhibaatadu saamaysay ayaa ku yiilay dhul hoose oo dhaca jihooyinka Bariga iyo koonfurta Baydhabo, dadka aqallooda ka tegay ayaa dulsaar ku noqday barakacayaal kale oo degan dhul taag ah oo isla xeryahaas ka tirsan, sida uu ku soo warramayo weriyeheenna Muxyadiin Xasan Maxamed

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here